Araweelo News Network.

Hargyesa(ANN)-Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed oo maanta qaaday Ololaha nadaafadeed ee toddobaad walba lagu fuliyo maalinta Khamiista Magaaladda Hargeysa, ayaa nadiifiyay xabaalaha waqooyiga Magaaladda ee uu maamuli jiray Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo oo maalmihii lasoo dhaafay geeriyooday, isla marakaana lagu aasay xabaalaha uu aasaaskooda iyo maamulkoda lahaa.

Alt: Araweelo News
Goob ka mid ah goobaha ugu badan Hargeysa, oo Maayarka Caasiamdda cabdikariim Axmed Mooge dhisay Image Araweelo News 28 July 2022.

Mayaarad Cabdikariim oo ay weheliyaan masuuliyiinta dawladda hoose iyo xubnaha gollaha deegaanka qaarkood, isla markaana taageero ka helaya shacbiga Magaalada ayaa gebi ahaanba nadiifiyay xabaalahaa oo laga ururiyay tan oo xashiish ah.

Ololaha nadaafadeed ee Maayarka oo bilawgii markii uu xilka la wareegay ku bilaabay dooxa weyn ee maagalada Hargeysa oo xilligan noqday goob bilicdiisa la majeerto, ayaa sidan oo kale xabaalaha uga fuliyay mar hore hawl nadiifin ah xabaalaha waqooyiga Magaalada ee Bacqiiq oo laba qaybood ah, kuwaas oo qaybtii hore mar hore buuxsantay.

Alt: Araweelo News
Goob ka mid ah goobaha ugu badan Hargeysa, oo Maayarka Caasiamdda cabdikariim Axmed Mooge dhisay Image Araweelo News 28 July 2022.

 Maayar Cabdikariim Mooge oo dedaalkiisa soo jiitay bulshada, ayaa sidoo kale maanta xadhiga ka jaray goob si weyn u muujisay bilicda iyo quruxda magaalada oo si farshaxan ah loo nasdhqadeeyay, isla markaana loo diyaariyay goob qurxoon oo xadiiqad ah oo soo jidanay indhaha.

Goob ka mid ah goobaha ugu badan Hargeysa, oo Maayarka Caasiamdda cabdikariim Axmed Mooge dhisay Image Araweelo News 28 July 2022.
Maayarka Caasiamdda cabdikariim Axmed Mooge dhisay goob qurxoon oo xadiiqad ah, Image Araweelo News 28 July 2022.

 Goobtaa oo ka mid ah goobaha muraayada ah ee albaabka laga soo galo caasimada marka laga yimaado Madaarka Caalamiga ah ee Egal International Airpot, ayaa ahayd meel indhuhu ka lalayeen markii hore, balse qaabka loo qurxiyay ayaa ka dhigay mid qof kasta oo mara soo jiidanay oo uu indhaha la raacayo, waxayna dhlinyarada magaaladu munaasibada loo qabatay dhamaystirka iyo qurxinta goobtaa durba bilaabeen in ay ku galaan sawiro, halka kuwo kalena ay danaynayeen in ay ku nastaan.

Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka Jaamac Muuse Jaamac oo ka hadlay goobta ayaa si weyn usoo dhoweeyay in magaaladu yeelato goobo sidan oo kale ah oo qurxoon, wuxuuna ku amaanay Maayar Cabdikariim Mooge iyo gollaha deegaanka dedaalka ay wadaan ee casriyaynta caasimadda Hargeysa, isagoo ka sheekeeyay sidii ay ahayd goobta la qurxiyay wixii ka horeeyay dhismaha iyo qaabka loo nashqadeeyay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com