Araweelo News Network

Eng. Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sheegay in aan Jamhuuriyadda Somaliland cidna u daba fashiisan doonin maamulka hawadeeda, isagoo ku hanjabay inay soo ridi doonaan diyaaradaha oggolaansho la’aan ku isticmaala hawada dalka.

“Diyaaradaha isticmaala hawada geyiga Soomaalida, 75% innaga (Somaliland) ayey ina dulmaraan. Sidaa aynu juquraafi ahaan u nahay wajadda Soomaalida ayey iyaguna (Soomaaliya) u yihiin daaradeennii yihiin, markaa hawadeenuna waa wajahaddii adduunka. Qalabkeenna ayeynu soo qaadan doonnaa oo hubka lidka diyaaradaha oo tii amarkeenna qaadan wayda waynu soo ridaynaa insha Allaah, hawadeenana cidna ma qaadi karto,” ayuu yidhi Eng. Faysal oo hadal ka jeediyey furitaanka shirweynihii lixaad ee Ururka SOLJA.

“Maanta Somaliland cid ka xoog weyn oo Soomaali ah ma jirto, mana jirto cid haysata ciidanka aynu haysanno, imminkana kornayl (Madaxweyne Muuse Biixi) ayaa qabsaday oo waxa aannu jecelnahay inuu sii xoojiyo,” ayuu sii raaciyey.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha UCID, waxa uu ku dooday inuu lexejeclo uu ka qabo Somaliland darteed u aqbalay natiijadii xisbigiisu ka helay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay bishii November ee la soo dhaafay, isagoo sidoo kalena sheegay inuu la shaqayn doono xisbul-xaakimka KULMIYE ee mar labaad xukunka ku guulaystay, “Aniga waad aragteen wixii igu dhacay oo waxa la yidhi 5% ayuu helay (natiijada doorashadii madaxtooyada), waanan iska qaatay…Haddii aanan sidaas yeelinna Somaliland may jirteen, markaa dantiina ayaan ka shaqeeyey oo danta ummadda ayaan ka shaqeeyey ee Faysal Cali-waraabe maaha nin 5% ka hela Hargeysa.”

Guddoomiyaha UCID, ayaa sidoo kale tilmaamay inuu la shaqayn doono xukuumadda cusub ee KULMIYE haddii ay si fiican ugu shaqayso qaranka, isla markaana uu mar kale isku soo sharixi doono doorashada Madaxtooyada marka la gaadho sannadka 2022.
“Waa tan uu KULMIYE innagu soo noqdaye, haddii uu KULMIYE-yan hagaago waynu la shaqayn doonnaa, haddii kalena anigu jiq ku siin maayee waa iskaga kiin tegayaa, mana jecli in aynu innagu isla degno, haddii uu hagaagsan yahayna waynu la shaqayn doonaa oo weliba waan taaganahay 2022,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.