Araweelo News Network.

“Wixii aan soo aragnay iyo wixii aan qornay ragga Soomaaliyeed may Akhriyin”

#Djibouti(ANN)-Madaxweynaha Dalka Djibouti, ayaa ka hadlay xidhiidhka dawladda Federaalka ee Somaaliya oo dhowaan khilaaf soo dhexgalay, kaddib markii guddi ka socota Urur Gobolleedka IGAD oo xal u raadinayay Khilaafka xumaaday ee Soomaaliya iyo Kenya ay warbixin kasoo saareen.

Warbixintaa oo xukuumadda Federaalka Soomaaliya si xun eedaymo ugu xanbaarisay dawladda uu hoggaamiyo Madaxweynaha Dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle.

Hase yeeshee Madaxweyne Geelle oo markii u horaysay la weydiiyay waxa ay xukuumaddiisu kaga jawaabay dhaleecaynta xukuumadda Soomaaliya ee ka dhalatay warbixinta guddidii booqatay Mandheera oo ah xadka Soomaaliya la wadaagto dalka Kenya dabayaaqadii December,  2020.

 

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuu arrimahaa iyo kuwo kale kaga hadlay Waraysi uu siiyay Idaacadda BBC, laanteeda Af-soomaaliga.

“Xidhiidhka Soomaaliya iyo Kenya way ku khasban yihiin in ay wada shaqeeyaan, in ay xidhiidh fiican yeeshaan oo ay is is ixtiraamaan.”

Madaxweyne Geelle, wuxuu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in ay dadku wax wada qabsadaan oo ay wada noolaadaan sidii ay weligoodba u wada noolaayeen.

 

AKHRI: Djibouti Oo Guddi Soo Qiimaysa Xiisaadda Muranka Soomaaliya Iyo Kenya

“Khilaafku wuu yimaadaa wuuna baxaa  dadkuna waa dad wada dhashay, derisna way yihiin, dadkuna ma guurayo dalkuna ma guurayo” ayuu yidhi, Madaxweynaha Dalka Djibouti oo ka jawaabayay khilaafka Soomaaliya iyo Kenya.

 

Mar la weydiiyay Madaxweyne Geelle in sababta dawladda Djibouti warbixinteeda ugu xaglisay dhanka Kenya ay la xidhiidho, sida Soomaaliya ku dooday, loo fasirtay in Djibouti ka cadhootay xidhiidhka ay dawladda Federaalka la samaysay Eretria oo aannu  xidhiidhka u dhexeeya Djibouti wanaagsanayn.

 

“ Soomaali iyo Djibouti cid kala kaxayn kartaa ma jirto, guddidana shir madaxeedkii  IGAD, dalab uu dalbaday Madaxweynaha Soomaaliya ayay ahayd hawshan, waxaana la yidhi, “idinkaa ugu dhow ee soo eega annaguna waa diidi karaynay. Laakiin walaalnimo na qaaday.” Ayuu yidhi, Madaxweyne oo ku qoslay su’aasha laga weydiiyay arrintaa ee lala xidhiidhay in ay Djibouti ka cadhootay cilaaqaadka dalka Soomalaiya la yeeshay dalka Eritrea.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuu isagoo la hadlaya jawaabta ay dawladda Soomaaliya ka bixisay warbixinta guddida IGAD, yidhi, “Wixii aan soo aragnay iyo wixii aan qornay ragga soomaaliyeed may akhriyin runtii, mana garanayaan wixii ku dhex jiray arrintaa” ayuu yidhi.

Wuxuuna intaa raaciyay Madaxweyne Geelle in la qabanayo shir madaxeed IGAD ah oo arrintaa lagu faaqidayo, isagoo xusay in ay sidaa ugu qoran tahay warbixinta.

“Ma ganayo sababta arrintaa loo buun-buuniyay, annigu waan iska diiday jawaab iyo waxaas laga bixiyo, sababtoo ah dabka haddii lasii huriyo dhibaato ayuun buu keenayaa.” Ayuu yidhi, Madaxweynaha Dalka Djibouti.

 

Dhinaca kale, Madaxweyne, Geelle, ayaa ka jawaabay su’aalo la xidhiidha doorashada dalkiisa, cabashada mucaaradka iyo dadka xabsiyada ku jira ee ka mid yahay Fu’aad Yuusuf Cali.

Weriye Bashiir Maxamed Caato oo ka tirsan Idaacadda BBC ee Soomaaliga, ayaa su’aalo kulul weydiiyay Madaxweyne Geelle oo markii shanaad u tartamaya inuu hoggaamiyo dalkaa oo ah ka ugu yar ee ku yaal dalalka geeska Afrika, wuxuna tallada dalka soo hayay tan iyo 1999.

Wallaw la filayay inuu Madaxweyne Geelle markan aannu tartamayn sida uu hore u sheegay, balse mar uu weriyaha BBC, weydiiyay wuxuu, sheegay sababta uu weli u tartamayaa ay taahy  rabitaan ka yimi bulshada.

“Annaga oo aan hadlin dadka iyaga ayaaba codsaday in aan mar kale tartamo oo ilahaa joog oo ha tegin, sidaa daraadeed waxaan go’aansaday in aan tartamo markii ugu danbeysay” ayuu yidhi Ismaaciil Cumar Geelle.

AKHRI: Soomaaliya Oo Djibouti Ugu Baaqday In Raaligelin Laga Bixiyo Warbixinta Laga Soo Saaray Khilaafkii U Dhexeeyay Kenya

Madaxweynaha ayaa intaai ku daray inuu gaboobay, isla markana  shaqada uu hayaa ay ku wanaagsan tahay dhallinyaradu inay qabtaan. Marar hore ayuu madaxweynuhu sheegay in aanu  tartami doonin xilka doorashada, balse taasi hada meesha waa ka baxday.

Madaxweyne Geelle, ayaa la weydiiyay xadhiga Fu’aad Yusuuf , ayaa ku dooday in uu yahay denbiile, wuxuuna sheegay in aannay  xadhiga qof denbiile ah oo la xidhaa ahayn i n dadka la cabudhinayo, isagoo meesha ka saaray in ay jiraan siyaasiyiin Tayo leh oo miidaanka imanaya.

Dhinaca kale mucaaradka ayaa arintan u arka mid muujinaysa ku tagri fal awoodeed madaama uu hadda isaga xafiiska maamulo iskuna arkayo in uu doorashada u maamuli karo sidii uu doono.

Waxaa sidoo kale jiray warar sheegayay in shacabka leyska hortaagay dibadbaxyo todobaadkii la so dhaafay, kuwaas oo la doonayay in lagu muujiyo diidmada in Geelle uu markii shanaad u tartama xilka.

 

 Eeedaha Mucaaradka

 

Mucaaradka ayaa ku eedeyay madaxweyne Geelle inuu is hortaagay meel marinta heshiis ay mucaaradka iyo dowladda wada gaadheen 2014, kaas oo ay isku afgarteen in la alkumo guddi madax bannaan oo howshiisu tahay diyaarinta doorashooyinka

“Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa arrimahaasi(doorashooyinka) ka shaqeysa. Guddi madax banaanna wuu jiray, wuuna jiri doonaa. Heshiiska nimankaas iyaga uun ayaa ka baxay. Mar alaale iyo markay dareemeen in aanay waxay rabaan u suuroobeynin ayay durbaan qaataan oo ay meel walba ka qeyliyaan. Doorashada marka la gaara uu nbaa la arkaa.. Sidaasna wax laguma helo”, ayuu yidhi, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Wasiirka arrimaha gudaha Muumin Axmed ayaa sheegay in qeybinta kaadhadhka codbixintu  billaabatay 25-kii February ay “si wanagsan u socoto” siina socon doonto ilaa iyo 8-da April.