Araweelo News Network


Muqdisho(ANN)- Wararka laga helayo Koonfurta Dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weerrar lagu qaaday saldhigyo ciidan oo ay leeyihiin ciidammada Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo ku yaal bannaanka magaalada Kulbiyow ee dhinaca Koonfurta oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Dhawr qarax ayaa laga maqlay saldhigaasi, ciidammada Kenya ayaa sheegay inay weerrarkaasi uga jawaabeen madaafiicda culus, balse ma cadda khasaaraha ka dhashay weerrarkaa oo dadka deegaanku sheegeen inuu socday saacado baddan.

Dhinaca kale war kasoo baxay Xarakada Al Shabaab waxay ku sheegtay in tobaneeyo Askari ay ku dishay weerarkii ka dhacay deegaanka Kulbiyoow, islamarkaana ay dib kasoo sheegi doonto tirakoob guud oo ku saabsan khasaaraha dagaalka.

Horraantii sannadkan 27,1,2017 weerrar ka dhacay Kulbiyoow, ayaa gallaaftay nolosha in kabadan 67 Askari Kenyaan ah, iyadoona ciiddammada Al Shabaab ay saldhigga si buuxda ula wareegeen, isla markaana qabsadeen gaadiid gaashaaman iyo saanado melleteri.

Hase yeeshee lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerrarkan maadaama ay weli go’an tahay isgaarsiinta deegaanka Kulbiyow.