Araweelo News Network

 

Hargeysa (ANN)- Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa soo dhaweeyey mad-xafkii u horreeyey ee laga hirgeliyo Somaliland oo loogu talogalay in lagu kaydiyo taariikhihii halgan ee dalku soo maray.

 

Wasiir Caddaani oo ka mid ahaa madax iyo dad kale oo ka qaybgalay xaflad loo sameeyey furitaanka Mad-xafka SARYAN oo lagu qabtay goobta la dhisay ee xaafadda Shacabka Hargeysa , waxa uu ka hadlay muhiimada uu u leeyahay ururinta iyo kaydinta taariikh aan hore u lahayn goob lagu daryeelo oo laga tix-raaco, isagoo ku ammaanay muwaadin maalgaliyey hirgelinta iyo dhismaha mad-xafkan.

“Mad-xafka Saryan waa mid aynu baahi wayn u qabnay, waayo ummad iyo dal ahaanba waa hore umaynaan lahayn meel lagu kaydiyoo oo lagu raad-raaco taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland, aad bay u mahadsanyihiin aqoonyahanka ku hamiyey ee ku guulaystay inay aasaasaan mad-xafkan oo uu ugu horreeyo Siciid Shukri oo u huray maskaxdiisa iyo hantidiisii uu soo xoogsaday inuu ku maalgaliyo halkii ugu mudnayd, isagoo heli karayey inuu meelo kale oo uu macaash degdeg ah ka helo uu maalgashado,” ayuu yidhi Md. Cismaan Caddaani, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa ku daray, “Ururinta iyo kaydinta taariikhdu waa mid lagu kala baadi-sooco dhaqamadda, taariikhaha halgan ee ay soo mareen iyo ilbaxnimada dalalka dunida, waana summad lagu kala garto mid kastaa halka uu ku biyo-shubto iyo waxa uu soo maray. Waxa maanta Ilaahay mahaddii ah in mad-xafkan SARYAN uu soo ururiyey oo uu inoo kaydiyey innaga iyo jiilasha soo socdaba taariikhda halgankii qadhaadhaa ee ururkii SNM oo aan habayaraatee hadda ka hor meel loogu hagaagaa.”

 

Waxa kaloo uu ka hadlay faa’iidada ay leeyihiin mad-xafyada lagu kaydiyo taariikhda noocan ah, waxaannu yidhi, “Sababaha loo sameeyo mad-xafkan oo kale adduunyadana way ka jiraan ee halgannada noocan ah soo maray oo Qaramada Midoobay iyo bulshada caalamkuna ay danaynayaan waxa weeye in aanay wixii dhacay aanay dib u dhicin, sawirrada oo keliya oo aynu tusno maahee lafaha dadkeennii wadaraha lagu aasay iyo dadkii la laayey ee marka roob daad badani da’aba soo baxa oo mad-xafkan qayb laga noqdo oo dadka reer Somaliland iyo dadka adduunka ka yimaadaba la tuso.”

 

Sidaa darteedna, Wasiir Caddaani waxa uu ugu baaqay Qaramada Midoobay iyo hay’adha kale ee caalamiga ah inay la shaqeeyaan mad-xafkan, “Waxaan ugu baaqayaa hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay inay si buuxda ula yeeshaan xidhiidh wadashaqayneed oo toos ah mad-xafka Saryan.”

 

Ugu dambayntii, Wasiirku waxa uu ballanqaaday inay wasaaradiisa iyo warbaahin ahaanba ay diyaar u yihiin taageerada iyo la shaqaynta Mad-xafka SARYAN, “Haddaanu nahay Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta waxa xil-wayni innaga saaranyahay oo shaqadayada qayb ah sidii aannu ummadda ugu wacyigelin lahayn wax alla wixii wanaag ah ee dalkan ka jira, anigoo ku hadlaya magaca warbaahinta iyo ka wasaaradda waxaannu ballanqaadaynaa in aannu barbartaaganahay Mad-xafkan. Ummadda Somaliland-na waxaan leeyahay waa taariikh ugub ah oo aynu doonayno jiilba jiil inuu ka dhaxlo,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Md. Caddaani