Araweelo News Network

 

Xubnaha Weftiga ee u baxay sucuudiga

Hargeysa (ANN)- Wefti ka socda xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa u baxay Dalka  Sucuudiga, kuwaas oo ka dhoofay madaarka caalamiga ah ee Cigaal ee caasimadda Hargeysa .

Xubnaha Weftiga u baxay dalka Sucuudiga oo ka kooban shan xubnood oo ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somaliland, waxa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire, waxayna saxaafadda u sheegeen inay marka hore ka qaybgeli doonaan gudashada xajka sannadkan, kadibna wadahadal la yeelan doonaan madax ka tirsan dawladda Sucuudiga oo sida ay sheegeen martiqaaday.

 

“Waxaannu nahay wefti ka tirsan Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo u ambaxaya dalka Sucuudiga, waxaannu u tegaynayaa Xajka, waxa na marti qaaday dawladda dalka boqortooyada Sucuudiga, waxa nalagu marti-qaaday xajka iyo in aannu la kulanno madaxda dawladda Sucuudiga, kana wada xaajoono arrimaha labada dal. Insha Allaah markaannu xajno ka dib, waxaannu arki doonaa madaxda Sucuudiga, waanu u mahadnaqaynaa madaxda Sucuudiga, arrimahaas iyo xidhiidhkaas waxa keenay oo ay ka dambaysay siyaasaddii Xukuumadda Somaliland ay qaadatay ee ku saabsanayd taageeradii xulafada Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi.

 

Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Xidhiidhkani wuxuu ka dhashay wakhti dhawayd oo aan cimro ku tegay Sucuudiga, ayaannu is aragnay madaxda Sucuudiga qaar ka mid ah, waxay noo ballanqaadeen inay na marti qaadi doonaan.”

 

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in dawladda Sucuudigu ku qiimaynayso dalka Somaliland mawqifkii ay ka qaateen khilaafaadka u dhexeeya dalalka Khaliijka Carabta.

 

“Insha Allaah, wixii waajib ah waannu ka gaysan doonaa wada-xaajoodkayagaas, waananu ugu mahadcelinayaa wadahadalkaas iyo ixtiraamkaas inoo bilaabmay, iyo qiimaynta ay inna qiimaynayaan, Wasiirrada halkan marayaa waxay wakiil ka yihiin ummadda reer Somaliland guud ahaan, gaar ahaan Xukuumadda oo taladeedii ahayd in la taageero dalka Sucuudiga oo taariikh facweyn iyo runtii xidhiidh ballaadhan oo ganacsi aynnu la leenahay, mid dawladeed aannu ka xaqiijin doono, wixii aynu ugu baahnayn Insha Allaahu, iyaguna ay maanta dareemeen in aynu isku baahan nahay,” ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland.

 

Weftiga u baxay dalka Sucuudiga waxa ka mid ah Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire, Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Arrimaha Gudaha Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Md. Cabdillaahi Ibraahim Habanne.