Araweelo News Network


Boorama(ANN)- Wafti ka kooban Gudomiyaha Ahna murrashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh, Xubno ka mid ah Guddida Wada Hadalada Somaliland iyo Khaatumo oo kala ah Wasiirka Waxbarashadda Cabdullaahi Habane iyo Wasiiru Dawlaha Waxbarashadda Maxamed Xaaji Aadan iyo Masuuliyiin kale oo ka mida Khaatumo ayaa Maanta booqasho ku tagay Gobolka Awdal .

Xubnaha Waftiga, ayaa ugu horayn Booqday Jaamacadda Camuud oo ah Dugsigii uu wax ku soo bartay Cali Khaliif Galaydh, SIdoo kale Waxa ay waftigu booqdeen qayebo ka mid ah Magaalada Borama.

Sida ay sheegayaan wararlka la xidhiidha socdaalka Awdal ee Waftigu, waxay magaalada Borama joogi doonnaan muddo Laba Maalmood ah.