Araweelo News Network.

Washington(ANN)-Koox ka tirsan Guddida Xidhiidhka Arrimaha Dibadda ee Aqalka Odayaasha Maraykanka, ayaa maanta soo saaray Xeer si cad u iftiiminaya qaabka uu noqonayo Xidhiidhka iskaashi ee Somaliland iyo Maraykanka.

Alt: Araweelo News


Qorshahan, ayaa yimi kaddib markii koox ay hormood u yihiin Xildhibaan Jim Risch oo ah Xubin sare oo ka tirsan guddida Arrimaha Dibadda ee Aqalka Odayaasha Senate-ka, iyo sidoo kale, Xildhibaan Chris Van Hollen oo uu wheliyo Xildhibaan Mike Round oo ah Guddoomiyaha iyo Xubin sare oo ka tirsan guddi-hoosaadka Siyaasadda Afrika iyo arrimaha Caafimaadka dunida ee Guddida Xidhiidhka Arrimaha Dibadda u qaabilsan Aqalka Senate-ka Maraykanka, isla markaana dhammaantod ka tisran Xisbiga Jamhuuriga qorsahaa soo bandhigeen.


Guddida, ayaa Xeerka Iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka u gudbiyay Gollaha Senate-ku maanta. Iyadoo uu xeerku ku waajibinayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraynka inay Warbixin ka siiso Aqalka Congress-ka Maraykanka sida uu noqonayo La-macaamilka Somaliland iyo sidii Daraasad looga samayn lahaa hirgelinta iskaashi dhex mara labada dal ee Maraykanka iyo Somaliland, sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafadeed ay soo saareen Guddida Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka Maraykanka.

Guddida Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka Maraykanka, ayaa hadal dhowaan ay shaacisay wasaaradda arrimaha Dibedda ku tilmaamay siyaasad duugowday oo aan la jaan-qaadi Karin marxaladda siyaasadda adduunka ee xilligan iyo loollanka quwadaha dunida, sidaa awgeed ay lagama maarmaan tahay in Maraykanku wax ka bedelo siyaasadiisa ku waajahnayd mandaqada.


“Maraykanku waa saaxiibka joogtada ah ee umadda Soomaaliyeed, laakiin Maamulka Biden wuxuu ku xaddiday siyaasadda ‘Soomaaliya oo mid kaliya ah’ taasoo dhibaato ku ah Saaxiibbada kale ee Dimuqraadiyadda,” sidaa waxa yidhi Jim Risch,

“Xilligan adag ee lagu jiro hadday tahay Xaaladda Dunida iyo tan Geeska Afrikaba, Maraykanka waxa ku waajiba inuu sahamiyo dhammaan xidhiidhada suurta-galka ah ee faa’idadu ugu jirto ee Maraykanku la yeelanayo dalalka Xasiloon ee Dimuqraadiga ah, sida Somaliland oo kale” ayuu raaciyay.


Sidoo kale, Jim Risch, ayaa soo jeediyay in aannay Maraykanku ku koobnaanin nidaamyada siyaasadeed ee qadiimiga ah iyo qaababka diblomaasiyadda ee aan jaan-qaadi Karin Caqabadaha Dunida ee xilligan taagan,” Sidaas ayuu Xildhibaanku ku sheegay, ayaa lagu yidhi, war qoraal ah oo ay soo saareeb xildhibaanadu.


Van Hollen ayaa dhankiisa tilmaamay sida ay dowladda Maraykanka waajibka ugu tahay in ay tixgelin gaar ah siiso dalalka Gobolka Geeska Afrika ee hirgeliyey dowladnimo tiirkeedu yahay dimuqraadiyad iyo arrimaha xorriyatul qawlka.


Chirs Van Hollan, oo ka mid ah xildhibaanada, ayaa si gaar ah ugu soo qaatay tusaale qalalaasaha iyo xasiloonidarada ka taagan Geeska Afrika, sidaa awgeed ay waajib ku tahay Maraykanka in inuu wanaajino xidhiidhka ay la leenahay dalalka gobolka ee ku dhaqan-geliyey dowladnimada dimoqraadiga ah iyo xorriyaadka aasaasiga ah.


Arrintaa, ayuu ku doodday in ay fure u noqonayso horumarinta danaha Maraykanka, hagaajinta xasilloonida gobolka, iyo weliba taageeridda ku dhaqanka sharciga iyo xuquuqda aadamaha.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Jamhuuriyadda Somaliland I oo ku taalla gobol xasilooni-darradu ku badan tahay, ay samaysatay nabad-gelyo iyo dowlad dimuqraaddi ah, taas oo sida uu sheegay noqonay sababta macnaha u samaynay in xilligan uu rabitaanka Maraykanku ku doonayo xidhiidh iskaashi oo dhexmara Somaliland si dhab ah u muuqdo.


Sidaa darteed, wuxuu sheegay in Sharcigani uu gacan ka gaysan doono xaqiijinta in Maraykanku baadho fursadaha waaweyn ee ku jira xidhiidhka labada dhinac ee Somaliland iyo Maraykanka, ayuu raaciyay Van Hollen.


Qorshayaasha xilligan ee Aqalka Odayaasha Maraykanka ayaa ku soo beegmay, iyadoo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayaa kulamo kula yeesheen Washington Saraakiil ka tirsan Maamulka Madaxweyne Joe Biden, iyadoo qaar ka mid ah Xildhibaanada Maraykanku kusoo dhoweeyeen Aqalka caanka ah ee Capitol Hill, taas oo si weyn u muujisay in xilligan Maraykanku danaynayo xidhiidh uu si gaar ah ula yeesho Jamhuuriyadda Somaliland.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com