Su’aalo Ka Dhashay Ninkaa Oo Hore Loogu Xidhay Falkan Siduu Ugu Dhiiraday Mar kale Qorshahaa

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Ciidanka Booliska Somaliland ee Madaarka Hargeysa ( Egal International Airport), ayaa gacanta ku dhigay Nin Masri ah oo muddo ka yar laba sanandood markii labaad doonayay inuu dalka kala baxo xayawaan kala duwan oo mar hore sidan oo kale loogu qabatay .

Ninka Ajaanibka ayaa lagu qabtay xayawaanka Caasha-badhida iyo kuwo kale, isagoo xilligaa doonayay inuu si badheedh ah ugala dhoofo Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa.

Afhayeenka Ciidanka Booliska, Taliye Faysal Xiis oo maabta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Ninkaa oo u dhashay dalka Masar laga soo qabtay Madaarka xilli uu doonayay inuu dalka ugala baxo si tuuga ah xayawaan uu soo qabsaday.

Taliye Faysal ma sheegin magaca Ninkaa ay gacanta ku dhigeen, balse wuxuu sheegay inuu u dhashay dalla Masar , isagoo xusay in sidan oo kale hore loogu qabtay Caasha-badhi iyo xayawaan kale oo si tuuga ah uu dalka doonayay inuu uga saaro.

Booliska Madaarka ku amaanay sida ay hawshaa ugu guulaysteen, isagoo dhinaca kale xusay in muddo yar gudahood ay Boolisku sidan oo kale qabteen dhawr kiis oo dad ajaanib ah doonayeen in ay dalka ugala baxaan xayawaanka.

“Waxa beryahan soo batay dad doonaya in ay dalka khayraadkiisa gurtaan oo ajaanib ah, waxaana la gurtaa Diinka, Caasha-badhida, Dirxiga, Shinbiraha, Ugaadha iyo Harimcadka, waana markii saddexaad ee muddo kooban ciidanku kasoo qabto Madaarka.” ayuu yidhi, Taliye Faysal Xiis, isagoo digniin u diray dadka muwaadiinta ah ee ku hawlan in ay gacan siiyaan dadkaa ajaanibka ah.

Taliye Faysal, wuxuu qiray in ay jiraan kuwo baxsada pp ku guulaysta in ay xayawaanka kala baxaan dalka, wuxuuna isagoo ka hadlaya ninkaa yidhi, “Ninkan wuxuu caadaystay in uu xayawaanka dalkeena gurto, waxaana loo gudbiyanaa kiiskisia xeer-ilaalinta si dacwad loogu soo ooggo, waxaana lagu xusayaa inuu caadaystay.” ayuu yidhi.

Dhinaca kale, Ninka Masriga ah oo March 2020, lagu qabtay 300 caasha-badhi ah, wuxuuna Taliye Faysal xilligaa sheegay in Ninkaasi u sheegay inuu dhawr mar oo hore u dhoofiyay xayawaanka, balse lama garnayo in la xukumay xilligaa oo la mariyay ciqaab iyo si hoose loo sii daayay, maadamaa aan la ogayn in xukun lagu riday xiliggaa iyo in lasii daayay, sidoo kale lama ogga in dalka uu joogay ilaa xilligaa oo hawshiisa uu watay iyo in laga saaray, isla markaana ma cadda sida uu dalka kusoo laabtay haddii Ninkaas laga saaray dalka, dhamaan su’aalahaa ayaa noqday kuwo ay Bulshadu is weydiinayaan ioo aan jawaab loo hayn.

Sidoo kale, waxa su’aalo ka dhasheen kalsoonida Ninka Masriga ah, iyadoo dad baddani rumaysan yihiin in haddii xukun ciqaab ah uu hore ula kulmay ay adkaan lahayn inuu mar kale kusoo dhiirado inuu hawshiisa ugaadhsiga sii wato, isagoo weliba doonaya inuu si badheedh ah uga dhoofo Madaarka Hargeysa,, dhamaan arrimahaasi waxay muujinayaan in ay jirto kalsooni iyo isku halayn weyn oo uu qabo ninkaasi iyo in ay jirto cid gacan siinay oo xidhiidh la leh, ama qayb ka ah hay’addaha dawladda, waxayna su’aalahaasi noqdeen kuwo jawaabtooda laga sugayo Hay’addaha amniga iyo xeer-ilaalinta dalka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com