Araweelo News Network.

Washington (ANN)-Donald Trump Madaxweynihii hore ee Maraykanka ayaa ku soo laabtay Washington markii ugu horeysay tan iyo January 2021, ka boqoolay Aqalka Cad, isagoo xilligaa si cadh ah uga tegey, kaddib markii uu diiday in lagaga adkaaday doorashadii.

 Donald Trump, wixii muddadaa ka danbeeyay waxa ku socday baadhitaano la doonayay in lagu hakiyo damaciisa inuu mar kale isu soo taago doorashada Madaxweynaha ee Maraykanka marka la gaadho 2024, balse baadhitanaada iyo dacwaddaha ka dhanka ah ayaan noqon weli kuwo natiijo laga gaadhay.

Muddadii ay arrimahan socdeen waxa soo baxayay in Madaxweynihii hore Donald Trump doonayo inuu mar kale isu soo taagayo doorashada, isagoo mar hore ka dhawaajiyay damaciisa, balse dhowaan ayay taageerayaashiiisa dhanka siyaasadda ee ka tirsan xisbigiisa Jamhuuriga si cad u xaqiijiyeen damaciisa ah inuu doorashada isu soo taagayo.

Madaxweynihii hore iyo ku xigeenkiisii Mike Pence, ayaaa labaduba xilligan kusoo laabtay Washingtion, waxayna jeediyeen khudbado xamaasadaysan oo ay si jeesjees ah uga jeediyeen fagaare ay isugu soo baxeen taageerayaashooda, wuxuuna Trump si cad u bayaamiyay murrashaxnimadiisa marka la gaadho 2024.  Laakiin waxa soo baxaya warar sheegaya in ay jiraan siyaasiyiin kale oo ka tirsan Jamhuuriga iyaguna dhankooda doonayaan in ay isu taagaan xisbiga jamhuuriga.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa markii ugu horeysay dib ugu laabtay magaalada Washington ee dalka Maraykanka tan iyo markii uu ka tagay Aqalka Cad, sidoo kale madaxweyne ku xigeenkiisii hore Mike Pence ayaa isna ku sugnaa caasimadda dalkaasi Talaadadii.

Trump iyo Pence oo labaduba kusoo laabtay Washington, ayaa khudbadaha ay ka jeediyeen fagaaraha, halkaas oo ay kula hadlayeen taagarayaashooda, iyagoo soo bandhigay damaca siyaasadda ee weli ku jira, isla markaana si weyn u dhaliilay xukuumadda Madaxweyne Biden ee xilligan dalka hoggaamisa.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com