Araweelo News Network.

Colombo (ANN)-Madaxweynihii dalka Sri lanka ayaa naftiisa la baxsaday , kaddib markii muddaharaadyo gulgilay dalka ay sababeen in gurigiisa loogu daato, iyadoo dhaaqalaha dalka oo horeba u liitay u dhulka galay, isla markaana gaasta la shito iyo shidaalka oo la waayay ay sabab u noqdeen bilawgii muddahaaryada.

Alt: Araweelo News
Mudaharaadayaasha oo galay Guriga Madaxweynihii dalka Srilanka Gotabaya Rajapaksa, waxay ku khasbeen inuu naftiisa ula cararay Jasiirada Maldives, 14 July 2022, Image Araweelo News Network.

Gotabaya Rajapaksa wuxuu u qaxay dhinaca Jasiirada ku taal Badweynta India ee Maldives Arbacadii, isaga oo lka baxsanaya dadweynaha gedoodsan oo ay ciidamada amaanku la tacaalayaan weli.

Madaxweyne Gotabaya Rajapaksa, ayaa la filayay inuu Arbacadii xilka ku wareejiyo ra’iisal sawaare, balse wuxuu la baqay naftiisa, wuxuuna sidaa kaga baxay dalka, isagoo dhuummanaya, taas oo soo afjaray xukunkii qoyskiisa ee ku dhawaad ​​laba sanno dalkaa ka taliyay.

Qaar ka mid ah qoyskiisa oo iyaguna xilal sare ka hayay xukuumadda ayaa ka baxsaday dalka, iyagoo nafahooda la cararay.

Rabshadaha ayaa sii xoogaystay Salaasadii, kaddib markii uu sheegay inuu xilka ku wareejinayo Arbacada ra’iisal wasaaraha ay saaxiibada ahaayeen ee Ranil Wickremesinghe ilaa inta laga gaadhayo doorasho, balse go’aanka uu sheegay madaxweynaha ayaa kiciyay mudaaharaadyo baddan oo ka daran kuwii hore, iyadoo mudaaharaadayaashu ay xoog ku galeen xafiiska ra’iisal wasaaraha, iyagoo ka dalbanaya inuu isna ka baxo dalka oo raaco saaxiibkii.

Booliska ayaa weli la tacaalaya mudaharaadayaasha, kuwaas oo jaah wareer ku riday xaaladda dalka ee liidatay, waxayna Boolisku u adeegsanayaan sunta dadka kaga ilmaysiisa, iyagoo doonaya in ay xoog ku kala kexeeyaan.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com