Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo ka mid ahaa Cuimada Somaliland, isla markaana caan ku ahaa arrimaha samafalka iyo khayriga oo uu juhdi iyo dedaal baddan gelin jiray, ayaa ku geeriyooday dalka Hindiya 14 July 2022, halkaas oo xaalad caafimaad loo geeyay.

Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray, waxa geeridiisa ka murrugooday shacbiga Somaliland ee uu ka baxay, gaar haan Magaaladda Hargeysa ee caasimadda Somaliland oo ah halka xuduntiisu taalay ee uu ku dhashay, isla markaana ku barbaaray ilaa yarantoosiii.

Allah haw naxariistee Sheekh Aadan, wuxuu ahaa shaqsiyaadka tirada yar ee marka laga hadlayo culmida dhigiisa ah mar walba u heelanaa horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada iyo in bulshadu ubadkooda ku tarbiyadeeyaan barashada diinta iyo akhlaaqiyaadka wanaagsan.

Dad baddan ayaa xusuusan sida arrimaha khayriga iyo is taakulaynta Bulshada ugu guubabin jiray, isagoo hormood u noqday mashaariic baddan oo waxtarkooda bulshadu ku badhaadhay oo doorka ugu weyn uu ku lahaa abaabulkooda iyo dhismahooda, isla markaana lagu tilmaami jiray Sheekh Aadan nin gacan furan oo taageerada arrimaha bulshada aan waxba ka hagran.

Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray, wuxuu ka mid ahaa dadka aaminsan in dadku gudahooda xaafad xaafad iyo intii isku dhow ee jaar ahiba iska warhayso oo ay is taakuleeyaan si ay isu oggaadaan baahiyahooda, halkii ay hay’addo ajaanib ah wax ka sugi lahaayeen, wuxuuna xaafadda uu deganaa ka hirgeliyay mashruuc la xidhiidha arrintaa, iyadoo ay hubaal tahay in ay adkaanay in xilligan la helo cid buuxisa kaalintii uu bulshada ku lahaa..

Dhinaca kale, Sheekh Aadan oo caan ku ahaa inuu mar walba kaga hadlo khudbaddaha Masjidka ee Jimcaha iyo mxaadarooyinka uu jeediyo arrimaha waaqica ee nollosha bulshada iyo sida loogu baahan yahay in wax looga qabto, ayaa ahaa Sheekh hadalo cad oo aan cidna uga haybadaysan inuu ka hadlo waxyaabaha khaldan ee loo baahanyahay in masuuliyiinta xukuumadda iyo ilaa madaxweynaha ay wax ka qabtaan ee ay ka gaabiyeen, wuxuuna sidoo kale, ku adkaa qadiyada Madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Allah haw naxariistee Sheekh Aadan Maxamuud Xiirey, wuxuu kasoo jeeday qoys aad looga yaqaanay magaaladda Hargeysa oo qayb ka ahaa aasaaskeedii, isagoo sannadihii u danbeeyay xannuunka macaanka la noollaa kaas oo sababay in mar hore dalka Hindiya loogu geeyay caafimaad, halkaas oo mid ka mid ah carruurtiisu ugu deeqay Keli, waxaana mar kale xaalad caafimaad loo geeyay dalka Hindiya dhowaan isagoo ku geeriyodoay halkaa.

Dhankeeda Madaxtooyadda Jamhuuruyadda Somaliland, ayaa dhanbaal tacsi ah oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda ku sheegtay in Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ka tacsiyaynayo geerida Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray shacbiga Somaliland, qoyskii, ehelkii, asxaabtii, Culimada dalka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka.

Sidoo kale, dhanbaalka, ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey sheekh caalim ah oo ka mid ahaa culimada waa weyn ee dalka, isla markaana garab siin jiray bulshada jilicsan, sidoo kalena doormuhiima ka soo qaatay nabadayntii iyo dib-u-dhiskii Jamhuuriyadda Somaliland.

“Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Allah uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, culimada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.” ayaa lagu yidhi dhanbaalka tacsida ee koobban.

Allah haw naxariistee Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray waxaa lagu xusuusan doonaa wanaagii, samafalkii, abaabulkii hagaajinta qayimka iyo akhlaaqiyaadka bulshada, iftiimintii xaqa ee uu ku dhiiranaa hannuuntii adeecida Allah iyo sunnaha Nebiga Nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee iyo tusaalayaashii caddaa ee taariikhda rasuulka iyo asxaabta oo uu magaca Sheekh Aadan Siiro kula baxay, isagoo qisaska siirada ku dabikhi jiray wacyiga bukshada maanta si ay wax ugu qaataan, waxayna raadadka uu ka tegey ee hormoodnimadiisii arrimaha Samafalku ka muuqaan maanta meelo baddan oo ka mid ah gobolka Maroodi-jeex iyo guud ahaan Magaaladda Hargeysa.

Sidaa awgeed Tafaftiraha Shebekaddaha Araweelo News Network, Carraale Maxamuud Jaamac iyo dhammaan bahda Araweelo News, waxay iyagoo ka tiirsaanyaysan ka tacsiyaynayaan geerida Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray shacbiga Somaliland, qoyskii, ehelkii, asxaabtii, Culimada dalka, waxayna Allah uga baryayaan inuu wanaagii iyo xasanaadkii uu shaqaysatay intii uu ifka joogay Allah ugu beddelo jana-fardawsa oo ugu denbi dhaafo wanaaga uu tabcayna miisaanka xasanaadka Allah ugu wafeeyo Aamiin Aamiin Aamiin.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com