Araweelo News Network.

 

Nairobo(ANN)-Xukuumadda Dalka Kenya, ayaa ka hadashay go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee International Court Of Justice (ICJ).

 

Alt: Dhismaha Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ

Dhismaha Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ Image File Araweelo News Network.

Dawladda Kenya, iyadoo daba socota go’aanka maalmihii lasoo dhaafay kasoo baxay Maxakmadda Caalamiga ah ee ka gar naqaysa muranka dhinaca Badda ee u dhexeeya Dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Dawladda Kenya oo dhegysiga dacawada dib loo dhigay.

Macharia Kamau oo ah Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Dalka Kenya ayaa sheegay in ay diyaar u yahiin ka qaybgalka dhegeysiga dacwadda, isagoo carabka ku dhuftay in go’aanka maxkamaddu dib ugu dhigtay dhegeysiga kiiska aannu ahayn guuldarro.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Kenya, wuxuu sidaa ka sheegay mar uu maanta weriyayaasha kula hadlay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Macharia Kamau ayaa sheegay inay ka xaadiri doonaan dhegeysiga mudada loo qabtay, wuxuu mar kale diray fariin dadban, taas oo uu ku wargeliyay Maxkamadda inaan meesha laga saarin halista cudurka Covid-19,  waxayna taasi muujisay in Kenya weli aannay ka rajo dhigin in kiiska dib loo dhigo.

Dacwadda Soomaaliya iyo Kenya oo dhawrkii sannadood ee u danbeeyay soo jiitamaysay, waxaa loo ballansan yahay 15-ka March 2021, waxaana loo qorsheeyay in dhegeysiga kiisku socdo ilaa 19-ka March.

Arrintan ayaa timi kaddib markii dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku guuleysatay diidmo ay ka muujisay in dib loo dhigo dacwada Badda markii Afaraad, iyadoo taas kaga jawaabaysa Kenya oo samaysay dalab ay ku codsanay in dib loo dhigo dhegeysiga kiiska.

Dhinaca kale, Philippe Gautier oo ka tirsan Maxkamadda Caalamiga ah ee International Court Of Justice (ICJ). ayaa ka hadlay arrintan dhageysiga, wuxuuna xusay in dhegeysigu u dhici doono qaab online ah, oo aan Maxkamadda la tegi doonin, taas oo meesha ka saareysa halista COVID-19 ee Kenya ay isku dayeyso inay ku cudur daarato si ay marmarsiiyo u samayso.

“Anniga oo tixraacaya kiiska xadaynta Badda Indian Ocean ee Soomaaliya iyo Kenya, iyo codsiga Kenya ee ah hakinta sii wadista dhageysiga, waxaan jeclahay inaan idinku war-geliyo, in kaddib markii aan ka fakarnay doodaha labada dhinac, in maxkamadda ay go’aansatay inay sii wado dhageysiga sida loo qorsheeyey oo billaabanaysa 15-ka March,” ayuu yidhi, Philippe Gautier oo ah diiwaan-hayaha maxkamadda ICJ, oo qoraal soo saaray Sabtidii todobaadkan.

Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa soo dhowaysay muddada loo cayimay dhegeysiga dacwadda, waxayna sheegtay in ay rajaynayso in go’aanku noqdo mid calaad ah.