Araweelo News Network.

Kiyv (ANN)-Xukuumadda dagaalku aafeeyay ee dalka Ukraine ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay dib u bilowdo dhoofinta hadhuudhka oo laga daabulo badda madow, inkastoo Ruushku uu gantaal ku garaacay dekedda magaalada Odesa, taasina ay walaac weyn kusii kordhisay dunida.

Weerarka gantaalaha, ayaa dhacay maalin kaddib markii ay labada dal kala saxeexdeen heshiis dib loogu bilaabayo dhoofinta hadhuudhka suuqyada caalamka, balse dagaalka ayaa weli socda.

Ruushka, ayaa markii hore diiday in uu wax lug ah ku leeyahay gantaalaha lagu garaacay dekedda Badda Maadw ee Odesa, laakiin wuxuu ugu danbayntii sheegay Ruushku in gantaalladiisu ay ku dhaceen bartilmaameed loo qorsheeyay oo millateriga Ukraine fadhiisin u ah.

Heshiiska dawladda Turkiga iyo Qaramada Midoobay hormoodka u ahaayeen ayaa ujeedadiisu tahay in la helo dalagyada Beeraha ee Ukraine  si badbaado ah looga soo rarayo cuntadaa oo loo sii marinayo markabka si looga dhoofiyo halkaa.

 Tallaabadan ayaa loo arkaa mid wax ka caawinay fududaynta dhibaatada cuntada ee caalamiga ah, iyadoo Malaayiin tan oo hadhuudh ku xaniban yihiinhalkaa tan iyo 24 February 2022, markii Ruushku ku qaaday duulaanka, isagoo weerarradaa Ruushu ku qabsaday kaabayaasha Ukraine  kuwo kalena burburiyay, isla markaana xannibaadda kusoo roggay dekedaheeda.

Dhinaca kale, Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in dalkiisu uu hiigsanayo isbedel dhanka maamulka ah oo ka dhaca dalka Ukraine, sidoo kale, wuxuu xusay inuu rajeynayo in uu mideeyo Ukraine iyo Ruushka. Hadalkan ayuu ka sheegay mar Axaddii safar ku tegey Qaahira.

Intii uu ku sugnaa Qahira wuxuu wadahadalo la yeeshay madaxweyne Abdel Fattah El-Sisi iyo wasiirka arrimaha dibadda Masar, Lavrov wuxuu sheegay in dhoofinta Hadhuudhku Ruushka ay ka go’an tahay inay si buuxda u fuliyaan amarradooda.

Sidoo kale, wuxuu dib u xaqiijiyay in heshiiska ku saabsan dhoofinta Hadhuudhka ee Ukraine uu weli jiro. Balse waxa kale oo uu tilmaamay waxa uu ugu yeedhay cunaqabataynta ‘sharci-darrada ah’ ay la macno tahay in Ruushku uu eegayo in uu dib u jiheeyo siyaasaddiisa arrimaha dibadda ee ku wajahan Afrika iyo qaybaha kale ee adduunka.

Lavrov, ayaa socdaalkiisa usii gudbaya dhinaca Afrika, isagoo booqan doon, dalalka Ethiopia, Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, kuwaas oo ka mid ah dalalka quudan jiray hadhuudhka iyo sareenka laga soo dhoofiyo Ruushka iyo Ukraine, isla markaana la saadaalinayo in ay xaalad khatar ah waajihi karaan oo macaluul ah, haddii aan xayiraada laga qaadin cuntada laga soo dhoofiyo Ruushka iyo Ukraine.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com