Araweelo News Network.

Moscow(ANN)-Madaxweynaha Dalka Maraykanka, Joe Biden, ayaa ka degay Tel Aviv., isagoo kulamo la yeeshay hoggaamiyayaasha Israel. booqashadiisa ayaa ah safarkii ugu horeeyay ee dalka Israel uu ku booqdo tan iyo markii uu ku guulaystay doorashadii Maraykanka ee November 2020.

Ma cadda ujeedada safarkiisa uu ku doonayo inuu isaga dabqaado Israel iyo dalalka Khaliijka kuwa tunka weyn qaarkood, balse wararka qaar sheegaya in xilligan oo booqashadiisu kusoo beegantay dagaalka sida weyn ee u sameeyay dunida Ukraine iyo Ruushka oo saamayn dhaqaale oo weyn ku keenay dalalka aduunka, kaddib markii qiimaha shidaalka iyo maceeshadu samada isku saheereen, sidaa awgeed booqashadiisa ayaa lagu macbneeyay in ay qayb ka tahay furdaaminta masiibadaa iyo arrimo kale gobolka ah.

Madaxweynaha Maraykanka Jeo Biden, ayaa booqashadiisa Israel lagu macbeeyay mid aan waxba ka tarayn dhibaatada shacbiga Falastiin ay ku hayso xukuumadda Yuhuuda ee dhulkooda xoogga ku haysta, iyadoo Maraykanka iyo dalalka kale ee reer galbeedka lagu dhaleecaynayo sida ay indhaha uga lalinayaan arrinta Qudus iyo xasuuqa ay xukuumadda Yuhuudu ka wado, iyagoo taas beddelkeeda ku mashuulqasan in ay daqiiqad kasta ka hadlaan arrinta dagaalka Ukraine ee duulaanka ruushka.

Booqashada Biden oo sidoo kale, kusoo beegnatay, iyadoo dhaqaalaha dalka Maraykanku si weyn u liicay dagaalka Ukraine awgii iyo sicir-bararka guddaha Maraykanka oo gaadhay halkii ugu saraysay inta la xusuusto, isla markaana qiimaha shidaalka cirka ku shareermay uu saamayn weyn ku yeeshay qiimaha maceeshada oo kor ugu kacay si layaab leh, dhammaan arrimahaa oo nollosha shacbiga Maraykanka kaga qaylaalsiiyay, isla markaana sababay in maalinba maalinta ka danbaysa nolloshu sii adkaato.

Xukuumadda Madaxweyne Biden, ayaa dhaleecayn baddan kala kulantay dhibaatooyinkaa, iyadoo lagu dhaliilay sida ay xukuumaddiisu u waajahday dhibaatooyinkaa oo u muuqda kuwo aannay wax xal ah u hayn.

Hase yeeshee, booqashadiisa bariga dhexe, ayaa lagu macbeeyay mid uu ku doonayo inuu ku xoojiyo xidhiidhka dalalka Khaliijka iyo Israel ee hehsiiskii (Abraham Agreement), kaas oo Madaxweyne Trump ku khasbay dalalka Khaliijka ee Sacuudigu ugu tunka weyn yahay in ay si caadi ah ula macaamilaan xukuumadda Israel ee Yuhuuda, iyadoo heshiiskaa meelo baddan oo dalalka Islaamka looga arko mid lagu duudsinayo Falastiin, isla markaana Qudus (Jeuresalam) iyo dhulka baraykasyan ee islaamka si dhab ah ugu wareejinaya Yuhuuda.

Laxidhiidha Biden Oo Kusii Jeeda Bariga Dhexe Meel Marinta Qorshaha Ciidamo Difaac Oo Sacuudiga Iyo #Israel Yeeshaan

Sidaa awgeed xilligan booqashadiisa oo qayb weyn ay ka tahay xiisadda dagaalka Ukraine iyo awood sheegashada ruushka, ayaa la filayaa inuu ku qanciyo dalalka Khaliijka iyo Israel in ay samaystaan iskaashi dhinaca difaaca ah, iyadoo Madaxweyne Biden soo hadalqaaday markii uu ka degey Tel Aviv., isbahaysiga Ruushka, Shiinaha iyo Iran, iyadoo Maraykanku doonayo iskaashiga Millateri ee Israel iyo Khaliijku inuu noqdo mid lagaga hortago xukuumadda Islaamiga ah ee Iran, taas oo si weyn u dhalecaysay siyaasada Maraykanka ee ku waajahan gobolka iyo gardarada iyo gummaadka lagu hayo shacbiga Falastiin.

Laxidhidiha:Warqad Shirkaddaha Waaweyn Madaxweyne Biden U Qoray Oo Xanbaarsan Cannaan Kulul iyo Booqashada U Qorshaysan Ee Sacuudiga Oo Calaamatu Su’aal La Geliyay

Hase yeeshee safarka Biden ee Khaliijka ayaan la oggayn waxa uu kala kulmi doono dallaka Khaliijka, gaar ahaan Sacuudiga oo ah dalka ugu tunka weyn, iyadoo Madaxweyne Biden markii uu xunka la wareegay uu xukuumaday xidhiidhkii Washington iyo Riyad, kaddib markii uu dhaleecayay dilkii waxashnimada ahaa ee lagu fuliyay Saxafigii Jamal Kashashoggi eel ala xidhiidhiyay inuu ka danbeeyay dhaxalsugaha awoodda baddan ee Maxamed Bin Salamaan, waxayna arrintaasi sababtay in dalabkii Maraykanku kaga dalbaday in Sacuudigu kordhiyo wax-soo-saarka dhidaalka markii uu bilaabmay dagaalka Ukraine aannay dheg jalaq u siin qoyska Boqortooyada Sacuudiga ee Boqor Salmaan

Laxidhiidha:Sucuudiga Oo Saliidda Kaga Iibinaya Shiinaha Lacagtiisa Yuan-ka

Dhinaca kale, Madaxweynaha Ruushka, Vladamir Putin ayaa dhankiisa sida laga soo xigtay Kremlin-ka, wuxuu toddobaadka soo socda booqan doonaa Tehran, balse lama ogga booqashada Putin ee Iran oo xidhiidh wanaagsan ay leeyihiin ruushka, waxaase jira xoggo diblamaasiyadeed oo tibaaxaya in booqashadiisa xilligan ay qayb ka tahay arrimaha gobolka iyo siyaasada cakiran ee jaah wareerka ku riday dhaqaalaha aduunka , isla markaana cabsida ku abuuray dadyowga aduunka, tan iyo markii Ruushku galka seefta kala baxay ee uu bilaabay duulaanka Ukraine.

Ruushka iyo Iran ayaa hore gobolka ugaga adkaaday Maraykanka iyo saaxibadii, kaddib markii duulaan dhawr sanandood socday oo la doonayay in xukuumadda Suuriya ee Bashar Al Aassad meesha lagaga saaro ay sutida u qabteen, duulaankaa oo xaata Faransiiska, Britan, Germany iyo saaxiibada Maraykanka oo ay weheliyaan dalalka Khaliijku qayb ka ahaayeen ayaa ugu danbayntii sababay in iskaga huleelaan markii ay tahliwaayeen jabhadii ay taageerayeen in ay meesha ka saaran xukuumadda Suuriya.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com