Araweelo News Network

dhismahamaxkamaddasareHargeysa (ANN)Maxkamadda Dastuuriga ah, ahna Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa go’aan ka soo saartay khilaafka xisbiga mucaaridka ee UCID oo dhexeeyey laba dhinac oo ay kala hoggaaminayaan Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen, go’aankaas oo dhinacyadu si buuxda ugu wada qanceen

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa go’aankan kaga dhawaaqay fadhi buuxa oo ay ka qaybgaleen dhammaanba xubnaha garsoorayaasha Maxkamadda Sare gelinkii hore ee shalay, halka ay sidoo kale goob-joog ahaayeen labada dhinac ee khilaafka UCID u dhexeeyey iyo marti-sharaf kale oo badan.
“Maxkamaddu markay dhegaysatay dood-afeedka qareennada racfaanlaha (Faysal Cali-waraabe). Markay deristay heshiiska ku taariikhaysan 12/07/2012 ee ay wada geleen labada dhinac ee kala ah; Xisbiga UCID oo dhinac ah iyo dhinaca kale oo ah garabka UDUB ee uu hoggaaminayey Jamaal Cali Xuseen. Marka ay deristay Go’aanka Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee summaddiisu tahay G/D/U/AA/3/229/2016 ee ku taariikhaysan 21/07/2016.
Markay aragtay qodobbadda 25 (2) iyo 29, xeer Lr. 14/2011 iyo qodobbadda 12 (3), 26(1) ee xeerka xisbiga UCID. Markay tixgelisay dhammaanba asbaabaha kor ku xusan waxay soo saartay xukunkan soo socda:
Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland;
1. Waxay qayb ahaan aqbashay asbaabta racfaanka ee racfaanlaha iyo qareennadiisa ee ku taariikhaysan 13/08/2016 iyo dood-afeedkoodaba;
2. Waxay sidoo kale qayb ahaan aqbashay jawaab-celinta asbaabta racfaanka ee racfaansanayaasha iyo qareennadooda ee ku taariikhaysan 26/08/2016 iyo dood-afeedkoodaba;
3. Waxay burisay qodobka 3aad ee go’aanka Guddida Diiwaangelinta iyo Ansixinta Axsaabta qaranka ee summaddiisu tahay G/D/U/AA/3/229/2016 ee ku taariikhaysan 21/07/2016;
4. Waxay wax ka beddeshay qodobbadda 1aad iyo 2aad ee go’aanka Guddida Diiwaangelinta Ururrada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee summaddiisa iyo taariikhdiisuba sare ku xusan yihiin
5. Waxay xukuntay:
a. In Xisbiga UCID uu qabsado shirweyne aan caadi ahayn muddo lixdan maalmood gudahood ah oo ka bilaabmaysa maanta oo taariikhdu tahay 25/09/2016 [shalay], sida uu dhigayo qodobka 25aad, farqaddiisa 2aad ee xeer Lr. 14/2011, si loo horgeeyo heshiiska ay labada dhinac wada galeen;
b. In ergada shirweynaha aan caadiga ahayn loo raaco xeerka xisbiga UCID, sida uu dhigayo qodobka 12aad, farqaddiisa 3aad ee xeerka xisbigu;
c. In labada garab hawlgeliyaan guddi qabanqaabo, sida uu dhigayo heshiiskooda ee ku cad qodobkiisa 4aad.
6. Guddida qabanqaabada shirweynaha aan caadiga ahayn tiradoodu waxay noqonaysaa 10 xubnood oo ay si isle’eg u soo magacaabayaan labada dhinac, waxana marjac u noqonaya hoggaanka sare ee xisbiga UCID, wuxuuna hoggaanka sare ee xisbigu yeelanayaa awoodda go’aannada kama dambaysta ah
7. Waxay ayidday qodobbadda 4aad, 5aad, 6aad, 7aad ee go’aanka Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee summaddiisa iyo taariikhdiisuba sare ku xusan yihiin.
8. Xukunkan waxa loo cuskaday qodobbadda 25 (2) iyo 29aad ee xeer Lr. 14/2011 iyo qodobbada 12 (3), 26(1), xeerka xisbiga UCID iyo heshiiskooda
9. Dhinacna wax kharash ah looma soo qaadin.
10. Xukunkan waxa uu soo baxay maanta (shalay) oo taariikhdu tahay 25/09/2016.
Guddida garsoorka:
1. Aadan Xaaji Cali Axmed…….Guddoomiye
2. Maxamed Cumar Geelle………xubin
3. Yaxye Cali Idiris………….. xubin
4. Cabdillaahi Cabdi Aadan……xubin
5. Cabdiraxmaan Xasan Nuur…..xubin
6. Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan…..xubin
7. Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan….xubin
8. Cali-shucayb Sheekh Ibraahim Nuur…xubin
9. Axmed Diiriye Qaalib……..xubin
10. Maxamed Faarax Siciid….xubin
11. Cabdiqaadir Axmed Maxamuud….xubin,” ayaa lagu yidhi qaraalka lagu faafiyey xukunka Maxkamadda Sare ka soo saartay khilaafka xisbiga UCID.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo markii xukunku soo baxay saxaafadda la hadlay, ayaa ku tilmaamay go’aanka Maxkamadda Dastuuriga ah guul u soo hoyatay qaranka Somaliland iyo xisbigiisa.
“Laba jeer ayaa lagu soo duulay xisbiga UCID oo la damcay in saaxadda laga saaro, markanna waa markii labaad, markastana waxaannu ku baxsanaa niyad-wanaagga aannu u hayno Somaliland. Go’aankani waxa uu raacay wixii aannu annagu markasta lahayn. Marnaba maanu diidanayn in aannu heshiis la galnay Jamaal iyo toddobadii qof ee ka yimmi UDUB, marnaba maannu diidanayn in Jamaal nala shaqeeyey markii xisbigu soo baxayey, laakiin waxaannu mar kastaba lahayn heshiiska ha la raaco oo waxa heshiisku dhammaystirmayaa marka la horgeeyo shirweyne aan caadi ahayn oo xeerkiisa la raacayo,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.
Waxa uu intaas raaciyey, “Markii aannu Jamaal ka dhignay murrashaxa bishii July 2012 wuxuu ahaa ku-meel-gaadh, laakiin waxaannu doonaynay in aannu sharci ka dhigno. Golihii Dhexe waannu fadhiisiinnay oo waannu ku ansixinnay, aniguna waan u codeeyey, balse shirweynihii aan caadiga ahayn ayaa laga soo horjeeday… Waa in aynu ixtiraamno xeerka iyo sharciga aynu dhigannay.
Hadda waxa la isugu soo noqday waxa weeye in la qabto shirweyne aan caadi ahayn oo loo raaco xeerka xisbiga UCID, waxana ka soo qaybgelaya Golihii Dhexe ee ergadii ka qaybgashay shirweynihii saddexaad ee xisbiga (ee qabsoomay sannadkii 2012), hoggaanka xisbiguna waa hoggaankii halkaas lagu doortay.”
Guddoomiye-ku-xigeenka 3aad ee UCID Md. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray) iyo murrashax Jamaal Cali Xuseen oo iyaguna saxaafadda la hadlay, ayaa iyaguna dhankooda soo dhoweeyey go’aanka Maxkamadda Dastuuriga ah ka soo saartay khilaafka xisbigooda.
“Damaca meesha yimmi ayaa sababay in ilaa Maxkamadda la isla galo, waanna nasiib-darro oo ma ahayn in Maxkamad la isla yimaad oo in qof walba halkiisa ku iimaansado ayey ahayd, laakiin way wanaagsan tahay in sharciga la raaco, go’aanka soo baxayna (shalay) wuxuu ahaa heshiiskiinnii ayaad hirgelinaysaan, mana ah heshiis ayaa la diidi doonaa iyo xisbiga ayaa la is qiimaynayaa. Heshiis ayaa la galay, heshiiskaasna waa la hirgelinaynaa weeye macnaheedu, waana go’aan maxkamadeed oo guddi qabanqaabo oo labada dhinac ah ayaa hirgelinaya oo diyaarinaya shirweynaha aan caadiga ahayn, arrintaasna waannu u hoggaansamaynaa qaybtayada oo shirweynaha ayaannu u diyaar-garoobaynaa, waanan ku qanacsanahay.” Sidaa waxa yidhi Jamaal Cali Xuseen oo tilmaamay inuu ka xun yahay in khilaafka xisbiga UCID gaadho ilaa heer maxkamadeed.
Guddoomiye-ku-xigeenka 3aad ee UCID, Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray), ayaa isna caddeeyey in nuxurka dacwaddoodu ahayd sidii loo badbaadin lahaa xisbiga, “Heshiiskani (go’aanka Maxkamaddu) kama sal-guurin badbaadintii xisbiga UCID, waxaannu ku soo biyo shubanayaa in labada dhinac ay si wadajir ah u dhaqangeliyaan heshiiskii ay wada galeen sannadkii 2012, heshiiskaas oo ahaa kii aannu isku haysanay murrankuna ka dhashay, waxa kale oo go’aankani caddaynayaa in guddida qabanqaabada ee 10-ka xubnood ka kooban uu marjac u noqonayo hoggaanka sare ee xisbiga UCID, hoggaanka sarena waa Guddoomiyaha (Faysal Cali-waraabe), Guddoomiye-ku-xigeenka 3aad oo anniga ah, Ku-xigeenka Xoghayaha Guud oo ah Cabdinaasir Qodax, saddexdaas xubnood ayaanna ka jooga hoggaankii xisbiga oo ka koobnaa lix xubnood.”
“Haddaba, haddii aannu labadayada dhinac diyaar u nahay in aannu dib u soo celinno bahweyntii xisbiga UCID, waxa khasab ah in caqligu shaqeeyo, mana aha hebel ayaa adkaaday iyo hebel ayaa laga adkaaday, halkana waxa taal dan qaran iyo badbaadin xisbi qaran, waxayna arrintan fursad noo siinaysaa in aannu dib uga soo kabano murankii jiray, maanta oo ay Maxkamadda Sare go’aan soo saartayna wuu dhammaaday khilaafkii xisbiga UCID,” ayuu yidhi Cali-guray.