Araweelo News Network

Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia Micheal Keating  iyo labada masuul ee Guuleed iyo Gaas

Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia Micheal Keating iyo labada masuul ee Guuleed iyo Gaas


Gaalkacayo(ANN)Hoggaamiyaasha maamul goboleedyada Somalia ee Galmudug iyo Puntland, ayaa kulan ay yeeshay 50 maalmood kadib markii dagaallo lagu hoobtay oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo gaadhay heshiis nabadeed .

Heshiiska laga gaadhay dagaalka Gaalkacayo, ayaa ka dhacay maanta Garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo, Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Micheal Keating, ayaa goob jog ka ahaa heshiiska ay wada gaadheen hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug Cabdi Wali Gaas iyo Cabdikariim Guuleed.
Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia Micheal Keating, ayaa labada masuul ee Guuleed iyo Gaas ku cadaadiyay in ay saxeexaan heshiis dhowr qodob ka kooban oo ku waajahan in lasoo gaba gabeeyo colaadda ka aloosan magaalada Gaalkacyo.

Qodobada ay labada dhinac ku heshiiyeen waxaa kamid ah in dagaalka la joojiyo oo ciidamada isku hor fadhiya Gaalkacyo la kala qaado, islamarkaana labada maamul ay shacabkii Barakacay ugu baaqaan inay kusoo laabtaan magaalada Gaalkacayo.

Hase yeeshee Labada masuul ee Gaas iyo Guuleed, ayaa sheegay inay soo dhowaynayaan nabada, isla markaana waxay xuseen in wixii ka dhiman heshiiska lagu dhameyn doono shir 20,November 2016 ka dhici doono magaalada Kismaayo.

Raysal wasaaraha dowlada Federaalka Cumar Cabdi Rashiid, ayaa ku sugnaa madasha kulanka, balse wax kaalin ah kuma laheyn isku keenidda labada maamul sababa la xidhiidha maamulka Galmudug oo u aragta in aanu dhax dhaxaad ka aheyn colaadda Gaalkacayo.

Salaadiinta gobolka Mudug waxay sheegayaan in heshiiskan aanu dhaqan geli doonin sababa la xidhiidha waxyaabihii uu dagaalku ka billaabmay oo aan wali la xallin, islamarkaana aan dhismaha Maxjarka maamulka Puntland lagusoo hadal qaadin wadahadalka.

Dad ka badan 50 qo, ayaa ku dhimatay dagaalka Gaalkacyo halka 50-kun oo qof ay ku Barakaceen, dhinacyada shacabka ku dhax dagaallamaya ayaa labaduba marar hore u badhi furay heshiis la doonayay in lagu joojiyo dagaalka.