Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbigan Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa ku baaqay in doorashada Madaxtooyada ka hor la dhammaystiro tabashooyinka kala duwan ee ka taagan degaanno ka mid ah bariga fog ee Somaliland.
Eng. Faysal Cali-waraabe oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa , waxa uu sheegay in dalka Somaliland yahay mid la wada leeyahay oo aan cid gaar ah laga xigin, loona baahan yahay in si caddaalad ah loogu wada adeego bulshada muwaadiniinta ah.
waxaannu yidhi; “Waxa aannu jecelnahay inta aan loo dareerin doorashada in aan Somaliland oo dhan oo meel qudha oo aan laga soo gala jirin, la xaliyo arrinta Buuhoodle, meel kastaba xalino, si innaga oo midaysan sidii 1960-kii isku cod ah in aan u dareerno doorashada ayaan doonayna, Insha Allaah. Somaliland waa hal qoys, markaa in qoyskaas la isku soo celiyo oo wixii dhibaato ah ee taagan la dhammeeyo, waxaanay ku dhammaanaysaa caddaalad ayaa loo baahan yahay.”
Waxaannu intaas ku daray; “Dalkan waa la wada leeyahay, mana jirto cid ka horaysa cid kale, cid looga martiyahayna ma jirto, waxaanna jirta cid (bulshooyin ku dhaqan dalkan) oo aan codkooda la maqal, ummad dhan oo aan codkooda la maqal ayaa jirta oo xaq iyo caddaalad doonaya, markaa Insha Allaah waynu dhammaynaynaa.”
Guddoomiyaha UCID, ayaa sidoo kale sheegay waxyaabaha sababta u ah dib-u-dhacyada wadahadalka Somaliland iyo Khaatumo ay yihiin qaar ka imana dhinaca Somaliland, waxaannu yidhi; “Wadahadalka waxa si hoose loo bilaabay bishii August (2016), si rasmi ahna waxay u bilaabmeen bishii December, markaa nimankaas Khaatumo ee uu madaxda u yahay Cali Khaliif way guteen waajibaadkoodii ee xageena (Somaliland) ayey dib uga dhaceen, innaguna waynu leenahay cudur-daarkii keenay dib-u-dhacyada oo hawlaha ayaa innagu badnaa, abaaraha ayaa taagnaa, shuban-biyood ayaa innagu dhacay, xoolihii (loo dhoofinayey Sucuudiga) ayaa la innaga joojiyey, markaa Insha Allaah, waxa aannu jecelnahay oo Madaxweynahana u faa’iido ah, taariikhdana u gelaysa inuu mideeyo Somaliland oo uu heshiiskaas dhab ka sameeyo, markaa waxa aannu jecelnahay in aannu dhammaysano inta aannu Madaxweynuhu dhammaysan waqtigiisa.”
Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafka ka dhashay doorashadii Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ee qabsoontay maalintii Axadda, isagoo dhaliilo u jeediyey mudanayaasha iyo labada xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI.
“Horta, anniga iyo shacbiga reer Somaliland meel ayaannu ka wada taaganay Golaha Wakiillada, waana gole aan xisbina u shaqayn, degaankii laga soo doortayna aan u shaqayn, qarankana u shaqayn oo dhawr iyo toban sanno (12 sanno) meesha fadhiyey, mushahar uun innaga qaata oo wax kaloo ay qabtaan aanay jirin, markaa anniga iyo shacbiga reer Somaliland midkaayana kalsooni kuma lihin,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.
“Anniga waxa iigu dambaysay iyadoo shalay (maalintii Axadda) la is tahniyadeeyey. Codku haddii uu dhaco oo la istahniyadeeyana wuu dhammaaday, imminkana waxa aad leedihiin haddana waa la is haystaa, taasina (khilaafka Golaha Wakiilladu) waa digniin shacbiga reer Somaliland u muuqata, markaa haddii ay maanta 82-kii mudane oo weliba badh maqnaayeen ay codeeyeen oo ay annigaa helay iyo anigaa helay isku haystaan labada xisbi (KULMIYE iyo WADDANI) ee layliga ah, waxa la isweydiinayaa sidee ayeynu u ekaan doonaa doorashada innagu soo socota ee Madaxweynaha? Waana KULMIYE-hii shalay iyo KULMIYE-hii maanta oo labaduna KULMIYE ayey ka kooban yihiin, waana qoladii KULMIYE ka soo kacday (cadhooday) ee shanta sanno dalka maamulayey iyo qoladii lagu beddelay ayaa is haysta,” ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
Waxaannu intaas ku daray; “Iska daa inay faa’iido u keenan dalkan ee nabadaas Ilaahay (SWT) innagu mannaystay ayey khalkhal innaga gelinayaan labadaas xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI, markaa waxa aannu jecelnahay in aad ka codaysaan labadaas xisbi, dalkana isbeddel ayuu u baahan yahay, waxa uu u baahan yahay ictiraaf, dhallinyarado shaqo ayey u baahan tahay, in dalka la mideeyana waa loo baahan yahay, labadan xisbina waa qaybiyeyaal ee maaha dad midayn kara dalka, tanina waa digniin amma baraarug (wake up call) oo nimanka maanta isku haysta baarlamaan bilaa micno ah oo qaranku nacay, waxbana aan ku filnayn oo aan sharci ku fadhiyin, guddoomiye ayaannu nahay iyo ma tihidin, waxa ay ku tusaysaa qayrul-masuulnimada iyo xil-kasnimo la’aanta aan dalka loo tudhayn, haddii aad labadaas xisbi u coddaysaana way ka sii xumaan doontaa.”