Araweelo News Network

thetubeytNew York (ANN) Farriin ururka xagjirka ah ee ISIS ka diray dalka Suuriya, ayaa xannuunkeeda laga dareemay dalka Maraykanka, kadib markii saddex weerar oo ka dhacay magaalooyin kala duwan muddo 12 saacadood gudahood ah.
Saddexda weerar oo kala ahaa qarax bam ka dhacay magaalada New York, weerar toorri loo adeegsaday Gobolka Minnesota iyo bam ayaa ku qarxay meel u dhow saldhigga tareenka laga raaco ee Elizabeth ee Gobolka New Jersey, ayaa dhammaantood waxa masuuliyadooda kooxda ISIS ee ka dagaallanta dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Qarax bam ayaa ka dhacay xaafadda Chelsea ee magaalada New York habeenimadii Sabtidii, kaasi oo ay ku dhaawacmeen 29 qof oo ay soo gaadheen dhaawacyo fudud, iyadoo waxyar kadib markaasina goob kale laga helay aalad kale oo la sheegay in loo diyaariyey qarax, kuna xidhnaa telefoon, basle Boolisku uu sheegay inuu si nabadgalyo ah uga saaray halkii la dhigay.
muuqaalkafariintadaacisheelagadareemay

Hay’adda dambi-baadhista Maraykanka ee FBI-da iyo Booliiska magaalada New York, ayaa raadinaya dad lagu tuhusanyahay falkan iyo in wax xidhiidh ahi ka dhexeeyo bamka qarxay iyo bam-u-eekaha laga hortagay ee la helay, waxaanna la sheegay in FBI-du ku baadhayaan aaladahan shaybaadh ku yaal magaalada Washington DC ee caasimadda Maraykanka.
Sidoo kale, bam ayaa ku qarxay meel u dhow saldhigga tareenka laga raaco ee Elizabeth ee Gobolka New Jersey, kaasi oo qayb ka ahaa boorso lagu soo guray walxaha qarxa oo laga helay goob qashin yaalay.
Bamkan ayaa qarxay xilli kooxaha ciidamada ka hortaga walxaha qarxa ay ku wadeen inay furfuran iyagoo u isticmaalayey qalab, laakiin waxay si nabad ah goobta uga qaadeen ilaa afar bam oo kale oo ku jiray shandad.
Dhinaca kale, wiil Soomaali ah, ayaa weerar uu u adeegsaday toorray ku qaaday dad wax ka iibsanayey suuq wayn oo ku yaal magaalada St Cloud ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, halkaas oo uu ku dhaawacay sagaal qof, ka hor intii aan boolisku toogan.
Ciidammada Booliska ayaa toogasho ku dilay wiilkaasi gaystay weerarka toorrida, waxaanay qoyskiisa ku wargeliyeen inay toogteen kadib falka uu ku dhaawacay dadka badan.
Booliska iyo qoyskii uu ka dhashay ayaa xaqiijiyey in wiilka fuliyey weerarkan uu magaciisu yahay Daahir Axmed Aadan oo da’diisu ahayd 22 jir arday ahaa.
Aabbaha dhalay wiilka Axmed Aadan, ayaa wargeyska Star Tribune oo ka soo baxa Minneapolis oo Jamhuuriya soo xigtay u sheegay in Daahir oo ahaa wiil Soomaali ah uu ku dhashay dalka Kenya, balse 15 kii sanno ee la soo dhaafay uu ku noolaa Maraykanka, hase ahaatee aannu weligii ku tuhmin inuu ku lug lahaa falal xag-jirnimo.
Sidoo kale, weerarkan ayaa waxa sheegatay kooxda dawladda Islaamka ee ISIS, iyagoo sheegay in in mid ka mid ah askartoodu uu weerarkaasi fuliyey.
Masuuliyiinta ammaanka ee Maraykanka ayaa weerarradan ka kala dhacay New York, New Jersey iyo toorriyeynta Minnesota oo dhammaantood dhacay muddo 12 saacadood ah, isla markaana ay sheegteen kooxda ISIS ku tilmaamay falal argagixiso, waxaanay wadaan baadhitaan lagu raadinayo cidda ka dambaysay iyo inuu xidhiidh ka dhexeeyo falalkan.
Geesta kale, ciidanka ammaanka Maraykanka, ayaa xidhay nin hubaysan oo lala xidhiidhinayo inuu ku lug leeyahay bamamka ka qarxay New York iyo New Jersey, kaasi oo laga helay isagoo hurda illinka laga galo baar ku yaal New Jersey subaxnimadii Isniinta, iyadoo booliskana uu ku wargeliyey mulkiilaha meherrada leh, kadibna uu halkaasi ka dhacay dagaal dhexmaray ninkaasi iyo booliska oo uu ka dhaawacay laba askari, ka hor intii aan isna dhaawac lagu qaban.
Ninkan la qabtay oo magaciisa lagu sheegay Axmad Khan Rahami, da’diisuna tahay 28, ayaa ka hor intii aan la qaban uu boolisku baahiyey sawirkiisa si su’aalo looga waydiiyo qaraxyada bamamka New York iyo New Jersey.
Ammaanka magaalada New York ayaa heegan la galiyey, iyadoo ku dhawaad 1,000 askari boolis dheeraad ah la dhigay madaarka diyaaradaha, istaannada laga raaco basaska iyo tareennada ee magaalada.
Kooxda ISIS ayaa in badan ku cecelisay weerarro ay ku qaadaan dalalka reer galbeedka ee xulafada uu hoggaamiyo Maraykanka ee weerrarada duqaynta ah ku haya goobaha ay ka haystaan dalalka Ciraaq iyo Suuriya.
Jawaabta Omaba
Madaxweynaha Maraykanka oo si kooban uga hadlay weerarradan isagoo magaalada New York u jooga furitaanka shirweynaha golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayaa ugu baaqay shacabkiisa inay midoobaan kadib weerarrada xidhiidhka ah ee lagu qaaday, balse waxa uu soo jeediyey in aan lagu degdego cidda ka dambaysa weerarradan si aan bulshada qayb ka mid ah dhibaato u soo gaadhin.
“Waxay doonayaan inay cabsi innagu abuuraan dhammaanteen oo ay khalkhalgaliyaan sida aynu u noolnahay, hoos u dhigaan qiyamkeenna xataa innagoo taxadir iyo dhiirrinaan ku eegayna falalkan amni-darro ee aan la dareensanayn,” ayuu yidhi Obama.
Waxa kaloo uu ballanqaaday inay sii wadi doonaan ka wadashaqaynta sidii loo burburin lahaa ISIS, iyadoo la bartil-maameedsanayo hoggaamiyayaashooda iyo kaabayaashooda dhaqaale.