Araweelo News Network.

Saldhiga Abha Oo duqayn Lala beegsaday

Yemen(ANN)-Af-hayeenka ciidamada Yemen ayaa sheegay in gantaal cusub oo ay soo rideen ciidamada Xuutiyiinta iyo dagaalyahanno ka socda kooxaha Caanka ah ee Yemen lagu bartilmaameedsaday saldhig milatari oo xasaasi ah oo dalka Sucuudiga ah.

Wuxuu sheegay in gantaalkaa ay ku bartilmaameedsadeen  Garoonka diyaaraddaha ee Abha ee Boqortooyada Sacuudiga, isla markaana lala beegsaday bartii loogu tala galay.

 

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Yemen ee al-Masirah, Yaxya Saree ayaa  sidaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay isniintii  bartiisa Twitter.

“Yahya Saree, ayaa sheegay in Ciidamada Yemen ay u adeegsadeen gantaalka oo ahaa mid cusub weerarka, kaas oo sida uu sheegay lala beegsaday bartilmaameed millateri oo xasaasi ah oo ah garoonka diyaaraddaha Sucuudiga ee Abha.

weerarka cusub, ayuu ku macneeyay mid la jaan qaadaya xaquuqda sharciga ee Yamaniyiinta ee ah inay iska difaacaan wajahaada duulaanka uu hogaaminayo Sacuudiga iyo xulufadiisa. sidaa awgeedna uu yahay  ka jawaab celinta xayiraada sii socota ee ay ku soo rogeen dalka Sacuudiga iyo xulafadiisu Yemen.

Dhinaca kale,Isbaheysiga uu hogaaminayo Sacuudiga ayaa sheegatay galinkii dambe ee Isniinta in ay qabteen oo ay burburiyeen gantaal ballistic Yemen ah oo laga soo tuuray dhanka magaalada Khamis Mushait iyo diyaarad Drone ah oo lagu soo riday dhanka koonfurta boqortooyada Sucuudiga.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, ciidamada Yemen iyo dagaalyahannada ka socda kooxaha Guddiyada Caanka ah waxay kordhiyeen weerarada diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn iyo kuwa gantaalaha ee lala beegsanayo bartilmaameedyada millateriga iyo rmarinada saliida ee ku teedsan gudaha Sacuudiga.

Weerarada, ayay ku macneeyeen Xuutiyiintu iin ay  yihiin kuwo lagaga aargudanayo duulaanka ay ku sheegeen gardarrada ee Riyadh, kaas oo ka dhan ah waddanka saboolka ah ee Yemen iyo guud ahaan go’doominta lagu soo rogay, iyadoo ay dhibaatooyin duqaymo iyo weeraro Sacuudiga iyo xulufadiisu ka wadeen dalka Yemen tan iyo March 2015, iyada oo ujeedadu ahayd in la xakameeyo kacdoon dadweyne oo xuutiyiintu hoggaamianyeen, kaas oo meesha ka saaray nidaamkii xukuumaddii Madaxweynihii hore Cali Cabdale Saalax iyo ku xigeenkiisii Abdrabbuh Mansur Hadi oo markii danbe iskaga cararay Magaalada Sanca muddo kooban markii lagu heshiin waayay dhismaha dawlad loo dhan yahay.

Ciidamada Xuutiyiinta Yaman iyo kooxaha caanka ah ee xulafada ah ayaa tan iyo xiligaa waday dagaal ay iskaga difaacayaan xulufada Sacuudig, waxayna awooddi waayeen in ay qabsadaan  Yemen, gaar ahaan dhanka Woqooyiga ee Caasimada Sanca.

Hase yeeshee burburka dagaalka oo sababay dhimasho boqolaal qof oo u badan caruur iyo waayeel, ayaa sidoo kale abuuray dhibaatooyin caafimaad, isla markaana waxa duqaymaha Sucuudiga iyo xulufadiisa lagu bur-buriyay goobaha Caafimaadka, Adeegyada goobaha Waxbarasho, masaaniicda  iyo meelo taariikhi ah.

Kumaan qof ayaa ka qaxay dalka Yemen tan iyo 2015, waxayna Sacuudiga iyo xulufadiisu ka abuureen dalka Yemen dhibaato bina-aadamnimo.

Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in ka badan 24 milyan oo Yemeniyiin ah ay  u baahan yihiin gargaar bini’aadanimo, oo ay ku jiraan 10 milyan oo la ildaran heerar gaajo aad u daran.

Hay’adda Qaramada Midoobay iyo Hay’addaha kale ee arrimaha gargaarka ka shaqeeya waxay sidoo kale tilmaamayaan in xaaladda Yemen inay tahay dhibaatada adduunka ugu xun ee bani’aadamnimo,  balse waxay ku guuldaraysteen in ay xal u helaan si loo joojiyo dagaalka daba dheeraaday, isla markaana loo xakayn lahaa masiibada bini’aadanimo ee ka taagan dalka Yemen.