Maxay Iskula Furteen Kulankii U Horeeyay Madaxweyne Biixi Iyo Ergadu?

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa albaabka ka furay Ergada maalmihii u danbeeyay garaacayay Albaabada Madaxtooyadda si ay xal ugu helaan khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya xukuumadda iyo labada xisbi mucaarad.

Salaasadii maanta ayay Ergo 24 xubnood ah oo isugu jira Salaadiin, Cuqaal iyo Culmo waxgarad iyo Guurti ku guulaysteen in ay galaan qasriga Madaxtooyadda, waxayna 24 Ergay qayb ka ahaayeen 32 xubnood oo Ergo ahaan iskood isugu xilqaamay daminta xiisadda siyaasadeed ee dalka ruxday xilligan oo sii xooggaysanaysay.

Qoraal kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland oo ku taariikhaysan Salaasadii 21-06-2022, ayaa lagu xaqiijiyay in Madaxweynaha oo ay weheliyaan Madaxweyne ku xigeenka iyo dhawr ka mid ah xubnaha gollaha wasiirrada ku qaabilay Ergada kulankii u horeeyay Qasriga Madaxtooyada.

Ergada, ayaa danaynay in lasoo afjaro muranka iyo khuilaafka siyaasadeed, isla markaan waxay muddooyinkii u danbeeyay tan iyo 9 Jun 2022, markii uu dhacay mudaharaadkii axsaabta mucaaradka ee sababay dhaawaca iyo xadhiga saraakiisha mucaaradka iyo xildhibaanada ay ku hawllanaayeen sidii ay dhinacyada isugu soo jiidi lahaayeen ee arrimaha siyaasiga ah ee u dhexeeya xukuumadda iyo labada Xisbi Mucaarid xal loogu heli lahaa.

Madaxweyne Biixi, ayaa Odayaasha dhaqanka iyo culimada is-xil-qaamay ku soo dhaweeyey gacmo-furan, sida lagu sheegay qoraalka koobban oo kasoo baxay Madaxtooyadda, iyagoo dhankooda ku wargeliyay Madaxweyne Biixi in ujeeddada ay ugu yimaadeen tahay inay gacan ka gaystaan xal-u-helidda arrimaha siyaasadeed ee dalka ka jira xilligan.

Hase yeeshee sida lagu xusay qoraalka, Madaxweynaha iyo Ergada waxa kulankoodii u horeeyay ku dhammaaday halkaas, iyadoo dhanka Madaxtooyadda laga sheegay in la isku af-gartay in Gollaha Guurtida oo sharci ahaan Qaranka Somaliland u qaabilsan xallinta khilaafku ay leeyihiin hawshan, sidaa agweed iyaga laga warsugo qaabka loo gelayo hawshan.

Madaxweyne Biixi, waxa kulankaa ku weheliyay dhanka xukuumadda,, Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed,  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Ciise Kayd Maxamuud,  La-taliyaha Madaxweynaha Qaranka, Cali Maxamed Waran-cadde iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere 

Magacyada Xubnaha Guddida is-xilqaantay ee Ergada Madaxweynaha la kulnatay ayaa ahaa kuwan hoos ku qoran.

1. Suldaan Xasan Xaddi Baade

2. Suldaan Maxamed Cabdi Xasan

3. Suldaan Salmaan Axmed Maxamed

4. Suldaan Maxamed Muuse Nuur

5. Suldaan Cawil Faarax Shire

6. Sheekh Cabdiraxmaan Aw Axmed Aw Cabdi

7. Caaqil Cabdiraxmaan Maxamuud

8. Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil

9. Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen

10. Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal

11. Caaqil Xasan Muuse Cabbaas

12. Suldaan Axmed Xasan Jaamac

13. Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre

14. Suldaan Maxamuud Guuleed Mirre

15. Suldaan Cismaan Baane

16. Suldaan Axmed Daahir Muuse

17. Suldaan Sheekh Yuusuf Cabdi Cawad

18. Suldaan Ismaaciil sheekh Cumar Xasan

19. Suldaan Axmed Aw Cali

20. Suldaan Cali Jaamac Galaal

21. Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale

22. Suldaan Cabdillaahi Maxamuud

23. Jiif Caaqil Cabdiraxmaan Axmed Ciise

24. Suldaan Abshir Maxamed Ducaale.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com