Araweelo News Network.

Moscow( ANN)-Maddaxa gollaha ammaanka ee Ruushka ayaa ugu hanjabay Lithuania inay waajahay cawaaqib halis ah, kaddib Talaadadii xannibaadaha ahayd ee lagu soo rogay gaadiidka tareenada ee qaada alaabta Midawga Yurub ( EU-da) ee Ruushku u diro dalalkaa.

Alt: Araweelo News Network

Xayiraadda Tareenada Badeecaddaha sida ee mara Lithuania, ayaa sii mara Kaliningrad, oo ah gobol xuduud la leh Lithuania iyo Poland, balse Ruushka ayaa arrintaa si weyn uga cadhooday, wuxuuna ku hanjabay in ay tallaabo dhalinay cawaab halis ah ay qaadayaan.

“Ruushku hubaal wuu ka jawaabi doonaa ficilladan cadawtinimada leh,” sidaa waxa yidhi, Nikolai Patrushev ka hadlayay shir lagaga hadlayay arrimaha amniga oo ka dhacay Kaliningrad. Sidoo kale, wuxuu sheegay in tallaabooyin ku habboon ay ku jiraan shaqooyinka, isla markaana laga qaadi doono mustaqbalka dhow ee Lithuania.

“Cawaaqibka ayaa saameyn xun ku yeelan doona dadka Lithuania,” ayuu ku yidhi, sida ay soo weriyeen wakaaladdaha wararka Ruushka.

Lithuania ayaa dhankeeda sheegtay inay raacayso keliya cunaqabataynta Midowga Yurub ee duulaanka Moscow ee Ukraine, waxay sabab uga dhigatay tallaabada ay qaaday arrintaa.

Dhanka kale, wasaaradda arrimaha dibadda ee Moscow ayaa u yeedhay safiirka Midowga Yurub u fadhiya caasimadda Ruushka ee Moscow, Markus Ederer, sababo la xidhiidha xiyiraada ka dhanka ah gaadiidka xamuulka ee Ruushka ee isaga kala goosha Kaliningrad iyo dhul weynaha Ruushka.

Xukuumadda Moscow ayaa hoos u dhigtay boqolkiiba 40, sahayda gaaska ee ay siiso dalka Germany, kaas oo ah ka xagga Dhaqaalaha ugu Weyn Yurub.

Kaliningrad waa gobolka dhanka galbeed ugu xigga Ruushka, oo ku yaal Badda Baltic, xaruntiisuna tahay Ruushka Baltic Fleet waana istiraatiiji ahmiyad weyn u leh mandaqada, balse wax xuduud ah lama laha Ruushka, sidaa darteed waa gobol ka go’doonsan dhulweynaha Ruushka.

Dhulka galbeedka Kaliningrad waxa lagala wareegay Jarmalka kaddib dagaalkii labaad ee aduunka 1945 waxaana xuduud la leh dalalka xubnaha ka ah EU iyo NATO ee Lithuania iyo Poland.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com