Araweelo News Network

cirrolastHargeysa (ANN)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaya magaciisa, ka xildhibbaanada, hoggaanada, guddida fulinta, garabyada dhallinyarada iyo haweenka iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga WADDANI, waxa uu hambalyo iyo duco u dirayaa guud ahaan shucuubta islaamka ee dunida dacalladeeda kala jooga, gaar ahaan shacbiga Somaliland, isagoo ugu hambalyeynaya curashada sannadka cusub ee Islaamka ah 1438 (Hijriyada) awgii oo ku beegan Axadda maanta oo taariikhda miillaadiguna tahay 02 October 2016.
Guddoomiye Cirro, waxa uu Ilaahay uga baryeyaa in shacabka Somaliland ay sannadka sannadkiisa ku gaadhaan bashbash, barwaaqo iyo badhaadhe, inta bugta xannuunka ka dulqaado, inta caafimaad qabtana u siyaadiyo, sida oo kalena naxariistiisii jannatul Fardowsa ka waraabiyo intii geeriyootay. Waxa kaloo uu guddoomiyahu Eebbe ka baryeyaa in shacabka Somaliland uu sannadka sannadkiisa siiyo ictiraaf ay ka helaan dunida inteeda kale.
Ugu dambeyn, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu shacabka Somaliland uu ugu baaqayaa in ay wada ilaashadaan nabadgelyada, sidoo kalena meel uga soo wada jeestaan wixii dhibaateynaya qarannimada Somaliland, si qaran ahaan aynu u gaadhno himilada shacabkeenna.