Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Madaxwayne ku-xigeenka ahna ku-simaha Madaxwayanaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay shir guddonka Golaha Wakiillada JSL oo maanta la doortay Gudoomiye ku-xigeenkii koowaad ee golahaasi oo loo doortay Xildhibaan Axmed-yaasiin sheekh Cali Ayaanle.

Madaxwayne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Iyo Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee golaha Wakiiladda loo doortay 27 August 2017′, Xildhibaan Axmed-yaasiin sheekh Cali Ayaanle.

Madaxwyne ku-xigeenka ayaa ku hambalyeeyay xildhibaanada golaha wakiillada sida dimuqraadiyadda leh ee ay u doorteen guud ahaan shirguddonka gollaha gaar ahaan Guddomiye ku-xigeenka koowaad oo maanta la doortay,madaxwayne ku-xigeenku waxa uu sheegay in doorashada gollaha wakiilada ee maanta dhacday ay tusaale u tahay doorashooyinka soo socda ee dalka waxaanu yidhi Madaxwayne ku-xigeenku “Maanta waxa gollaha wakiillada ka dhacay dimuqraadiyadii rasmiga ahayd iyadoo toban cisho ka horna si dimuqraadiyada loogu doortay Guddomiyaha Golaha wakillada kadib markii uu is casilay Guddomiyihii hore maantana waxa guddomiye ku-xigeenka koowaad loo doortay xildhibaan Axmed-yaasiin sheekh Cali ayaanle aad baanan ugu mahad celinyaa xildhibaanada gollaha anakuna hadaanu nahay xukuumadii waxaanu markasta diyaar u nahay inay dimuqraadiyadda somaliland kobocdo ugu danbayntii waxaan u ducaynayaa labadan masuul ee xilka ku cusub ee guddomiyaha iyo gudoomiye-kuxigeenka waxaanan ku boorinayaa inay si wacan hawshooda u gutaan” ayuu yidhi Madaxwayneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Iyo Go’doomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha Wakiilada Loo doortay 27 August 2017, Xildhibaan Axmed-yaasiin sheekh Cali Ayaanle.

Sidoo Kale Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa bogaadiyey doorashada Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Somaliland wuxuuna yidhi “ Doorashii saaka Golaha Wakiilada ka dhacday ee loo tartamyey Kursiga gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha, waxaan ku bogaadinayaa Golaha Wakiilada tartankii fiicnaa ee bisaylku ka muuqday ee saaka golaha ka dhacay, iyadoo ay doorashii horena runtii ay si mudakarnimo leh u galeen wixii hadal soo baxay oo aan fiicnayna banii aadamku waa qaldami karaa ee gadaal iska dhaqdhaqeen raggu waxay ahayd runtii wax weyn.

 

Waxaynu nahay Qaran muddo dheer soo jiray dhawr iyo labaatan sanno oo gaamuray oo geedi socodka dimuqraadiyadu aanay ku cusbayn waa siyaasad wuxu waa la kala adkaada waa laysu tanaasulaa bisaylka waxaa kamida in la aqbalo natiijooyinka, guul darada siyaasadu ceeb maaha laakiin waxaa ceeba inuu ninku natiijada qaadan waayo, Golaha wakiilada tartankii hore ee gudoomiyaha ka dhacay tartan fiican buu ahaa anigu maalin horaan ka hadlay, waxaa se dhaawaca hadaladii danbe ee kasoo baxay Maxkamada dastuuriga ahina qaraar bay soo saartay in la ixtiraamo Maxkamada weeye haybad bay leedahay, Waxaan leeyahay dhammaan runtii arrimahaas xagtimihii gadaal ka dhacay waan ku bogaadinaynaa hadii Xisbiga Waddani iyo Madaxdiisu saxeen oo ay garwaaqsadeen inay tanaasulaan oo ay u hogaansamaan go’aamadii golaha iyo go’aamadii Maxkamada iyo dareenkii golaha guurtida intaba.

 

Arrinta saaka dhacdayna waxay ahayd tartan nadiif ah waxaanan runtii bogaadinayaa Gudoomiye ku xigeenka cusub ee Golaha Wakiilada Axmed Yaasiin doorashada loo doortay waan ku bogaadinayaa waxaanan ilaahay uga baryayaa inuu xilkaa ku garab galo, Axmed Yaasiin waa nin firin fircoon oo dhalinyaro ah waxaan rajaynayaa inuu kusoo kordhin doono shirgudoonka golaha wakiilada firinfircooni cagan yare wanaagsan u noqon doono gudoomiyaha, Gudoomiyaha waxaan ku bogaadinayaa siduu shirka u hagay mudanayaasha waxaan ku bogaadinaynaa bisaylka ka muuqday, waxaan kaloo bogaadinayaa mudanayaashii la tartamayey ee iyaguna aan saaka guulaysan ragganimaday muujiyeen iyo geesinimada ay muujiyeen iyagana waan ku bogaadinaynaa, Golaha Wakiiladuna waxay weyn bay ahayd inuu maanta aqlabiyad weyn ku kala badiyaa waxay ahayd wax qiimo leh, maalintii hore ayuu muran soo baxay maanta inuu xoog u kala fogaadaa waa waxweyn hambalyaan leeyaahy iyadana runtii, Xildhibaanada Xisbiga Kulmiyena gaar baan u bogaadinaynaa Kulmiyihii la arki jiray baan leenahay saaka weeye aad baad u mahadsan tihiin ayuu yidhi Maxamuud Xaashi Cabdi Wasiirka Madaxtooyada.