“Isbeddel la’aanta siyasiyiintu wali dadkii hortaagan yihiin waxa tallaabo Wanaagsan inoo qaaday madaxweynaha Axmed Siilaanyo’
Md. Jamaal Cali Xuseen

Araweelo News Network

jamaal Ali Xusen
Hargeysa (ANN) Murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Md. Jamaal Cali Xuseen, ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo go’aankiisii kaga tanaasulay inuu mar labaad u tartamo xilka madaxtinimo xilli uu xaq u lahaa.
Murrashax Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay in madaxda Afrikaanka kursiga jecelyihiin, balse Madaxweyne Siilaanyo qaaday tallaabo geesinimo oo ka duwan arrintaasi, isla markaana uu isagoo xaq u lahaa u banneeyey siyaasiyiinta kale.
“Diiwaangelintu sida ay dadku sheegayaan waxaad moodaa inay wali si yar oo qabow u socoto oo aanay wali dadku is diwaangelinayn, shacabka Somaliland gaar ahaan kuwa magaalada Hargeysa waxaan ku dhiirrigelinayaa inay is diwaangeliyaan, diiwaangelintu waa shay muhiim ah, waana shay inoo horseedaya dimuqraadiyadda iyo inuu qofku doorto qofkii uu doonayey, waan fahmi karayaa inay dadku ka niyad-jabsan yihiin dimuqraadiyadda iyo isbeddel la’aanta dalka ka jirta oo aad moodo in siyaasiyiintu wali dadkii hortaagan yihiin oo aannu isbeddel jirin, laakiin waxa tallaabo wanaagsan inoo qaaday Madaxweynaha Axmed Siilaanyo oo runtii isaga oo xaq u leh in markii labaad uu ka qaybgalo doorashada haddana tanaasulay oo doortay inuu dadka kale u daayo, waana qodob lagu bogaadin karayo oo inta badan Afrikaanku kursiga ayey ku dhagaan oo laga fujin kari waayaa intii ay xaqa u lahaayeen in ka badan doonaya inay sii joogaan oo Somaliland qaarkood aad ku arkaysid laakiin Madaxweynaha waan ku bogaadinayaa arrintaa,” ayuu Jamaal Cali Xuseen oo la hadlay warbaahinta shalay mar uu qaadashada kaadhka codbixiyaha doorashada isaga diiwaangeliyey xarunta hay’adda Shaqaalaha dawladda ee Hargeysa.
Waxa kaloo uu ka hadlay hawsha diiwaangelinta iyo dhaqdhaqaaqyada axsaabta siyaasadda, isagoo ugu baaqay Guddiga anshax-marinta ee diiwaangelinta inay u fiirsadaan labada xisbi ee kale, gaar ahaan Guddoomiyaha KULMIYE oo uu sheegay inuu is-diiwaangeliyey isagoo sita calanka xisbigiisa, waxaannu yidhi, “Guddida anshax-marinta ee diwaangelinta ee ku eegaysa xisbiyada inay maraan anshixii loogu talogalay diiwaangelinta waa inay u fiirsadaan xisbiyada kale, waxaan shalay (Isniin) arkayey guddoomiyaha xisbiga Kulmiye oo astaantii xisbiga Kulmiye la galay diwaangelintii iyada oo ay mamnuuc tahay, waxaanna wanaagsan inay xisbiyada laftoodu ixtiraamaan anshaxaas, annaguna waanu ka soo baxaynaa oo olole maanu galin kaligay ayaana is diiwaangeliyey, laakiin astaamaha iyo anshaxa la suntay ee laysla wada ogaa ayaanu ku dhiirrigelinaynaa inay mar walba tallaabo ka soo saaraan, hadday cidi jabiso oo ay iyaguna mar walba hadlaan wax qiimo ah oo ay samaynaysaa ma jirto.”
Dhinaca kale, Jamaal Cali Xuseen waxa uu soo dhaweeyey go’aan Guddiga Diiwaangelinta Ururrada siyaasaddu ugu digeen dhinacyada isku haya xisbiga UCID, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo ka mid ah shaqada guddigan, “Annaguna dacwadii aannu u gudbinay waxay ahayd si qarankan aanay u dhicin nin dambe oo xisbi tuurta ku sita oo yidhaahda aniga ayaa leh oo dadka kale ka xiga, tiina may hadhin ee waa tii kolba xisbiga dad laga saarayey, annaguna dadka carqaladda waday maanu ahayn ee iyaga (Garabka Eng. Faysal) ayaa waday oo lahaa kolba xisbiga ayaanu cid ka erinay, xisbi dad laga eryana lama arag adduunka meeshuna maaha bakhaar cidi leedahay, waanan soo dhawaynaynaa go’aanka Guddida Diwaangelinta,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.