Araweelo News Network.

Ky iv(ANN)-Dalalka Yurub, ayaa ka walaacsan xaaladda dagaalka Ruushku ku qabsanayo Magaalooyinka dalka Ukraine iyo dhulka istiraatiijiga ah ee ay ku yaaliin warshaddaha muhiimka ah ee intooda baddan la dhisay xilligii Midawgii Soofiyeeti.

Laxidhiidha: Gantaalaha Maraykanka Ee HIMARS Maxay Ka Beddeleen Dagaalka Isbalaadhinta Ruushka

Warar ka hadlaya xaaladda dagaalka oo laga soo weriyay Sirdoonka milliteriga Britain ayaa sheegay in calooshood u shaqeystayaal ka tirsan shirkaddaha gaarka ah ee Ruushka laga leeyahay ee Wagner ay qabsadeen dhul u dhow warshadda Laydhka ee Vuhlehirsk maalmihii la soo dhaafay.

Saldhigga tamarta ee Ukraine oo la dhisay xilligii Sofiyeedka ayaa ah khasaarihii ugu dambeeyay ee gobolka Donbas ee dhanka Bariga ee Ukraine.

Qabsashada warsahddan ayaa kusoo beegantay xilli uu Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy uu sheegay in dalkiisu isku diyaarinayo inuu kordhiyo Laydhka uu dalalka Midawga Yurub u dhoofiyo, si ay wax uga tarto arrintaasi talalabada Ruushku ku doonayo inuu ka jaro gaasta iyo Tamarta, taas oo wer wer iyo walaac weyn ku haysa dalalka Yurub.

Xukuumadda Vladimir Putin ee Ruushka ayaa dalalka Yurub ku ciqaabay in ay saadka iyo tamarta ka jaraan marka la gaadho xilliga jiilaalka, waxayna talaabadaa ku tilmaameen dalalka Yurub mid Ruushku ku doonayo aargoosi siyaasadeed, balse ay muujinay cawaadad xun oo axmaqnimo ah.

Ukraine ayaa dhawaan si cad u sheegtay inay doonayso inay dib u qabsato magaalada dekedda leh ee Kherson ee Koonfurta, taas oo Ruushku haysto balse ku taal meel ka durugsan meelaha ay Moscow ku leeyihiin ciidankoodu awoodda .sida Donetsk iyo Luhansk.

Buundada muhiimka ah ee Ruushka uu haysto ayaa ku taal Kherson waxayna Ukraine markii ay gantaalaha HIMARS ka heshay Maraykanka dhiwaan waxay isku dayday in ay ku garaacdo weerar rogaal celis ah oo lagu doonayay in dib looga qabsado gobolka Koonfureed ee Ruushka.

Hase yeeshee Buundada ayaa ah meesha ugu weyn ee laga gudbo wabiga Dnieper ee gobolka Kherson waxayna lama huraan u tahay dariiqyada dib loogaga saari karo ciidamada Ruushka gobolka.

Ruushka ayaa ku jira dagaal dhaqaale iyo mid Millateri, wuxuuna dagaal dhaqaale ku hayaa dalalka Yurub., iyadoo Moscow si ba’an u jartay sahayda gaasta dhinaca dlalalka Yurub, isla markaana waxay hoos u dhac 80%., taas oo dalalka Yurub si dhab ah ugu riixay hoos u dhac dhaqaale oo weyn oo saamayn xun ku yeelata nolosha dadka reer Yurub, isla markaana xaaaldda ja dhigta mid qalafsan.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com