Araweelo News Network

Jack Davis, waa 9 jir fasalkii afraad ee dugsiga hoose ku jira. Waxa aad uga heshay hay’adda cirbixiyeenka iyo hawada ee Maraykanka (NASA), kadib markii uu muujiyey dhiiranaan, kana dalbaday shaqo ka mid ah jagooyinka ugu sarsareeya ee saraakiisheedu qabtaan, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee CBS News.
Wiilkan yar oo ku nool magaalada New Jersey waxa uu noqon doonaa Sarkaalka Ilaalinta Mareeyaasha (Planetary Protection Officer (PPO). Waxa uu warqad u qoray hay’adda NASA hawlaha xiddigiska, cirbixinta iyo hawada u qaabilsan Maraykanka. Waxa uu ka dalbaday in jagadaas oo bannaanayd uu aqoonteeda leeyahay, loona ogolaado inuu ka hawlgalo.
Warqadiisa, waxa uu Davis ku sheegay inuu yahay Ilaaliyaha Ururka Xiddigaha (Guardian of the Galaxy). Waxa kale oo uu ku xusay in da ‘ yaraantiisa marka laga yimaado inuu dawaday filimo iyo muqaalo mala-awaal ah oo ku saabsan sayniska cirka sida filimka Maraykanka ah ee Marvel Agents of Shield.
“Waan yarahay, sidaa darteed waxa aan baran karaa in aan u fikiro sida noola cirka (Alien),: ayuu warqadiisa ku soo gebagebeeyey Davis.
Agaasimaha Ilaalinta Meerayaasha ee NASA Mr. Jim Green, ayaa ka jawaabay waraaqda wiilkan yar, waxaann u muujiyey taageero fiican. Waxa uu Green jawaabtiisa ku sharaxay in jagada uu soo codsaday mushaharka sannadkii lagu bixiyaa uu yahay inta u dhaxaysa $124,000 ilaa $187,000 (Boqol, afar iyo labaatan kun ilaa boqol toddoba iyo siddeetan kun oo dollar).
Agaasime Green waxa uu warqada uu wiilka yar ugu jawaabay ku soo gebagebeeyey kelmado dhiirigelin badan ka muuqatay oo uu wiilka yar ku dhiirigelinaayey; “Waxa aan badanaa raadinaa saynisyahannada iyo injineerada mustaqbalkoodu soo ifaayo si ay noo caawiyaan, sidaa darteed waxa aan rajaynayaa in aad xoog wax u baran doonto, waxbarashada dugsigana ku dedaali doonto. Waxa aan rajaynayaa in aannu kugu aragno adigoo halkan-NASA- maalin ka mid ah maalmahan imaan doonto.”