Haweenay ayaa Boolisku Qabteen xilli ay Dawarsi ku heshay lacag dhan 30,000 oo Dirham

#Araweelo_News_Network.

Dubai (ANN)-Booliska Dalka Imaaraadka ayaa ugaadhsanaya dadka dawarsada ee aan haysan oggolaanshaha sharciga ah, kuwaas oo la kulmi kara ganaax iyo xadhig haddii lagu qabto iyagoo ku jira hawsha dawarsiga.

Warbixin ay daabacday BBC, ayaa lagu sheegay in Booliska Dubai uga digeen dadka  shacabka ah innay ka feejignaadaan dadka Imaaraatka ku imaanaya fiisaha booqashada si ay u sameeyaan lacago ay ku helaan dawarsi inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Warbixinta ayaa lagu xusay innay inta baddan dadka muslimiinta ah ku dadalaan baxsashada sadaqada, sidaa awgeed dadka ku shaqaysta dawarsiga ayaa fursad weyn u arka maalmaha bishan, waxayna ciidanka Boolisku inta lagu guda jiro bisha barakaysan culayska saaraan sidii ay hoos u dhigi lahaayeen dadka Dubai ugu soo dhoofaya dawarsiga, kuwaas oo dalka ku imanaya dalxiis, balse uga faa’idaysta bishan dawarsiga, taas oo ay Boolisku sheegeen in dambiilayaashu ay uga faa’iidaystaan dadka deggan Imaaraadka Carabta.

Ololaha ay Booliiska Dubai ku doonayaan innay kaga hortagaan dawarsiga xad dhaafka ah ee bisha Ramadaan ayaa dhowaan lagu soo qabtay haweenay ilmo yar oo ay dhashay ku dawarsanay  xilli ay urursatay lacag dhan 30,000 oo Dirham oo u dhiganta ($8,168).

Saraakiisha Booliska imaaraadka, ayaa hawsha ollolaha xoojinaya inta lagu guda jiro 1-da Mach ilaa 13-ka April, 2024, waxayna si gaar culayska u saarayaan agagaarka masaajidda iyo suuqyada iyo meelaha kale ee inta baddan ay ku baddan yihiin dadka dawarsada.

Ciidamada ayaa sannad walba soo xidha boqollaal qof oo dawarsato ah, waxaana lacagta sida sharci darrada ah ay dadka ku weydiisanayaan ay ku mutaysan karaan ilaa saddex bilood oo xadhig ah iyo ganaax dhan 5,000 Dirham, sida ay shaaciyeen Hay’addaha amaanka ee dalka Imaaraadka.

Booliska ayaa sidoo kale, sheegay in ay jiraan kooxo abaabulan oo dadka geeya Dubai, dadkaas oo ah kuwo tahriibka ku lugta leh waxayna sheegeen innay la kulmi karaan ugu yaraan xabsi lix bilood ah iyo ganaax 10,000 Dirham ah.

Qof kasta oo dadka deeq ku weydiisanaya baraha bulshada isaga oo aan haysan oggolaansho rasmi ah waxa uu waajihi karaa ganaax u dhexeeya 250,000 ilaa 500,000 Dirham, sida ay dhigayaan shuruucda dambiyada internetka ee Imaaraadka Carabta.

Brig Ali Al Shamsi, oo ah Agaasimaha waaxda tuhmanayaasha iyo dhacdooyinka dambiyada ee Booliska Dubai, ayaa sheegay horraantii bishan in ciidamadu ay qabteen haweenay kale oo ilmeheeda ku dawarsanaysay, taas oo xabsiga loo taxaabay.

“Haweeney kale oo dawarsato qorshaysan ah, kuna lug lahayd dawarsi abaabulan, ayaa la xidhay waxaana lagu helay lacago badan,” ayuu yidhi, Ali Al Shamsi.

Sidoo kale, Al Shamsi waxa uu sheegay in ciidamadu ay qabteen ilaa 499 dawarsadayaal qorshaysan ah, kuwaas oo kala ah, 342 rag ah iyo 157 dumar ah, sannadkii hore, halka sannadkii ka sii horreeyay ee 2022-dii ay ahaayeen 318, taas oo muujinay korodhka.

Ku dhawaad 1,702 qof oo dawarsade abaabulan ah ayaa afartii sanadood ee lasoo dhaafay lagu xidhay magaalada Dubai, sida lagu sheegay tirakoobyo rasmi ah oo laga helay hay’addaha ku hawlan dabagalka denbiyada.

Ciidanka ayaa sheegay in dadka dawarsada ay u badan yihiin dadka soo booqday, fiisana kusoo galay Imaaraadka inta lagu guda jiro bisha Ramadaan iyagoo doonaya in ay si fudud lacago ku helaan.

“Waxay og yihiin in dadka Imaaraadku ay yihiin kuwo dadka caawiya oo naxariis badan,” Brig Al Al Shamsi ayaa yidhi, sidaa.

“Dadku waa in aannay u nixin tuugada khiyaameeynaya Imaaraatka iyo dadka deegaanka iyagoo iska dhigaya inay naafo yihiin ama ay waayeen shaqooyinkoodii.”ayuu raaciyay.

Sidoo kale, Brig Saeed Al Qemzi, oo ah kaaliyaha agaasimaha guud ee waaxda agaasinka guud ee baadhista arrimaha dembiyada ee Booliska Dubai, ayaa sheegay in ololaha ka hortagga dawarsiga looga gol leeyahay in bulshada lagu baro khatarta ay arrintan leedahay.

Brig Al Qemzi waxa uu sheegay in dadka doonaya in ay caawiyaan kuwa u baahan ay u tagaan hay’addaha samafalka oo la hubiyay oo ay si rasmi ah ugu deeqaan lacagtooda, si loo hubiyo in ay ku socoto dadka saxda ah ee xaqa u lahaa.

Mid ka mid ahaa dadka dawarsada oo u dhashay dalka Koonfur Afrika, ayaa la’arkay isaga oo dad aannu garanayn ka codsanaya in ay kirada ka bixiyaan.

Waxa uu sheegay in uu imaaraadku ku yimid dal-ku-gal booqasho ah oo uu shaqo raadis ahaa, balse aannu shaqo helin.

“Waa markii ugu horeysay oo aan dawarsado lacag,” ayuu yidhi.

“Waan ogahay inay sharci darro tahay, laakiin quus ayaan taaganahay, mana haysto doorashooyin kale, “ ayuu sii raaciyay.

Ninkan 40-jirka ah ayaa ku andacoodey inuu leeyahay xaas iyo wiil dhalinyaro ah oo ku nool dalkiisa hooyo taas oo ay tahay inuu taageero.

Layla Catiif oo u dhalatay dalka Masar ayaa sheegtay in ay siin jirtay lacag yar oo kaash ah dadka dawarsada, gaar ahaan inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, taasoo qayb ka ah acmaasha wanaagsan ee bisha barakaysan.

“Waxaan siin jiray lacag caddaan ah waana sida aan jeclahay inaan u caawiyo dadka kale ee baahan, laakiin ololihii booliiska kaddib waxaan go’aansaday inaan ku caawiyo iyaga oo iibsanaya cunto,” ayay tidhi.

Qaar way diideen oo way iska tageen, laakiin qaar kale ayaa iiga mahad celiyay cuntada,” ayey sii raacisay Layla Catiif.

Dadweynaha dalka Imaraadka ayaa loogu baaqay in ay ku wargeliyaan dadka ku dawarsada waddooyinka, iyo sidoo kale dadka lacagaha ku weydiisanaya khadka, xarunta wicitaanka ee 901 ee ciidanka, si loo soo qabto meel walba oo ay joogaan, waxaana loo arkaa in Ollolaha Boolisku si weyn wax uga beddelay qorshaha dadka dawarsig abaabulan ee dalka Imaaraadka.

Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com