Araweelo News Network.

Florida(ANN)- Ciidamada FBI-da ee Maraykanka, ayaa baadhitaan xoog loo adeegsaday ku sameeyay guriga Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ee ku yaal deegaanka Mar-a-logo oo ah goob dalxiis oo ku taal Plam Beach oo ka tirsan xeebta Florida.

Laxidhiidha: Trump Iyo Mike Pence Oo Khudbado Xamaasadaysan Si JeesJees Ah Uga Jeediyay Fagaare

Baadhitaanka ayaa daba socday waxyaabo lagu eedeeynayay Madaxweynihii hore oo doorashadii January 2021, lagaga guulaystay ee madaxtooyadda ka cadhooday, isla markaana lala xidhiidhiyay weerarkii Aqalka Capitol Hill.

George Conway ayaa u sheegay CNN, in baadhitaanka FBI-da ee Donald Trump gurigiisa ku yaal Mar-a-Lag,o, gaar ahaan Palm Beach oo ah goob dalxiis oo ku taal Florida. uu qayb ka ahaa baadhitaan lagu sameeyay qaabka loo maareeyo dukumentiyada madaxtooyadda oo ay ku jiraan dukumiintiyo sir ah oo laga yaabo in halkaasi la keenay, sida ay CNN u sheegeen saddex qof oo xaaladda la socday.

Dhismahaa oo ka mid ah dhismayaasha gaarka ah ee uu leeyahay Madaxweynihii hore Donald Trump, ayaa laga soo helay dukumeentiyo gaadhay 15 xidhmo, kuwaas oo uu lahaa qaranku, balse uu geystay gurigiisa.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa dhankiisa sheegay in Isniintii FBI-du ay weerar lama filaan ah ku qaadeen dhismihiisa Mar-a-Lago ee Florida.

“Kadib markii aan la shaqeeyay oo aan la shaqaynay hay’addaha Dowladda ee ay khusayso, weerarkan aan la ogayn ee lagu qaaday gurigeyga ma ahayn mid loo baahnaa ama ku habboon,” ayuu yidhi, Trump oo hadal uu soo saaray.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in saraakiisha FBI-da ay ku qasbeen in la furo meel ammaan ah oo qayb ka ah gurigiisa, intii baadhistu socota uu ku tilmaamay weerarku socday.

Dhawrkii bilood eei la soo dhaafay, Trump waxa uu shaacinayay tilmaamo xooggan oo ku saabsan inuu mar kale dalabanayo inuu noqdo madaxweyne, balse dhinaca kale, waaxda cadaaladda ee Maraykanka ayaa baadhitaan ku waday eeddaymaha ku saabsan in diiwaannada sirta ah loo qaaday Mar-a-Lago kaddib markii uu madaxweyne noqday.

Sharciga federaaliga ah ee loo yaqaan Xeerka Diiwaanka Madaxwaynaha Maraykanka ayaa tilmaamaya in la ilaaliyo xusuusta sida, waraaqaha, qoraalada, E-melid, fakisyada iyo dhammaa isgaadhsiinta kale ee qoran ee la xidhiidha waajibaadka rasmiga ah ee madaxwaynaha.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com