Waa Maxay Sababta Madaxweynuhu diyaarad Helicopter ah ugu duulayay?

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

ku akhri 2min

#Araweelo_News_Network.

Tehran (ANN)- Inkasa oo shilkan naxdinta leh uu sababay dhimashada Madaxweynaha Iran iyo wasiirkii arrimaha dibadda, haddana diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ayaa soo jiitay indhaha caalamka,  Turkiga oo isha ku haya masiibada dhacday ayaa sheegay in inkasta oo ay Iran haysteen kaydka diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn, haddana Iran ay ku qasbanaatay inay Turkiga ka codsato inuu ka qayb qaato oo ugu danbayntii helo burburka diyaaradda, maadaama daqiiqad kasta oo dib u dhac ah oo sababta in aannay Iran helin geeri iyo nolol raq iyo ruux madaxweynahaooda iyo wefdiga la socday ay Iran ku ahayd wax weyn.

Raisi ayaa subaxnimadii Axadda u duulay gobolka waqooyi-galbeed ee fog ee Bariga Asarbayjan si uu u daah furo biyo-xidheennada Qiz Qalasi iyo Khoda Afarin, oo ah mashruuc koronto oo ay iska kaashanayaan dalka ay jaarka yihiin ee Asarbayjan ee webiga Aras, waxa xusid muddan in Asarbayjan iyo Iran collaad xun ka dhaxaysay wixii ka horeeyay dhawrkii sannadood ee u danbeeyay.

Israel ayaa saaxiib dhow muddo dheer la ahayd Asarbayjan, halka Maraykanku xidhiidh fiican la leeyihiin dalka Asarbayjan oo Muslin ah, isla markaana dadkeedu u baddan yihiin madhabta Shiicadda ee Iran ku xooggan. Maraykanka ayaa xidhiidh diblumaasiyadeed la sameeyay Aserbaijan sanadkii 1992-kii, kaddib markii ay Azerbaijan xornimada ka qaatay Midowgii Soofiyeeti. waxayna si wada jir ah, labada dal ug wada shaqeeyaan horumarinta amniga tamarta Yurub, ballaadhinta ganacsiga iyo maalgashiga laba geesoodka ah, iyo la dagaallanka argagixisada iyo khataraha caalamiga ah, tan ayaa ka mid noqon karta waxyaabaha dareenka shakiga abuuraya ee bur-burka diyaaradda Madaxweynaha Iran.

Madaxweynaha Asarbayjan, Ilham Aliyev, oo sheegay in uu “sagootin saaxiibtinimo” u sameeyay ka hor inta aannay diyaaraddu ka bixin aagga biya-xidheenka oo ay u duushay dhinaca Tabriz, Magaalada Tabriz ee dalka Iran waxa ay ahayd caasimadda Mongol Ilkhanate qarnigii 13-aad, taas oo qiyaastii 130km (80 mayl) ayay ka xigtaa goobta dhanka Koonfurta.

Raisi ayaa loo qorsheeyay in uu daah furo mashruuc laga dhisayo warshadda saliidda ee Tabriz. Madaxweynaha la socday todobo qof, kuwaas oo sidoo kale ku dhintay shilka, sida uu sheegay taliyaha guud ee ilaalada kacaanka Islaamiga ah (IRGC), Sarreeye Gaas Xuseen Salami.

Waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Hossein Amir-Abdollahian, iyo sidoo kale guddoomiyaha gobolka Bariga Asarbayjan, Malek Rahmati, iyo hoggaamiyaha salaadda jimcaha ee Tabriz, Ayatullah Mohammad Ali Al-e Hashem, oo ah wadaad sare oo Shiico ah oo sidoo kale ahaa sarkaalka hoggaamiyaha sare ee Ali Khamenei. wakiilka Bariga Asarbayjan.Gen Salami ayaa magacyada kale ku sheegay IRGC Brig-Gen Mohammad Mehdi Mousavi, madaxa kooxda amniga ee madaxweynaha, duuliyayaasha Col Mohsen Daryanush iyo Col Seyyed Taher Mostafavi, iyo farsamayaqaan Maj Behrouz Qadimi.

Shilkan ayaa dhacay abaaro 13:30 wakhtiga maxaliga ah (10:00 GMT), wuxuuna ka dhacay dhulka fog ee buuralayda ah oo qiyaastii 58km (36 mayl) koonfurta ka xiga biyo xidheenka Qiz-Qalasi iyo 2km koonfur-galbeed ee tuulada Uzi, sida ay sheegeen saraakiisha Iran. iyo sawirro ay daabacday warbaahinta dowladda.

Balse waxay ahayd waxii ka dambeeyay 16:00 xiliga maxaliga ah (12:45 GMT) TV-ga qaranka Iran ayaa sheegay in diyaaradda helicopter-ka ah ee siday madaxwaynaha ay la kulantay wax ay ugu yeedheen “degid adag” xili ay u duulaysay magaalada Tabriz,  iyadoo ceeryaamo iyo roob badani ka da’ayeen
Wasiirka arrimaha gudaha Ahmad Vahidi ayaa markii dambe xaqiijiyay in wafdiga madaxweynaha ay ku safrayeen kolonyo saddex diyaaradood oo Helikobter ah, diyaaradda uu watayna lagu qasbay “in ay si adag u degto xaalad cimilo xumo iyo ceeryaamo deegaanka ka jirta awgeed”.

 

Labada diyaaradood ee kale ee la socday diyaaradda Helicopter-ka ee madaxweynaha, waxay bilaabeen baadigoob muddo 15 ilaa 20 daqiiqo ah kaddib markii ay isgaadhsiinta waayeen. markaa kaddib waxaa lagu qasbay in ay deg deg u deggaan, sida uu sarkaal u sheegay TV-ga dowladda iyadoo howlgalka uu socday ilaa habeenkii.

Madaxweyne ku xigeenka arrimaha fulinta Mohsen Mansouri ayaa sidoo kale sheegay in xidhiidh lala sameeyay laba qof oo saarnaa diyaaradda Helikobtarka ee madaxweynaha – xubin ka mid ah shaqaalaha diyaaradda iyo qof kale.

“Tani waxay muujinaysaa in dhibaatada dhacdadu aannay ahayn mid aad u sareysa, sababtoo ah laba ka mid ah shakhsiyaadka ku jira Helikobtarka ayaa ku guulaystay inay la xidhiidhaan kooxdeena marar badan,” ayuu raaciyay, isagoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Si kastaba ha ahaatee, rajo kasta oo laga qabay in Raisi iyo xubnihii la socday innay badbaadeen ayaa burburtay subaxnimadii Isniinta kaddib, waxaana mayadadka loo soo qaaday Tehran, iyadoo raadinta diyaaradda ay qaadatay 17 saacadood si loo helo madaxweynaha Iran
oo baadigoob xooggan uu ku bilowday Helikobterkii dhacday ee Madaxweyne Ebrahim Raisi.

Iran waxay u dhaqaaqday inay xakameyso khataraha suurtagalka ah ee ka iman kara dibadda iyo qalalaasaha ka dhalan kara masiibadda ee guddaha, wixii markaa ka danbeeyay Iran waxay guddi baadhis ah u saartay arrinta sababtay diyaaradda ay ku dhinteen Madaxweynaha iyo xubnaha la socday, kuwaas oo warbixin hordhac ah ku sheegay in aannu jirin wax gantaal ah oo ku dhacay diyaradda Madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha Dibbada iyo saraakiisha kale ku naf waayeen.

“Ma jirto wax dal-daloolo rasaas ah ama saamayn la mid ah oo lagu arkay burburka Helikabtarka,” ayaa lagu yidhi warbixin horudhac ah oo ay soo saareen guddida guud ee ciidamada qalabka sida oo ay daabacday wakaaladda wararka ee IRNA.

Diyaaraddaha Helikobterka  ah ee Madaxweyne Raisi la socday, ayaa ku duulayay “wadada hore loo sii qorsheeyay mana ay ka tegin wadadii duulimaadka ee loo qoondeeyay” shilka ka hor, iyadoo la qorsheeyay mark Madaxweynuhu soo gaadho Tabriz, halkaas kasoo raaco diyaarad caaddi ah.

Diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn ee Iran ayaa helay  subaxnimadii isniinta Helicopter-ka, laakiin “isku-dhafka aagga, ceeryaamo iyo heerkulka hooseeya” ayaa caqabad ku noqday shaqada kooxaha baadi-doonka iyo samatabbixinta, sida lagu sheegay warbixinta hordhaca ah.

Millateriga Iran ayaa sheegay in loo baahan yahay waqti dheerad ah si loo baadho burburka diyaaradda iyo innay faahfaahin dheeraad ah ka bixin doonaan waqti dambe, waxayna xuseen guddidu in isgaadhsiinta ka dhexaysay taawarka laga hago iyo shaqaalihii diyaaradda Helicopter-ka ka hor burburka aannay ku jirin wax shaki ah.

Sidaa awgeed guddida ayaa sheegtay in isgaadhsiintii ugu dambaysay ee diyaaradaasi burburtay ay u dhaxeysay iyada iyo laba helikobtar oo la socday 90 ilbidhiqsi ka hor shilka, wallow ay si cad u sheegeen in aannay arrinta baadhista shilka sababay dhimmashada Madaxweynihii Iran aannay ku ekaanayn intaa ee ay warbixintani tahay hordhac oo keliya.

 

 

Sheekooyin kale ayaa qaarkood sheegayaan suurtagalnimada in Diyaraddaha Maraykanka ee F-35 Lightning II iyo F-36 (Kingsnakes), oo adeegsanaya qalab khal-khalin kara diyaradda, ama lumin kara isgaadhsiinta, iyagoo ka fog ay samayn karaan, laakiin Iran arrintaa masoo hadal qaadin.

Community Verified icon

Hase yeeshee sheekooyinka ka imanaya dareenadii ku xeernaa dhacdada ayaa qaarkood sheegayaan in wax yar ka hor intii aannay  raacin diyaaradda Helikobter  Axaddii, madaxweynaha Iran, Ebrahim Raisi, iyo wafdigiisa oo ka kooban mas’uuliyiin sarsare ay  qabteen duco wadaag ah.

Qof ka mid masuuliyiinta oo aan la xaqiijin inuu wefdiga ka mid ahaa iyo inuu ka mid ahaa madaxda la socotay  Madaxweynaha Asarbayjan, Ilham Aliyev, ayaa la sheegay inuu soo jeediyay in la qadeeyo, laakiin madaxwaynaha Iran  Ebrahim Raisi.wuu ka gaabsaday, isaga oo sheegay in uu ku degdegayo in uu gaadho meesha ku xigta.

Mdaxaweyne Ebrahim Raisi, ayaa markaa kaddib waxa uu fuulay diyaaradda, isagoo fadhiistay daaqad agteeda. Wasiirka arrimaha dibadda, Hossein Amir Abdollahian, ayaa sawir la soo istaagay dad badan oo ku soo qulqulayay laamiga. Inta uu dhoola caddeeyey ayuu gacanta saaray xabadka isaga oo gacanta ku haysta shandad maariin ah.

Abaaro 1-dii duhurnimo, kolonyo saddex diyaaradood oo Helikobtero ah ayaa ka soo kacday goob  ku taal xadka Iran ay la wadaagto Asarbayjaan, iyadoo ay dhexda ku jirtay diyaaradda farsamada madaxweynaha. Laakiin wax ku dhow nus saac markii ay duulimaadkii ku jirtay, Helikobtarkii madaxweynaha ayaa meesha ka baxay, sidaana waxa ku dhacay shilka ay ku dhinteen Madaxweynihii Ebrahim Raisi oo ahaa mid si weyn ay Maraykanka, Israel iyo xullufadoodu uga cabsanayeen dhaqdhaaqaaqyadiisa siyaasaddeed ee gobolka iyo xullufada Iran ee uu doonnayay inuu gobolka iyo meelo ka baxsan ka sameeyo.

Ebrahim Raisi wuxuu ku guulaystay Doorashadii madaxtinimo ee Iran 18kii Juun 2021, waana doorashadii saddex iyo tobnaad tan iyo markii la aasaasay Jamhuuriyadda Islaamiga ah 1979. Ibrahim Raisi, markii la iclaamiyay guushiisa, waxa si weyn uga faallooday warbaahinta reer galbeedka oo ku tilmaamay hoggaamiye gobolka wax ka beddeli doona, iyagoo saadaalinayay siyaasaddiisa badheedhka ahayd ee ku waajahnayd Qaza iyo arrinta Qudus, Yemen, Lubnan, Suriya, Ciraaq iyo meelo kale oo dunida islaamka ah, waxay noqotay mid ka cadhaysiisa Maraykanka iyo xullufaddiisa.

Ebrahim Raisi, wuxuu dar-dar geliyay barnaamijka Nukliyeerka oo dalalka reer galbeedku ka qayliyan, wuxuuna si dhab u muujiyay  awoodda Iran ee gobolka, isla markaana weerarkii aargushada ahaa ee Israel ay ku qaaday ahaa mid taariikhi ah oo sii kordhiyay cabsida reer galbeedka,wallow Israel xilliga sheegtay in Iran ay kaga aargudan doonto qaab aan la fahmin oo Tignoolaji ay adeegsan doonaan, laakiin Iran waxay si cad u sheegtay in geerida Ebrahim Raisi oo dhowaan loo qorshaynayay inuu beddelo Hoggmaiyaha awoodda Baddan ee Ruhollah Khumeyni, balse ka bixitaanka uu ka baxay meesha aannay waxba ka beddelayn jihada siyaasadeed ee ay u socotay Iran iyo innay muujiso awoodda ay ku leedahay gobolka.

Madaxweyne Raisi oo asal ahaan kasoo jeeda AhlulBayt ayaa khamiistii lagu aasay qabri ku yaala masjidka Imaam Reza ee magaalada Mashhad, oo sanad walba ay booqdaan ku dhowaad saddex Milyan oo isugu jira msulimiinta haysta madhabta shiicadda iyo sunniga, iyadoo hoggaamiyayaal ka socday in ka baddan 40 dal ka qaybgaleen aaska Madaxweynihii la jeclaa ee Iran.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com