Taageeradii Sallaxlay Ee Muuse Biixi, Badheedhihii Cali Warancadde iyo Cabdillaahi Cukuse

Araweelo News Network

Gudoomiye Muuse Biixi iyo wefdiga

Gudoomiye Muuse Biixi iyo wefdiga

Hargeysa(ANN) Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa socdaal la xidhiidha wacyigelinta diwaangelinta codbixiyayaasha ku soo maray degmooyinka Laas-geel, Cadaalay, Sabowanaag iyo Sallaxlay ee bariga iyo koonfurta Gobolka Maroodi-jeex ee hirgelinta kaadhka codbixintu ka socoto hadda.
Weftiga uu horkacay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir-ku-xigeenka Xannaanada Xoolaha Md. Cali Maxamed Cilmi, Badhasaab-ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex Rashiid Nuur, madaxda sare iyo saraakiil ka kala tirsan xisbiga iyo xukuumadda, waxay socdaal qaatay muddo laba maalmood ah waxay kormeer dhiirrigelinta qaadashada kaadhka ah ku gaalaabixiyeen deegaannada hoos yimaada afarta degmo ee ay mareen, iyadoo bulshada ku dhaqan jiidahaasina si ballaadhan u soo dhaweeyeen weftiga, isla markaana waxa goobo fagaareyaal ah kala hadlay masuuliyiinta booqday oo uga warramay faa’iidada is-diiwaangelintu u leedahay deegaamadooda iyo guud ahaan Qaranka Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi oo muhiimada diiwaangelinta ka hadlay shacabka degmooyinka uu maray, waxa uu sheegay in diiwaangelintu tahay xuquuq shakhsi iyo mid qaran oo saaran muwaadin kastoo Somaliland ah, isagoo uga digay dad uu xusay inay shaki ku abuurayaan is-diiwaangelintan, “Qofka leh maanta yaan la is diiwaangelin oo doorasho ha galina waa Somaliland diid, waxa weeye Somaliland yaanay jirin, xukuumaddeedu yey jirin, waxaana laga yaabaa halkii aynu ka xorownay inuu dib inoogu jiidayo oo qaar badan baa taa ku soo gabbanaya, waayo qofkaasi wuxuu leeyahay ha tashanina, taasina waa dawlad ha yeelanina oo macnaheedu yahay kala yaac iyo fowdo gala.
Qof waliba waa u xor xisbiyada ka uu dooranayo kii ay isaga la noqoto inuu dalka u roonyahay, maanta uma soconno olole ee waxaynu dhisaynaa qarankeenna oo wax innaga wada dhexeeya ayeynu ka wadahadlaynaa oo ah kaadhka aynu qaadano, dalkeenna aynu dhisanno, madaxdeenna aynu dooranno,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi, waxaannu intaa ku daray hadalkiisa, “Markay diiwaangelintu dhammaanto haddii Alle yidhaah ee ololuhu bilaabmo ayaanu idinku soo noqon oo nin waliba wuxuu wado iyo wuxuu wax ku doonayo ayuu sheegi, markaasaa la kala shirrabi ragga, kolkaa qof waliba ka uu ku qanco ayuu codka siin doonaa.”
Dhinaca kale, dadweynaha iyo odayaasha ku dhaqan deegaannada weftigu kormeerka u maray, ayaa taageero baaxaadle u muujiyey murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay u ballanqaadeen inay codkooda la barbartaagan yihiin si uu u noqdo hoggaamiyaha dalka ee kadib Madaxweyne Siilaanyo.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancadde oo ka mid ahaa weftigaasi, ayaa shacabka reer Somaliland ku boorriyey inay ku doortaan murrashax Muuse Biixi abaalka uu ku leeyahay dalka, waxaannu yidhi, “Waa maalintii aad miisaami lahaydeen cidda idin hoggaaminaysa, sidaa awgeed idinkoon wax kale ku raacin waa inaad ku raacdaan miisaanka uu leeyahay qofka innaga hoggaaminayaa oo aanay wax kale idin duwin, markaynu madaxdeena kala dooranayno waxaynu u baahannahay in aynu qofka baadhno oo aynu nidhaahno ebel muxuu yahay, muxuu soo qabtay, ma nin adhigiisa raacda ayuu ahaa, ma dukaanleh ayuu ahaa, ma nootaayo ayuu lahaa? Waxyaabaha aynu maanta ku faanayno ee ah in xornimadii dalkeennii soo noqotay, inkastoo anigu aan yar habsaamay, raggii soo xorreeyey ee u soo halgamay ee naftooda u soo huray ee sharaftii innaga luntay lixdankii ku dagaallamay ee maantana madaxda ka ah, berrina qordinaya inaad dadka u eegtaan kitaabkaa qoran ee Somaliland ah ayaa loo baahanyahay, in nin waliba weelka uu bulshadan u dhigtay sow in wax loogu rido maaha, haddaynu mid moqorafad halkan ka soo qaatay een…arrinteenu maaha inay noqoto anigana dhiisha ii qabo.”
“Waxaynu u baahannahay in aynu dadkeenna kala shaandhayno oo ciddaynu wax ku aaminaynaa wuxuu soo ahaa, maaha muxuu naftiisa u qabtay ee waa muxuu ummadda u qabtay. Markaa waxaan leeyahay maanta waxaynu u baahannahay in aynu isugu abaalgudno sidaynu u kala mujaahidsanahay, kii u waynaa oo ah Axmed Siilaanyo wuu inoo hayaa, kii ku xigayna waakan i ag fadhiya (Muuse Biixi),” ayuu yidhi Md. Cali Warancadde.
Sidoo kale, shacabka, odayaasha iyo waxgaradka ku nool degmada Sallaxlay iyo degaamada hoos yimaada ee ay ka mid yihiin Kaam Tuug, Labi-sagaale, Ina Guuxaa, Qool Buullale iyo Balliga Cas, ayaa si gaar ah soo dhawaymo waawayn iyo taageero ballaadhan ku qaabilay Guddoomiye Muuse Biixi oo isaga iyo weftigiisu xalay (Jimcihii) u hoyday magaalada Sallaxlay.
Sidoo kale, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa u soo jeediyey reer Sallaxlay inay u diyaargaroobaan sidii ay u dooran lahaayeen murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE.
“Waxaad maqli jirteen madaxweynayaal la yidhaahdo dhab-libaax bay ku seexdeen, haddaba Muuse Biixi dhabtii hooyadii ayuu xalay (Jimcihii) ku seexday, Sallaxlay buu seexday, mana jiro guddoomiye xisbi oo idinkoo is-diiwaangeliyana idinla seexday oo yidhi waan idiin dub-jirayaa oo waxaan idinu dhiirrigelinayaa inaad is-diiwaangelisaan, codkaana isagaa iska leh oo tacab baa ka galay.
Meel bani’aadam ku ammaan helo oo uu ku nasto oo uu ku farxo oo uu naxariis ka helo waxa ugu wanaagsan dhabta hooyada, Muuse-na hooyo ayeynu u nahay. ,” ayuu yidhi Wasiir Cukuse oo hadal ka jeediyey xaflad lagu soo dhawaynayey Guddoomiyaha KULMIYE oo lagu qabtay magaalada Sallaxlay maanta (Jimce).
Ugu dambayntii, Md. Muuse Biixi ayaa ka mahadceliyey taageerada ay la barbar-istaageen reer Sallaxlay oo uu sheegay inuu horeba u tirsanayey codkooda oo uu ku faanayo.