Araweelo News Network

safarkacirroHargeysa (ANN)Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa safar shaqo ugu baxay dalal ku yaal qaaradda Yurub.
Ma jiro war rasmi ah oo laga soo saaray ujeeddada safarka Guddoomiye Cirro, balse sida ilo-wareedyo kala duwan tibaaxeen, waxa lagu soo dhaweeyey madaarka diyaaradaha ee Arlanda international Airport oo ku yaal dalka caasimadda Sweden ee Stockholm shalay.
Waxa kaloo xoguhu iftiimiyeen in Guddoomiyuhu ka qaybgeli doono shirar iyo kulamo la xidhiidha qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland oo la filayo in lagu qabto waddanka Sweden, gaar ahaan xarunta Baarlamaanka ee dalkaas.
Guddoomiye Cirro, ayaa sidoo kale u gudbay dhina dalka Finland isla gelinkii dambe ee shalay, halkaasoo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey, iyadoo sidoo kale la sheegay in ujeeddada safarkiisu la xidhiidha sidii uu kulamo ula yeelan lahaa masuliyiinta xisbiga WADDANI ee dalalka Yurub iyo jaaliyadaha reer Somaliland.