Araweelo News Network.

Difaaca Ruushka Oo Ka Haldya Gantaalaha HIMARS

Kyiv(ANN)- Maraykanka, ayaa gantaalaha loo yaqaan HIMARS ku caawiyay dalka Ukraine si ay wax uga taraan weerrarada ciidamada Ruushku ku hareeraynayaan dhulka Ukraine oo tan iyo bilawgii sannadka February 2022, duulaan ku hayay magaalooyiinka dalkaa.

Laxidhiidha: Ruushka Oo Si Badheedh Ah U Sheegay Inuu Midaynayo Dalkii Iyo Ukraine

Dalal baddan oo ka mid ah Yurub iyo saaxiibkooda Maraykanka ee xullufada la ah, ayaa gacan millateri ka gaysanayay dagaalka, iyagoo doonaya in ay hakiyaan qabsashada ciidamada Ruushka, balse hubka iyo saannada Millateri ayaan noqon mid ciidamada Ruushka hor istaagta, kuwaas oo qabsaday dhul baaxad weyn iyo magaalooyin muhiimad weyn iyo istiraatiijiyad u leh dagaalka.

Hase yeeshee Maraykanka, ayaa soo gaadhsiiyay Ukraine toddobaadkii hore gantaalaha HIMARS, kuwaas oo qayb ka ah kharashka $95 milyan ee Wasaaradda Difaaca Maraykanku u qoondaysay Ukraine, sidoo kale. Wasaarada Difaaca ee Maraykanka ayaa sheegtay in ay ka go’antahay in ay u dirto ilaa 580 dheeraad ah, kuwaas oo ah nidaamyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Phoenix Ghost.

Maraykanka, ayaa haysta 410 HIMARS, kuwaas oo ah gantaalaha difaaca ee burburiya dhufausyada cadawga, wuxuuna nidaamka cusub ee M142 High Mobility Artillery Rocket Systems, ama HIMARS, ayaa wadarta tirada ka go’an Ukraine ka dhigi doona 16.

Gantaalahan ayaa ah kuwo iftiin badan oo saaran gaadiidka taayirrada leh, wuxuuna u oggolaanaya Ukraine in ay ku dhufato safafka hore ee ciidamada Ruushka, kuwaas oo gaadhaya 85 kiiloomitir, ama 53 mayl, iyadoo Marayanku hore ugu soo diray Ukraine madaafiicda la jiido.

Millateriga Ukraine ayaa sheegaya in ay adeegsadeen habab hub oo casri ah oo uu Maraykanku siiyay  iyo gantaalaha HIMARS, si ay u duqeeyaan in ka badan 50 bartilmaameed oo milliteriga Ruushka ah.

 Baabuurta badan ee rididda gantaallada ee loo yaqaan HIMARS, ayaa la filayay inay gacan ka geystaan burburinta bakhaarrada rasaasta iyo buundooyinka dhulka uu Ruushku haysto. Laakiin Ukrain ayaa lagu soo waramayaa inay hadda leedahay siddeed HIMARS, oo soo gaadhay, muwaas oo qayb ka ah 16 gantaalahaa ah oo Maraykanku u qorsheeyay.

HIMARS, ayaa lagu dari doonaa xidhmooyinkeeda16-aad ee agabka kaydka milllateriga Maraykanka, sida uu sheegay Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin, isagoo sidoo kale xusay in ay ku jiri doonnaan wareegyada hagaya hababka gantaalaha baddan ee la hago, ama GMLRS, iyo madaafiicda.

 iyadoo la sheegayo in shixnado kale ay jidka kusoo jiraan. Laakiin baabuurta ayaa sidoo kale noqday bartilmaameed cusub oo Ruushku ku bartilmaameedsado weerrarada, iyadoo durba qaar ka mid ah Gantaalaha Maraykanku ku caawiyay Ukraine ee HIMARS la burburiyay.

Millateriga Ruushka ayaa sheegaya in ay burburiyeen ugu yaraan laba ka mid ah gantaalaha Maraykanka ee HIMARS, iyadoo caawimooyinka Millateri ee Maraykanku kasii cadhaysiinyaan Moscow oo hanjabaado iyo digniino hore uga bixisay, wallow aannay gantaalaha HIMARS iyo taageerada saannada Millateri ee Maraykanka iyo saaxiibadii noqon mid wax ka beddesha isbalaadhinta Ciidamada Ruushka ee Ukraine, waxayna noqdeen oo keliya kuwo sii kordhiya cadhada Ruushka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com