Araweelo News Network

 

Hargeysa (ANN)- Dawladda Somaliland iyo Maamulka Khaatumo ee wadahadalka u socdo, ayaa kala saxeexday qodobo is-afgarad ah oo ka soo baxay kulamo maalmihii u dambeeyey ka socday caasimadda Hargeysa.

 

Heshiiskan oo ka kooban toban qodob oo ka hadlaya wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Khaatumo iyo xaaladaha guud ee ka jira deegaanka Buuhoodle oo ay ka socdaan siyaasado is diidani, waxa kala saxeexday Wasiirka Arrimaah Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo Guddoomiyaha Guddiga wadahadalka u qaabilan kooxda Khaatumo Kayse Cabdi Yuusuf , kuwaas oo markii dambena warbaahinta la hadlay.

 

Wasiirka Arrimaah Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa warbaahinta u akhriyey qodobada heshiiska ay kala saxeexdeen maamulka Khaatumo, waxaannu yidhi, “Waxa shirkaasi ka soo baxay qodobadan hoos ku xusan;

1. Waxaannu tacsi u diraynaa eheladii iyo qaraabadii ay dhimashadu ka soo gaadhay isku dhicii ay ka dhacay magaalada Buuhoodle ee dhexmaray labada reer ee walaalaha ah.

2. Waxaannu bogaadin iyo hambalyo u diraynaa odayaasha iyo waxgaradka ka hawlgalay, Ilaahayna ku guuleeyey inay soo afjaraan shaqaaqadii halkaa ka dhacday.

3. Waxaannu isla garanay in meel looga soo wada jeesto xaaladda cusub ee ka aloosan Buuhoodle.

4. In maamullada Garoowe iyo Muqdisho ay joojiyaan farogelinta qaawan ee ay ka wadaan deegaamada Somaliland guud ahaan, gaar ahaana Buuhoodle.

5. In caalamku ogaado wixii dhibaato ah ee ka dhaca Buuhoodle ay ka masuul yihiin labada maamul ee Garoowe iyo Muqdisho.
6. In maamulka Garoowe joojiyo dhibaatada uu ku hayo nabadda iyo geedi-socodka dimuqraadiyadda Somaliland.

7. In Garaadada, cuqaasha iyo waxgaradku ay wadajir uga hortagaan wixii dhib iyo dhaawac nabadda iyo nolosha dadka gaadhsiinaya.
8. In aanay Somaliland marnaba aqbali doonin in meel ka mid ah dhulkeeda lagu qabto shir lagu kala qaybinayo dadka iyo dalka Somaliland, laguna burburinayo wadahadallada Somaliland iyo Khaatumo.

9. Waxaannu uga digaynaa shirkadaha iyo hay’adaha diyaaradaha inay fasax la’aan ka soo degaan garoomada si loo sugo ammaankooda.

10. Waxa la magacaabay guddi laba geesood ah oo talo-bixin ka soo jeedin doonta qabashada shirweynaha loo dhanyahay.”

 

Waxa kaloo uu ka hadlay ujeeddada laga leeyahay wadahadalladan u socda Somaliland iyo Khaatumo oo uu ku tilmaamay inay salka ku hayso sidii loo heli lahaa dal lagu midaysan yahay si caddaalad ah.

 

“Ujeeddada laga leeyahay wadahadalladana marka u dambaysa waxa weeye Somaliland oo isku mid ah oo isku niyadsan oo sinnaan iyo caddaalad cid waliba ka hesho, shirweynaha loo dhanyahayna waxa uu qabsoomi doonaa dabayaaqada bisha September Insha Allaah haddaanay wax kale iman,” ayuu yidhi Dr. Sacad.

 

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Guddiga wadahadalka u qaabilan kooxda Khaatumo Kayse Cabdi Yuusuf, ayaa isna ka hadlay sii socoshada wadahadalkan iyo arrimaha ay qaban doonaan guddi loo saaray shirweyne loo dhan yahay oo gunnaanad u noqon doona wada-xaajoodkan.

 

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Waxa labada dhinacba guddi siddeed xubnood ah oo dhinac walba afar ah saareen oo shaqadoodu noqonayso inay soo diyaariyaan shirweynaha la isugu iman doono maxaa ajandihiisu noqonayaa? Tirada ergooyinka ka soo qaybgalayaa maxay noqonayaa? Madasha shirka lagu qabanayaa xaggay noqonaysaa, muddada uu soconayaa intay noqonaysaa?”