Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Guddida Ergada xal u raadinta khilaafka xukuumadda iyo axsaabta qaranka, Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo ah isla markaana ka mid ahaa koox Salaadiin iyo Culimo ah oo shalay la kulantay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka hadlay qoraal ay Wasaaradda Arrimaha Guddaha Jamhuuriyadda Somaliland soo saartay Arbacadii maanta oo ay ku sheegtay cidda isla leh masuuliyidda dhexdhexadinta khilaafka.

Laxidhidha: Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Albaabka Ka Furay Ergada Is Xilqaantay

Suldaan Dhawal oo warbaahina la hadlay, wuxuu sheegay in qoraalka kasoo baxay xukuumadda, gaar aaan wasaaradda arrimaha guddaha aaanu waxba ka bedelayn qorshihii ergada dhexdhexaadinta, isla marlaana wallow qoraal ay ka muuqato  sida uu sheegay in hawsha masuuliyadeeda si gaar ah loo siiyay guurtida, balse aannay waxba ka qabin ee ay wada shaqaynayaan Ergada 24 ka koobnayd iyo xubnaha gollaha guurtidu.

“Madaxweynaha iyo gollihiisa wasiirrada shalay ayaanu la kulanay, si fiican ayaan u wada had;ay, waxa naga dhinaatay qaybta Guurtida oo shaqo ku habsaamay, iyagan saaka waanu isu nimi, berina waa wada fadhsiinaynaa subaxnimada, 11 xubnood oo guurtida ah iyo Ergada halkaaa hore loogaga soo dhawaaqay oo 25 xubnood ah, tiradii hore ee kalsoonida la siiyayna waxay ahayd 30 xubnood, laakiin waxa jiray hawlo lagu kala habsaameen.”ayuu yidhi, Suldaan Dhawal.

Laxidhiidha: Maxay Iskula Furteen Kulankii U Horeeyay Madaxweyne Biixi Iyo Ergadu?

Mar uu ka hadlayay qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha guddaha iyo nuxurka uu xanbaarsanyahay, wuxuu yidhi, “Qoraalka kasoo baxay shalay Madaxtooyadda waan ka joogsanay, laakiin maanta mid kale ayaa kasoo baxay wasaaradda Arrimaha guddaha jamhuuriyadda Somaliland, oo sided xubnood ku qoran yihiin masuuliyaddana ay meel keliya siinayaan, waaxaanse sheegaynaa in aan guurtida isla ogolnahay, inta lagu cayimay qoraalka iyo intayada kaleba waan is oggolnahay, waxa loo wada socdaana waa danta iyo dalka oo la wada leeyahay,,” ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Ergada Suldaan Dhawal, oo ka jawaabayay in axsaabta oo hore u sheegtay in aannay kalsooni siin guurtida, ayaa sheegay in ay hadda u socdaan oo ay arrintaa kala hadlayaan axsaabta mucaaradka.

Dhinaca kale, sida lagu sheegay Qoraalka kasoo baxay Xafiiska  Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Maxamed Kaahin Axmed, ayaa lagu sheegay in wasiirka  oo uu wehelinayo Lataliyaha Madaxweynaha Cali Maxamed Warancade  kulan la qaatay xubnaha Gudoomiyaha Gollaha Guurtidu Somaliland Salebaan Maxamuud Aadan usoo magcaabay xalinta khilaafka  xukuumadda iyo axsaabta mucaaradka.

Wasaaradda Arimaha Guddaha ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in ujeeddada kulanku ahaa sida ay xukuumaddu diyaarka ugu tahay in wada hadal lagu dhammeeyo, isla markaana heshiis laga gaadho khilaafka sharci.

Qoraalka wasaaradda arrimaha guddaha, ayaa lagu xusay in Gollaha Guurtidu yihiin Hay’adda xaqa u leh ee shuruucda dalku u jidaysay in ay xaliso muranada sharci iyo kuwa Siyaasadeedba, sidaa awgeed Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, wuxuu saaka shirkan isugu keenay xubnaha Gollaha Guurtida ee geli doona xalinta Khilaafka sharci, kuwaasoo ka kooban 10 xubnood iyo siddeed oo xubnood oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland oo hore  isu xilqaamay, iyaga oo labada dhinac iska arki doonaan sida hawluhu u soconayaan, kulamada danbena waxay ka qabsoomayaan Hoolka Gollaha Guurtida, ayaa lagu yidhi, qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha guddaha.

Magacyada Xubnaha Golaha Guurtida

1- Xil. Suldaan Salebaan Suldaan Cabdiraxmaan
2-Xil. Siciid Cabdilaahi Yaasir
3-Xil. Caydiid Cabdi Maxamed
4-Xil. Salebaan Garas
5-Xil. Muuse Xaaji Cabdi
6-Xil. Sheikh Cabdiraxmaan Cumar
7-Xil. Cumar Nuur Waaye
8-Xil.Muuse Ibraahim Nuur
9-Xil. Maxamed Xareed Roob
10-Xil. Xasan Cumar Axmed

Madaxdhaqameedka

1-Sul. Maxamuud Guuleed Mire
2-Sul. Abuusufyaan Maxamed Muuse Nuur
3-Sul. Abshir Muxumed
4-Sul. Cismaan Baane
5-Sul.Maxamuud Xaaji Xuseen
6.Garaad jaamac Garaad Ismaacil
7.Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal
8- Caaqil Cabdiraxmaan Maxamuud Aadan.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com