Araweelo News Network

guddoomiyecirro2Hargeysa (ANN)Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa jagada Madaxweynenimo ee xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay inuu jiro werwer badan oo la xidhiidha in doorashada Madaxtooyadu ku qabsoonto waqtiga loo muddeeyey oo ku beegan 28 March 2017.

Guddoomiye Cirro oo hadal ka jeediyey xaflad xisbigiisu ku qabtay caasimadda Hargeysa shalay, waxa uu ka digay in marmarsiiyo kasta oo keeni kara in dib-u-dhac ku yimaad doorashada Madaxtooyada, taasoo uu xusay in aannu WADDANI iyo shacbiga Somaliland aqbali doonin.

“Waxaan jecelahay in aan eray ka idhaahdo arrimaha doorashada oo runtii werwer badan innagaga jiro in doorashadu waqtigeedii ku qabsoonto. Werwerkaasi waxa weeye, in xukuumadda Somaliland oo laga rabay inay bixiso kharashka diiwaangelinta inta ka hadhay iyo doorashadaba aan weli la xaqiijin in ay shubtay kharashkaas, Komishankana waan ka sugaynaa war ku saabsan arrinkaas haddii Ilaahay ka dhigo.

Waxaan ka digaynaa in si loo helo marmarsiiyo arrintaasi aanay noqon marka ugu dambaysa inta la daahiyo la yidhaa kharash baa la waayey. Arrintaas waan ka digaynaa, waxaanan leenahay shacbiga reer Somaliland iyo xisbiga WADDANI marna ma aqbali doonaan cudur-daar aan macquul ahayn. Dadku waxay diyaar u yihiin doorasho. Waxaannu Komishanka iyo xukuumadda ka codsanaynaa in sallaxdo garoonkii lagu tartami lahaa,” ayuu yidhi Guddoomiyaha WADDANI.
“Waxaan ugu baaqayaa Komishanka Doorashooyinka in ay cayimaan oo ay dadka u sheegaan waqtiga ay doorashada qabanayaan. Guddiga Doorashooyinka Qaranku waa in ay caddeeyaan inay doorashada qabanayaan 28 March 2017, shacbiguna waa ka sugayaa, annaguna waan ka sugaynaa.”
Waxa kaloo uu uga digay xisbiga talada haya ee KULMIYE inuu boobo doorashada, waxaannu yidhi; “Beryahan dambe waxaan maqli jiray dad is-weydiinaya KULMIYE wuu boobayaa doorashada, laakiin waxaan leenahay cududda maanta ku soo biirtay (WADDANI), ma suurtogelinayso in KULMIYE uu boobo doorashada, waxaanan leenahay KULMIYE boobkii ka quuso, boobna ma jiro wixii hadda ka dambeeya.”
“Waxay shacbiga reer Somaliland ay werwer badan ka qabaan hoggaanka KULMIYE ee u tartamaya doorashada. Maxay werwerka uga qabaan?
Waxay uga qabaan in uu waddanku gacanta u galo dig-taatooriyad. Anigu waxaan idiin xaqiijinayaa in aan noqonayo adeege shacbigiisa u shaqeeya. Waxa kaloon farriin u dirayaa KULMIYE, waxaan leeyahay ciyaartii wey soo dhawaatay, tiimka (kooxda) kubbadda ciyaaraya ee WADDANI waa ragga halkan fadhiya iyo kuwa halkan taagan, bal tiimkiini soo diyaariya.”
Geesta kale, waxa kaloo uu ka hadlay talo-wadaagga xisbiga WADDANI dhexdiisa, waxaannu yidhi; “Waxaan runtii soo dhaweynayaa in talada la ballaadhiyo oo xisbiga WADDANI waxa ka go’an in tallada la wada yeesho. WADDANI waxa ka go’an in talada miiska la saaro, taladuna ka dhexayso shacbiga reer Somaliland.
Waxaan caddaynaynaa xisbiga WADDANI u jeedada loo sameeyay waxay ahayd inuu yahay shacbigu leeyahay. Waxaan caddaynaynaa oo halkan maanta wareejinta la wareejinayo guddoomiyenimadu waxay marag cad ka tahay in xisbigu aannu cidna u xidhnay, inn aannu beel u xidhnay, tii hore u haysay uma xidhna, tan hadda imanaysana uma xidhna, balse waa xisbi innaga dhexeeya maalinba nin baa iman doona, waa xisbi uu nin reer Sanaag ah xaq u leeyahay inuu madax ka noqdo, ninka reer Sool xaq buu u leeyahay, ka reer Salal xaq-buu uleeyahay, qof kasta oo reer Somaliland waa xisbi u furan.”
Guddoomiye Cirro, ayaa sidoo kale tilmaamay in xisbiga WADDANI yahay mid u taagan horumarka iyo midnimada bulshada reer Somaliland.
“Waxaynu doonaynaa in aynu dhisno xisbi tiirar adag leh oo la iska dhaxlo Somaliland, xisbi ujeeddadiisu tahay in shacbigiisa la mideeyo oo lagu hoggaamiyo horumar, caddaalad iyo nabadgelyo, marnaba kama suurtawdo xisbiga WADDANI inuu ku kaco wax nabadgelyada waxyeelaysa, taageerayaashiisana waxaannu faraynaa in ay taageeraan nabadda, in ay taageeraan ciidanka ammaanka oo runtiina ah wax Somaliland ku faanto.”
“Askariga maanta kontonka doollar qaata ama boqolka doollar qaata ee haddana waajib la siiyey in uu dalkiisa ilaaliyo oo uu xuduudka joogo, isagoo laga yaabo in uu reerkiisu degan yahay Hargeysa. Waxa ciidankeennu ku ammaanan yahay meelaha ay ka hawlgalaan in aanay dadka dhibin, xataa xoolaha ma dhibaan.
Waxaynu doonaynaa in ciidanka Qaranka Somaliland ee kala duwan uu noqdo tiir-dhexaad Qarankan u noqdo, umad kasta waxa ay horumarkeedu ku dhisan yahay in ay ammaankeedu sugan yahay, horumarna ma iman karo haddii aannu ammaanku sugnayn,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.