Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Md. Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo ku dooday inuu ku guulaystay codkii loo qaaday doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland maalintii Axadda, ayaa si rasmi ah u caddeeyey inay dacwad u gudbiyeen Maxkamadda Sare, ahna Maxkamadda Dastuuriga ah ee Somaliland.
Md. Cabdiraxmaan Talyanle oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa , waxa uu sheegay in 39 mudane u coddeeyeen in isagu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland, sidaa darteedna ay dacwadooda u marayaan dariiq sharci oo maxkamadeed.
“Saakaba (gelinkii hore ee shalay) waa la gudbiyey (dacwadda), taas ayeyna nahaayaddu tegaysaa,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Talyanle oo ka jawaabay su’aal saxaafaddu weydiisay oo ahayd xilliga ay dacwadooda u gudbinayaan Maxkamadda.
Waxa kaloo uu ka hadlay sababaha keenay inuu mar kale ku doodo in loo doortay Guddoomiyenimada Golaha Wakiillada, maadaama uu markii hore u hambalyeeyey doorashada Md. Baashe Maxamed Faarax.
“Gelinkii dambe (ee Axadda) shir ayaannu yeelanay oo ilaa galabnimadii oo dhan socday, markaa 39-kii xildhibaan ee ii coddeeyey ayaa goob isugu yimmi aannu nin ka maqnayn, waxayna qireen inay dhammaantood u coddeeyeen Cabdiraxmaan Talyanle, iyadoo uu xildhibaan walba gacanta taagayo, oo uu magaciisa oo saddexan sheegayo oo uu leeyahay annigoo hebel—hebel ah waxa aan doorashadii loo beratamyey codkaygii siiyey xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle. Arrintani maaha arrin siyaasi ah ee waa arrin u baahan sharci, maxkamadda ayeyna tegaysaa oo Maxkamadda ayaa taas wax ka odhayna,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Talyanle.
Waxaannu intaas ku daray; “Annigu haddii aan markii hore tahniyadeeyey (guddoomiyenimada Baashe), iraadada (rabitaankii), xildhibaanada ayaa markii dambe ka hor timmi, xildhibaanadaas oo aan xisbiga WADDANI oo qudha ahayn, balse ay ku jiraan xildhibaanno xisbiga KULMIYE ah, oo qaar aan labada xisbi midna ku jirin ay ka mid yihiin, markii uu mid walba yidhi anniga xaqayagii la duudsiyi maayo, ayaa anigana igu dhalisay xalay (habeenkii Salaasada) in aan ka daba keeni arrintaas iyada ah (diidmaydii dambe), waana codsigii xildhibaannada ii coddeeyey.”
Dhinaca kale, qaar ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada ee u coddeeyey Cabdiraxmaan Talyanle oo saxaafadda la hadlay, ayaa tilmaamay in codkoodii la musuqay, isla markaana la isweydaariyey natiijadii coddaynta.
Md. Xaamud Cismaan Cali oo ka mid ah mudanayaasha warbaahinta la hadlay, ayaa yidhi;
“Halkan waxaynu u taagannahay, oo aannu doonaynaa in aannu markhaati-ka-noqono, oo aannu is-barbar taagno Cabdiraxmaan Maxamed Tayanleh oo ah Guddoomiyaha dhabta ah ee shalayto (Axaddii) la doortay, inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Somaliland. Waxa weeye wax kasta oo dhaca, haddii ay qaldamaan inaad u soo noqoto, sida uu xaqu yahay waa gobonimo. Anigu kama tirsani WADANI, KULMIYE-na kama tirsani, Golaha markaan soo galo, waxaan ku saxeexaa in aan ahay mudane madaxbannaan… Annigoo aan xisbina ka tirsanayn, waxa aan ixtiraamayaa Golaha iyo sharaftiisa, magacayga iyo codkayga in la isticmaalo oo la musuqana ma oggoli.
Markaa waxa weeye, waxaan ugu baaqayaa Baashe Maxamed Faarax oo imminka xubin uun ka ah Golaha, way ogyihiin in laga helay, inay hawsha inoo fudeydiyaan oo Maxkamad iyo hawsheeda innaga furtaan, isaguna uu qiro in laga helay, Cabdiraxmaan-na uu noqdo Guddoomiyihii Golaha Wakiillada.”
Waxa kaloo halkaas ka hadlay Md Siciid Cilmi Rooble, ayaa sheegay in labada mudane ee tartamay ay ka soo jeedaan degaannada Gobolka Sool, gole ahaana la isla qaatay in kursiga Guddoomiyaha ee Golaha Wakiillada loo daayo mudane ka soo jeeda Gobolka Sool, balse, waxa uu xusay in si fool xun loo maamulay natiijada coddayntii mudanayaasha golaha.
“Reer Somaliland-oow, marka aynu Ilaahay ka yaabno, ilayn god baynu galaynaa, aniga laftaydu god baan galayaaye, oo (xildhibaan) Talyanle ii shafeeco-qaadi maayee, waxa helay Cabdiraxmaan Talyanle, reer KULMIYE-na way og yihiin, Baashe-na waa ogyahay,” ayuu yidhi Siciid Cilmi Rooble.
Md. Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa isna sheegay inuu u coddeeyey in Md. Cabdiraxmaan Talyanle noqdo Guddoomiyaha golahooda, waxaannu yidhi; “Waxaan u coddeeyey Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, waannu hambalyeynay (markii hore Baashe Maxamed Faarax) oo waad ogeydeen, markaannu is-tirsanay 39-kii ayaa halkaa taagan oo hebel iyo hebel iyo hebel iyo hebel oo aannu hubinay. In aannu 39-kii leennahay sidaas ayaannu ku caddeynaynaa. Markii meesha laga rawaxay, maxaannu u hambalyeynay? Waa la idinka badiyey ayaannu u hambalyeynay, laakiin markii aannu is tirsanay 39-kii mudane ee nin walba dhaarinay, ‘Waar ma meel kale ayaad u codeysay?’ ee la yidhi; ‘Wallee, iminkaaban la taagannahay, meel kalena uma codeyn.’ Markaa Baashe iyo Cabdiraxmaan Tayanleh ma kala xigsanaynee, nin walba intiisii u coddeysay ayaa hortaagane, ee hala kala gar-naqsado ayaa meesha taalla.”
Waxa kaloo saxaafadda la hadlay Md. Xuseen Ismaaciil Yuusuf, waxaannu yidhi; “Waxaan maanta (shalay) halkan u taagannahay in aan caddeeyo waxa aan qabo ee arrintaa iyada ah ee doorashadaa aan ka qabo. Laga bilaabo maanta Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu waa Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo loo doortay. Baashe waa nin saaxiibkay ah, kuma gefayo, laakiin sharciyan sida ay tahay sidaas weeye. Markaa waxaan leeyahay, si fiican oo sharaf leh oo edeb leh kursiga ha banneeyo, hanna u banneeyo Guddoomiyaha xaqa ah. Waxa arrintaa iyada ah sharciyan sida ay tahay way noo muuqataa, waannu caddeynaynaa, halkaas ayaannu meel dhiganay, haddii sharciyan waxba lagu waayo, dee waa lagu waayey, haddii kalena waxa weeyaan kursiga waxa iska leh Cabdiraxmaan Maxamed Tayanleh.”
Md. Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), ayaa isaguna ku dooday in dambi weyn ka dhacay Golaha Wakiillada Somaliland maalintii Axadda, kadib markii sida uu sheegay la isweydaariyey codadka mudanayaashii u kala coddeeyey labada murrashax ee Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle iyo Baashe Maxamed Faarax.
“Tiradii oo 39 cod uu helay Cabdiraxmaan Maxamed Tayanleh oo aannu hayno markhaatiyadeedii oo caddaan ah, lana hayo wax allaala wixii muuqaal ahaa ee nool, Goluhu ma aha sidii hore, Goluhu waxa uu leeyahay qalabkiisa, markaa waxa jira dambi toos loo galay oo sharciga laga galay,” ayuu yidhi Md. Siciid Gaane.
Waxaannu intaas ku daray; “Muhiimaddu ma aha, iyada oo uu yahay Cabdiraxmaan Maxamed Tayanleh – Guddoomiyaha xaqa ah ee loo doortay Golahan oo aannu aamisannahay, kuna taageersannahay. Haddana waa in la helaa dambigan cidda gashay oo lagu qaadaa, haddii maalin walba cid dambiile ah korka laga mar-marana, qarankani wuu ku dumayaa, tanina waxay horseed u tahay haddii ay ka-gar-naqsan weydo xukuumaddu, waxay horseed u tahay in aanay ta weyn (doorashada Madaxtooyada) ka-gar-naqsanaynin. Wax lagu geli karo doorashada weyn oo lagu sugi karana ma’aha.”