Araweelo News Netwok.

Hargeysa(ANN)-Somaliland, ayaa mar kale waajahay xaalad siyaasadeed oo ka taagan khilaafka iyo murranka soo jiitamayay muddada ee qabsoomida doorashooyinka Madaxtooyadda iyo tartanka Uruurada siyaasada iyo asxaabta.

Laxidhiidha: Somaliland: Fashilka Wadahadaladii Go’aankooda La Sugayay Iyo Jawaabta Mucaaradka

Labada Xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID, ayaa ka digaya natiijada ka dhalan karta murranka , kaddib markii ergooyin madax-dhaqameed iyo Odayaal ah oo si iskood ah u galay dhexdhexaadin la doonayay in laysugu soo jiido xukuumadda iyo labada xisbi ee mucaaradka ay arrinta kala wareegeen labada guddoomiye ee Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Guddoomiyaha gollaha wakiillada Cabdirisaaq Khaliif, balse uu si badheedha u sheegay Guddoomiye Khaliif Axaddii in ay u caal waayeen xalka murranka siyaasadda iyo khilaafka.

Guddoomiye Khaliif ayaa sidaa u sheegay qaar ka mid ah warbaahinta oo wax ka weydiiyay halka ay ku danbaysay arrinta ay isaga iyo Guddoomiyaha Guurtidu kala wareegeen Odayaashii dhaqanka iyo Culimadii iskood u galay toddobaadyo ka hor.

Laxidhiidha: Somaliland: Dhawaaqyada Kasoo Baxay Kulankii Saddexaad Ee Xukuumadda Iyo Mucaaradka Iyo Dooddaha Is Khilaafsan

Weedhaha guddoomiye Khaliif ee xanbaarsanaa hungada iyo raja la’aanta ayaa kusoo beegmay xilli ay Bulshadu si weyn ugu dheg-taagaysay , isla markaana ay naawilasay in lasoo saaro go’aamo xal ah oo labada dhinac ee xukuumadda iyo labada xisbi ee mucaaradku ku qancaan, balse guddoomiye Khaliif ayaa sheegay in ay arrintii dhexdhexaadinta faraha ka taageen isaga iyo Guddoomiyaha Guurtida, sidaa awgeed ay dib uga gurteen oo aannay sii wadayn, isagoo ku dooday in Madaxweynuhu u sheegay in uu shatciga u raacayo arrimaha lagu murransan yahay ee doorashada Madaxtooyadda iyo diiwaangelinta Ururrada iyo Axsaabta qaranka.

Murrashax Cabdiraxmaan, wuxuu ku eeddeeyay Madaxweyne Biixi inuu abuuray caqabado uu sida uu sheegayo ku doonayo inuu doorashada ku dhaafiyo waqtigeeda, isagoo tilmaamay in kala dirista Guddidii hore ee Doorashooyinka iyo arrimo kale ay noqonayaan waxyaabaha Madaxweynuhu doorashada dib ugu dhigayo, sidoo kale, wuxuu sheegay in dhammaystir la’aanta xubnaha cusub ee guddida doorashooyinka oo Madaxweynuhu haysto qayb ka yihiin qorshayaasha Madaxweyne Biixi ee dib u dhaca doorashada.

Laxidhiidha: Somaliland: Maxaa Kasoo Baxay Kulanka Xukuumadda Iyo Axsaabta Mucaaradka

Labada Guddoomiye ee labada Xisbi ee Mucaaradka Faysal Cali Waraabe iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa marka kaddib si deg-deg ah uga fal-celiyay natiijo la’aanta uu sheegay Guddoomiye Khaliif iyo gunnaanadka hadalkiisa ee sida cad uu ugu bayaamiyay in ay dib uga gurteen arrintaa oo ay xal iyo maaro u waayeen, taas oo ay labada guddoomiye ku tilmaameen mid nasiibdaro ah.

Hase yeeshee murrashaxa doorashada Madaxtooyada ee Xisbiga WADDANI, Murrashaxa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo warbaahinta la hadlay maanta, ayaa sheegay in ay taageerayaashooda ugu baaqayaan muddaharadyadii ay hakiyeen horaantii bishii hore ee Jun 2022.

“Dedaaladii iyo iskudayadii dhexdhexaadintu way fashilmeen, manta waxaan rabaa in aan la hadlo shacbiweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo cid walba oo lexejeclo ka leh dalka, oo danaynaysa arrimaha dalka.” ayuu yidhi, isagoo raaciyay in aannu ka hadlayn maanta dooda dhankooda ee murranka, sababtoo ah labada xisbi iyadoo qoraal ah oo shaci ku qotonta ayaanu hore usoo bandhignay ayuu yidhi.

Murrashax Cabdiraxmaan, wuxuu ka hadlay dhibaatooyinka nollosha ee jira, cabsida laga qabo cunta yaraanta , sicir-bararka iyo dhibaatooyin kale oo dhanka xoruta-qawlka ah, isagoo tusaale usoo qaatay xadhiga suxufiyiinta oo uu sabab uga dhigay astaamo muujinaya xaaladda qalafsan ee dalku marayo,

Xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa ayuu sheegay inuu dalka meel xun marinayo, isal markaana doonayo inuu dalaka kusii haysto9, isagoo xusay in lagu tuntay sharcigii dalka , xukuumaddu waxay nagu eedddaysaa wax aan jirin, iyadoo leh WADDANI, wuxuu haystaa ciidan beeleed, laakiin waxay doonaysaa in ay ku xalaashato in ay dhiig daadiso”

“Waxaan samaynay wax walba oo fududaynaya in dalka ay ka dhacdo doorashada dastuuriga ah, waxaase ogaydeen in khilaafkii ka dhashay ee Ergada dhexdhexaadintu gashay ugu danbayntii labada Oday ee Guurtida Saleebaan iyo Guddoomiyaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif lagu wareejiyay arrintii markii bil iyo bahd kaddib Madaxweynuhu diiday inuu Odayaasha Ergada ahaa siiyo kalsooni, waxaanu kulanay madal ay labada guddoomiye na dhex joogeen, waxay labada Guddoomiye Saleebaan iyo Khaliif dalbadeen in dhinacayaga labada Xisbi iyo dhinaca xukuumadda mid walba qoraal ku keeno dooddiisa, waxaanu ugu gudbinay qoraal, waxaan filaynay in doodda labada dhinac ee dhegeysiga iyo qoraalkaba kasoo saaraan go’aan, balse waxa go’aankii aannu sugaynay noqday in labada Guddoomiye noo yeedheen oo nagu wargeliyeen in Madaxweynuhu u sheegay in aannay arintan ka garniqi karin, waxay u muuqataa in uu kalsoonidii kala noqday, waana labadii Nin ee awoodda qaranka ku xigay Madaxweynaha.”

“Waxaan mjjuinay dulqaad, tudhaale iyo masuuliyad, annagoo gaadhnay in aanny qoorta dhiibano, isla markaana doonaynay in wixii nalagu xukumo duuduub ku qaadano, sababta aannu samaynay taas ayaa ahayd in aannu ku kalsoonahay in aanny gar leenahay oo sharci ku taaganahay, waxaase nasiibdaro ah intaa iyo daandaasi kale oo baddan ayaanu u dulqaadanay, laakiin Muuse iyo xukuumaddisu waxay u qaateen dulqaadka doqoniino, sidaa awgeed kulamo tashi ah oo guddo iyo dibed ah, waxay labada xisbi ee WADDANI iyo UCID, ugu baaqayaan taageerayaashooda in loo diyaargaroobo mudaharaadyadii la hakiyay ee nabada ahaa, kuwaas oo sida uu sheegay ka dhici doona dhamaman gobollada dalka, balse murrashax Cabdiraxmaan ma sheegin maalinta ay bulaabayaan isu soo baxyada ay ku baaqeen mar kale ee ay hore u hakiyeen.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com