Araweelo News Network
guddoomiyeciroiyo
Ceerigaabo(ANN)Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo maalmahii ugu dambeeyey isaga iyo wefti uu hoggaaminayey ay magaalada Ceerigaabo ku joogeen socdaal lagu ay ku wacyi-gelinayaan qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Somaliland, ayaa maanta boqolaal ka mid ah shacabka magaalada Ceerigaabo kala shaaheeyey maqaaxida caan ka ah ee Kofeega oo ku taala galbeedka magaaladaasi.
ciroiyocartan
Waxaana booqashadan guddoomiye Cirro ku wehelinaayey xubno ka mid ah xisbiga WADDANI, Xildhibbaanada la kala yidhaahdo xildhibbaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) iyo Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo labada ba laga soo doortay deegaankan Ceerigaabo, Salaadiin iyo Cuqaal ay horkacaayeen Suldaan Shaadhcase, Boqor Cabdi Cadde iyo Jiif Caaqil Maxamuud Cali Maxamuud iyo weliba sida oo kale haween, dhallinyar iyo dadweyne kale oo aad u tira badan ku waasi oo uu sii joogay goobta uu guddoomiyahu ka shaaheynaayey.

Dadweynahii halkaas ku sugnaa, ayaa dhammaantoodba waxa ay ka sinnaayeen soo dhaweynta guddoomiye Cirro iyaga oo ku dhawaaqayey hadalo ay ku muujinayaan dareenkooda rabitaan iyo weliba sida oo kale heelanaanta ay u qabaan hoggaamintiisa, iyaga oo ifiyey in ay ka shacbi ahaan ay taageero buuxda ay u hayaan xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana ay hormuud u yihiin isbedel dhabba oo ka hirgela guud ahaan dalka.

Ugu dambeyntiina, kaftan iyo wada-sheekaysi badan ka dib oo uu guddoomiye Cirro la wadaagay shacabkii uu halkaas kula kulmay, ayaa waxa uu kula dardaarmay in ay ka qeyb-qaataan diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Somaliland si ay uga dhabeeyaan isbedelkooda rabbitaan ee ay ugu heelan yihiin siddii dalka loogga hirgelin lahaa dawlad ku dhisan cadaalad, sinnaan iyo horumar.