Saamaynta ay arrintaasi U Yeelanay Dhaqaalaha Maraykanka Iyo Dunnida Kale

Riyadh waxay casuuntay Madaxweynaha Shiinaha

Araweelo News Network.

Sucuudiga  Oo Saliidda Shiinaha Kaga Iibinaya Lacagta Yuan Iyo Saamaynta U Yeelanay Dhaqaalaha Maraykanka Iyo Dunnida Kale

Riyadh(ANN)- Xukuumadda Sacuudi Carabiya ayaa wadahadalo firfircoon kula jirta Beijing si ay u qiimayso qayb ka mid ah saliidda ay Shiinaha ka iibiso oo lacagta Yuan lagaga iibinayo.

Khuburada aqoonta u leh arrintan ayaa sheegay in tallaabadaas ay hoos u dhigi doonto awoodda dollarka Maraykanka ee suuqa shidaalka adduunka, waxayna calaamad kale u tahay isbeddel kale oo uu ku yimid saliidda  oo qiimaheedu sare ugu kacay, iyadoo Sacuudigu yahay dalka saliidda ugu baddan soo saara ee u dhoofiya adduunka.

Wadahadallada Shiinaha ee ku saabsan qandaraasyada saliidda ee Yuan-ka ayaa xidhnaa oo socday muddo lix sano ah, laakiin waxay soo dedejisay sannadkan xilli Sucuudigu aannu aad ugu faraxsanayn ballan-qaadyadii amniga ee Maraykanka ee tobbanaan sanno jirsaday ee ahaa inuu difaaco Boqortooyada, balse xilligan is bedel ku yimi xidhiidhka.

Sidoo kale, Wadahadallada u dhexeeya Riyadh iyo Beijing ayaa soo degdegay iyadoo farxadda Sacuudiga ay sii kordhinayso cadhada Washington.

Weerarkii Ruushka ee Ukraine ayaa gacan ka geystay in qiimaha saliidda lagu riixo meel sare oo uu gaadho  in ka badan $ 100 halkii foosto markii ugu horaysay tan iyo 2014.

Ruushka, ayaa ahaa  dalka labaad saliidda ugu baddan soo saara, isla markaana dhoofiya marka kaga reebo Sucuuudiga, balse duullaanka Ukraine ee Ruushka, ayaa saamayn ku yeeshay qiimaha Saliidda Caalamka, kaddib markii ay Maraykanka iyo xulufadiisu cunaqabatayn kusoo roggeen Raashiya, taas oo si weyn u jaah wareerisay qiimaha saliidda sayladdaha caalamka iyo qiimaha Maceeshada.

Warbixin lagu daabacay toddobaadkii hore (The Wool Street Journal). , ayaa lagu daabacay warka sheegaya in Sacuudigu xidhiidh la samaynayo dalka Shiinaha, isla markaana kaga iibinayo lacagata Yuan-ka.

Arrintan, ayaa sababi karta kor u kaca kharashka saliidda uu sii kordhin karo sicir bararka guud ahaan dhaqaalaha Mareykanka.

Warbixinta, ayaa lagu sheegay in Sacuudi Carabiya ayaa ku casuuntay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping inuu booqdo Riyadh iyadoo boqortooyadu xidhiidhka Washington, sida ay sheegeen dadka aqoonta u leh arrimahaa.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping  ayaa la filayaa inuu kusoo beegmo Riyadh kaddib bisha barakaysan ee Ramadaan, taas oo bilaabanaysa horaanta Abriil ee sannadkan.

Dadka ka faalooda arrimaha dhaqaalaha iyo siyaasada, ayaa ku macneeyay inuu noqon karo safarkii ugu horreeyay ee Mr. Xi tan iyo markii uu bilaabmay cudurka Covid-19.

Dhinaca kale, Riyadh ayaa qorshaynaysa in ay soo celiso soo dhawayntii diirranayd ee ay u samaysay madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump 2017-kii, iyadoo si lama mid ah sidii xilligaa loo soo dhoweeyay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com