Araweelo News Network.

Guddoomiye Xirsi Muxuu Ka Yidhi?

Hargeysa(ANN)-Kulankii saddexaad ee xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo Hoggaamiyayaasha Axsaabta ee mucaaradka oo maanta ka qabsoomay qasriga Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa ku dhammaaday in lasii wado kulamada ilaa inta xal laga gaadhayo.

Laxidhiidha: Somaliland: Maxaa Kasoo Baxay Kulanka Xukuumadda Iyo Axsaabta Mucaaradka

Kulankaa oo ka sokow madaxda mucaaradka iyo xukuumadda, waxa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Guurtida, Saleeban Maxamuud Aadan iyo Guddoomiyaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif, balse Odayaasha Ergada dhexdhexaadinta ee isugu jiray salaadiinta iyo culimada ayaa lagu wargeliyay in ay dibedda ka joogan kulanka maalinta Beri ee Khamiista.

Ma jiro war rasmi ah oo labada dhinac ee xukuumadda, axsaabta mucaaraadka iyo dhexdhexaadiyayaashu wadajir usoo saareen oo la xidhiidha, balse guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xisri Cali Xaaji Xasan oo dhankiisa qoraal kooban kasoo saaray, ayaa ka hadlay waxyaabaha laysla qaatay ee dhinacyadu kulankii saddexaad isla meel dhigeen.

Guddoomiyaha WADDANI, Xisri Cali Xaaji Xasan, wuxuu sheegay in kulankaArbacadii maanta oo taariikhdu ahayd 13 july 2022,  laysku waajahay dood adag oo dhexmartay labada Xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID oo dhan ka wada jeeda iyo xukuumadda iyi xisbigeeda KULMIYE oo dhinac ah,

Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Guddoomiyaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif, ayaa dhegeysanayay dooda labada dhinac sida uu sheegay Guddoomiye Xisri, wallow aannu sheegin  wax natiijo ah oo kasoo baxay, balse dooda kaddib ay labada guddoomiye ee Guurtida iyo Wakiilladu ku wargeliyeen in maalinta Beri ee Khamiista 14 July 2022,  laysku soo noqdo si maalinta Axadda ee 17 July 2022, dhinacyadu usoo wada saaraan qoddobo xal u noqda khilaafka, iyadoo sida uu xusay kulanka la qorsheeyay maalintaAxadda ay goob joog ka ahaanayaan Odayaasha Ergada ee ku jiray dhexdhexaadinta.

Dhinaca kale, saraakiil ka tirsan xisbiga mucaaradka ee UCID, ayaa ka hadlay kulankii u danbeeyay ee qasriga Madaxtooyadda, waxay dhaliileen in Odayaasha Ergada ahaa laga saaro kulanka, waxayna arrintaa ku eeddeeyeen Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, iyagoo dhinaca kalena ka gaws-qabsaday rajada laga qabo kulamada loo balamay, balse Suldaan Maxamuud Guuleed Mire oo ka mid ah xubnaha Ergada ayaa qoraal kooban ku sheegay inuu rajaynayo in natiijo fiican laga gaadho wadahadalada, wallow uu xusay in iyaga Guddoomiyaha Guurtidu ku wargeliyay in Odayaal ahaan ay maalinta ugu danbaysa yimaadaan kulanka inta ka horaysana laysu daayo dhinacyada axsaabta mucaaradka iyo xukuumadda iyo xisbigeeda oo ay shirgudoon ahaan goob joog ka noqnayaan isaga iyo guddoomiyaha gollaha wakiillada.

Dhinacyada xukuumadda iyo xukuumadda, ayaa ku mutrransan arrimaha doorashooyinka Madaxtooyadda ee hore loogu qorsheeyay 13 November 2022, iyo furitaanka Urrurada siyaasada iyo axsaabta qaranka, iyadoo muddada sharciga ee xeerka weli qabyada ah uu tilaamamyo tahay in tobbankii sannadoodba mar la qabto tartanka Urrrurada, isla markaana taasi ka dhigayso in muddada saddexda xisbi ee xilligan jiraa ku dhammaanay Desember 2022.

 Xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE, ayaa ku doodaya in marka hore doorashada tartanka Urrurada la qabto, si markaa kaddib saddexda xisbi ee kusoo baxaa u galaan tartanka doorashada madaxtooyadda, halka mucaaradku ku doodayaan in doorashada Madaxtooyadda ee soo horaysa la qabto, markaa kaddib loo gudbo doorashada Urrurada.

Hase yeeshee, doodaha labada dhinac midna xilligan uma muuqato in ay saaxadoodu diyaar tahay, iyadoo xilligan guddida doorashooyinka qaranku kala qaaran yihiin oo la ansixiyay Afar xubnood oo ka mid ah toddobada xubnood, halka dhinaca kalena xeerka Urrurada siyaasada iyo axsaabta furistooda loo raaci lahaa aannu ahayn mid dhammaystiran, sidaa awgeed aannay ka fursanayn in xal meel dhexe laysugu yimaado si xaaladda loo dejiyo, isla markaana xal loogu helo khilaafka siyaasadeed ee xilligan si weyn u carsha-carsheeyay sumacadii  Somaliland kaga heshay dunida doorashooyinkii ugu danbeeyay ee isku lamaana iyo dimuqraadiyadii lagu majeeranayay in ka baddan labaatankii sannadood ee u danbeeyay, tan iyo markii ay kasoo guurtay nidaamkii beelaha ee u hayaantay nidaamka dimuqraadiyada iyo hannaanka xisbiyada baddan.

Laxidhiidha: Kulankii u Horeeyay Ee Dhinacyada Iyo Jawigii Laysku Qaabilay

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com