Araweelo News Network

uhuroiyohasansheekhNairobi(ANN)Xarunta Madaxtooyada ee looga taliyo dalka Kenya, ayaa shaacisay xogo la xidhiidha arrimo khuseeya qaddiyadda Somaliland oo ay ka wadahadleen Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii ay ku kulmeen shirkii dalalka IGAD ku yeesheen magaalada Muqdisho.
Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Kenya (State House) Mr. Manoah Esipisu oo lagu baahiyey barta ay ku leeyihiin Internet-ka maalintii Axadda oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay, waxa lagu caddeeyey in Madaxweynaha Kenya Mr. Uhuru Kenyatta uu dhiggiisa dalka Soomaaliya u caddeeyey sababta keentay inuu soo baxo tuhun ah in dawladda Kenya ay aqoonsatay madaxbannaanida Somaliland.
“Dad badan oo idinka mid ah, ayaa is weydiinaya sababta Soomaaliya u joojisay qaadka miirooga iyo sababta keentay in Madaxweynuhu (Kenya) u duulo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho si arrintan xal loogu helo.
Sidoo kale, qaybo badan oo ka mid ah dadka ka ganacsada qaadka, ayaa isweydiinaya, walaacna ka qaba in aanay hubin amma ogaynba in mar kale ay Soomaaliya xayiraad saarto ganacsiga qaadka Kenya,” ayuu yidhi Afhayeenka u hadlay Madaxtooyada Kenya.
Waxaannu intaas ku daray; “Arrintu dhab ahaantii way fududahay. Badhasaabka Gobolka Meru Mr. Peter Munya, ayaa safar ku tagay degaanka Somaliland oo ka mid ah Soomaaliya, waxaannu is iskii ah heshiis ula gaadhay masuuliyiinta halkaas (Somaliland), heshiiskaas oo khuseeya in qaadka miirooga loo dhoofiyo Gobolka.
Hadda, haddii ay ujeedooyinkiisu yihiin qaar sax ah amma khalad ah, Mr. Munya waxa uu safarka ugu baxay, wadaxaajoodna ula yeeshay maamulka Gobolka (Somaliland), iyadoo aan la ogaysiin dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya amma run ahaantii aannu kala tashan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya, taasoo awoodeeda amma xilkeedu yahay maamulka iyo arrimaha xidhiidhka dibadda.
Saamaynta ka dhalatay booqashada Mr. Munya, waxay noqotoy in loo qaatay inuu sifo sharci ah wakiil ugu yahay amma u metelayo xukuumadda Kenya, taasoo sababtay in Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ay u aragtay in Kenya ay u aqoonsatay Somaliland sida qaran madaxbannaan oo kale, taasina waxay keentay go’aankii lagu joojiyey qaadka miirooga ee Kenya.”
Sida lagu sheegay qoraalka Jamhuuriya soo xigtay, Madaxtooyada Kenya, ayaa sidoo kale Guddoomiyeyaasha Gobollada dalkooda uga digtay inay wax awood ah u lahayn inay macaamil la sameeyaan dalalka madaxbannaan, isla markaana aanay wadahadal la yeelan kalin dawlad madaxbannaan dalkasta oo adduunka ah, iyagoo aan amar ka haysan amma la-tashi la samayn Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya.
“Wadahadal lala yeesho xukuumadaha dalalka madaxbannaan waxay leeyihiin dariiq iyo baratakool loo maro, maha sidii adiga oo la xaajoonaya shirkad ganacsi oo gaar loo leeyahay, maamulada ka jira Gobollada Kenya waa maamulo ka tirsan Jamhuuriyadda Kenya, mana laha awood madaxbannaan oo ay cid kasta kula hadli karaan.
Casharka amma duruusta laga baran karo Badhasaabka Gobolka Miru Mr. Munya, waxa ay muujinayaan go’aannada la iska qaato iyadoo aan si sax ah looga wada-tashan amma looga arrinsan waxay ku dhammaadaan inay sababaan dhibaatooyin aan lagu qanacsanayn oo aanay jirin sabab lagu kasbado,” ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada dalka Kenya.
Waxa kaloo uu si toos ah uga hadlay sababta keentay in Madaxweynaha Kenya u safar ku tago magaalada Muqdisho, waxaannu yidhi; “Madaxweynaha Kenya, waxa uu in muddo ah u ololaynayey in shirka dalalka IGAD lagu qabto Muqdisho, markii arrintaas lagu guulaystay ee la hirgeliyeyna, waxa uu wadahadal furan oo qiimo leh la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo u caddeeyey, una dammaanad qaaday in aanay Kenya aqoonsan gobollo ka go’ay Soomaaliya, waxaannu carrabka ku adkeeyey in jaha-wareerkaas (wararka sheegaya in Kenya aqoonsatay Somaliland) uu sababay Badhasaab aan wax aqoon ah u lahayn amma aan fahamsanayn xidhiidhada dibadda ee dalka Kenya.”

uhuroiyohasansheekh2Waxaannu sheegay in kulankaasi kadib ay dawladda Soomaaliya xayiraadii ka qaaday dhoofka qaadka miirooga ee Kenya, kadib markii Madaxweynaha Kenya u xaqiijiyey Madaxweynaha Soomaaliya in aanay dawladiisu aqoonsan madaxbannaanida Somaliland.
Dhinaca kale, Badhasaabka Gobolka Miru ee Kenya Mr. Munya, ayaa saxaafadda dalkiisa u sheegay in aanay dambi ahayn in masuul reer Kenya ah uu safar ku tago Somaliland, isagoo caddeeyey in dawladda Kenya ay xarun ka furatay Somaliland.
“Xukuumadda Kenya waa inay doorkeeda waajibka ah ka qaadato sidii looga shaqayn lahaa in Xukuumadda Somaliland ay xayiraadda ka qaado qaadka miirooga ee looga dhoofiyo Kenya, run ahaantiina, waa inuu jiro tallaabooyin dheeraad ah oo heer dawladeed ah, iyadoo dawladda Kenya looga fadhiyo inay wadaxaajood la furto dawladaha Ingiriiska iyo Holland si ay dhinacooda xayiraadda uga qaadaan qaadka miirooga,” ayuu yidhi Mr. Munya.
Waxaannu intaas ku daray; “In anniga la igu cannaanto in aan ka dambeeyey joojinta qaadka loo diro Soomaaliya, sababtuna tahay in aan safar ku tegay Somaliland, arrintaasi waa xeelad siyaasadeed ee xaqiiq maaha, sababtoo ah safarkayga ka horba dawladda Kenya way joogtay Somaliland, waxayna xafiis ka furatay Somaliland, iyadoo xiitaa halkaas loo diray ilaa 15 kun oo masuuliyiin ah si ay uga shaqeeyaan xafiiskaas, ka hor intii aanan la xidhin xafiiska (Kenya ee Somaliland).”