Warqad Shirkaddaha Waaweyn Madaxweyne Biden U Qoray Oo Xanbaarsan Cannaan Kulul iyo Booqashada U Qorshaysan Ee Sacuudiga Oo Calaamatu Su’aal La Geliyay

Araweelo News Network.

Washington (ANN)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa lagu dhaleeceeyay inuu yahay anshax ahaan mid dalkiisa u horseeday inuu musalafo, iyadoo dhaleecayntaa sabab looga dhigay siyaasadiisa oo lagu tilmaamay mid daciif ah.

Dhaleecaynta sida weyn loogu jeediyay Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, ayaa ka dhalatay xaaladda cakiran uu dalkiisu galay waxaana diciifnimad ugu xun lagu tilmaamay qaabka uu ugu fashilmay inuu la yimaado siyaasad cad oo ku waajahan shidaalka oo gaadhay meel aan nollosha dadku kasoo waaqsanayn.

Biden oo doonaya inuu la tacaalo mushkilada weyn ee dalkiisu waajahay ee dhanka tamarta, ayaa la filayaa inuu Safar ugu baxo dalka shidaalka ugu baddan aduunka soo saara ee Sacuudiga. Laakiin markii ay soo baxeen wararka sheegaya in Madaxweynuhu qorsheynayo inuu booqdo Sacuudi Carabiya si uu ugala hadlo dhibaatada saliidda adduunka, waxaa loo jeediyay dhaleecayn baddan.

Laxidhiidha: Sucuudiga Oo Saliidda Kaga Iibinaya Shiinaha Lacagtiisa Yuan-ka

 Madaxweyne Biden, ayaa mar uu ka hadlayay xaaladda ba’an ee shidaalka, wuxuu ku tilmaamay in ay tahay wax aan la aqbali karin in shirkaddaha shidaalka ay sameeyaan faa’iidooyin taariikhi ah, iyadoo lagu jiro xilli dagaal.

Mr. Biden oo ka cadhaysan xaaladda, ayaa warqad u qoray shirkaddaha waaweyn ee saliida toddobaadkii hore, isagoo ku booriyay inay sare u qaadaan kaydka maadaama gaasku uu kor u dhaafay Shan doollar ($5,) halkii gallaan gudaha dalka Maraykanka iyo meelo kaleba.

Canbaaraynta kaga imanay guddaha oo laga cabsi qabo inay kacdoon aan la xakamayn karin abuurto iyo xaaladda uu dalku waajahay, ayaa sababtay inuu cadhada kula dhaco shirkaddaha Saliida, wuxuuna Salaasadii Todobaadkan Madaxweyne Biden u qoray warqad weedho kulul lagu qoray shirkaddaha ugu waaweyn ee Maraykanka, kuwaas oo kala ah, toddobada ugu tunka weyn shirkaddaha saliida, isagoo u kala diray shirkaddaha kala ah Marathon Petroleum, Valero Energy, ExxonMobil, Phillips 66, Chevron, BP, iyo Shell.

Dhinaca kale, Booqashada Madaxweyne Biden ee dalka saliida ugu baddan soo saara ee Sacuudiga, ayaa dhaleecayn dhanka gudaha Maraykanka lagaga keenay, iyadoo Sacuudigu hore u diiday dalabka Maraykanka ee ahaa inuu kordhiyo saliida uu soo saaro, maalmo yar kaddib markii dagaalka Ukraine ee Ruushku bilaabmay, waxaana la filayay in haddii sacuudiga iyo Imaaraadku kordhiyaan Saliida ay soo saaraan aannay dhibaatada maanta dunida ku habsatay timaadeen, balse waxa meesha ka baxay qorshihii la doonayay in lagu daboolo Saliida uu dalka labaad oo Ruushka ahaa soo saaro, kaddib markii ay Sacuudiga iyo xulufadiisu diideen.

Arrintaa ayaa muujisay in dalka Sacuudigu ka farabaxay Maraykanka, iyadoo markii Madaxweyne Biden xukunka la wareegay si weyn xidhiidhka Marayanka iyo Sacuudigu u difiicay, taas oo fursad u noqtay Ruushka oo dagaal kula jira Maraykanka iyo xulufadiisa Yurub,  wallow Sacuudigu dhowaan sheegay inuu kordhinayo wax soo saarka saliida, balse waxa jiray balanqaad uu dhinaca Shiinaha u sameeyay Sacuudigu inuu ka iibinayo, isagoo lacagta Yuan-ka kaga iibinaya , waxaana la qorsheeyay in Madaxweynaha Shiinuhu booqasho ku tago dalka Sacuudiga horaanta August 2022, si ay arrimo dhanka ganacsiga ah iyo heshiisyo u wada saxeexdaan labada dal, balse lama ogga waxa uu Madaxweyne Biden xilligan kala kulmayo safarkiisa  Boqortooyada Sacuudiga.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com