Araweelo News Network

Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi

Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi

London (ANN) Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in doorashadu Madaxtooyadu ku qabsoomayso waqtiga ay u qorshaysan tahay ee 28-ka bisha March, isla markaana la bixinayo dhaqaalaha lagu qabanayo.
Md. Muuse Biixi oo waraysi ay la yeelatay laanta Afka Soomaaliga ee idaacadda BBC isagoo ku sugan magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxa uu kaga hadlay kooxdii siyaasiyiintii la baxay Isbahaysiga ee xisbigiisa ka baxay ee ku biiray WADDANI, doorashooyinka Somaliland iyo qaddiyadda Somaliland iyo Soomaaliya.
Ugu horreyn, waxa wax laga waydiiyey siyaasiyiintii Isbahaysiga ka tagay KULMIYE eek u biiray WADDANI, waxaannu ku jawaabay, “Dadka xukuumadda ka tagay badankoodu hore umay ahayn dad hawlwadeeno ka ah xisbiga KULMKIYE, waxa ay u badnaayeen dad iskood u shaqaysta oo hay’addo ajanabi ah ama hay’adaha UN-ka u shaqeeya ama ganacsato xawaalado iyo telefoono ka shaaqeeya, haseyeeshee, markii uu xisbigu guulaystay kasoo qaybgalay xukuumaddii oo Madaxweynuhu xilal u dhiibay markii dambena xilalkii Madaxweynuhu u dhiibay iyaga oo xukuumaddii ah ayey is-casileen. Way jiraan dhawr qof oo raggii xisbiga ka mid ahaa oo Baarlamaanka ku jira, laakiin ragga kale badankoodu waxa ay xisbiga ku ahaayeen xilkii wasiirnimada ee ay hayeen, anigana waxba iskumaanu qabane iyaga ayaa doortay inay tagaan oo meel kale tagaan, markaa qofku waa u xor ra’yigiisa.”
Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu ka hadlay hawlaha u diyaargarowga doorashada oo uu sheegay in lagu qabanayo xilligii loogu talogalay, “Doorashada Madaxtooyada insha allah 28-ka march bay qabsoomaysaa, dal dhaqaalihiisu aad u yaryahay baynu nahay, dal hawlo badani ku furan yihiin baynu nahay, waad ogtahay oo iminka mandaqadda Geeska Afrika ee aynu deggenahay iyo Badda Cas waxa ka jira waa mandaqad aad u hol-caysa oo dagaallo ka socdaan oo aan deggenayn, sidaas oo ay tahay Somaliland oo aan la ictiraafin oo aan dhaqaale buuran lahayni waa meesha keliya ee madaxweyneyaasheedu doorasho isku beddelaan oo doorashooyin qabata, markaa doorashooyinku dhaqaale ahaan iyo waayo-aragnimo ahaanba waa nagu culays, laakiin iminka wax walba waxa loo qorsheeyey inay dhammaato ta madaxweynuhu, dhaqaalahana xoolo dirqi lama waayo ee waanu samaynaynaa oo waanu qabanaynaa haddii Allah yidhaahdo.”
Guddoomiyaha KULMIYE oo sidoo kale ah murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbigaasi u matalaya doorashada soo socota, waxa la su’aalay inuu u hoggaansamayo natiijada doorashada, waxaannu yidhi, “Annagu waayo-arag baanu u nahay in la doorto iyo in wax la waayoba, mana nihin dadka ay ku cusub tahay, dalkana in badan baanu soo joognay oo waayo badan baanu ku soo marnay, wax walbana xisbi ahaan waxaannu ka horraysiinaa danta Qaranka iyo dhismaha Qaranka, waana sunne ah KULMIYE maanta ka jooga oo aniga ah iyo berri ka iman doonaba in mar walba uu danta qaranka hormariyo.”
Ugu dambayntii, mar la waydiiyey sababta Somaliland u diidantahay in ay la midowdo Soomaaliya, maadaama aanay weli hayn ictiraafka ay raadinaysay muddada 25-ka sannadood ah, waxa uu kaga jawaabay “Ictiraaf maanu waayine wuu soo socdaa, waanuna helaynaa Insha Allah, annagu waxaannu qabnaa in Soomaaliya iyo Somaliland ay halkii lixdankii ku noqdaan laba qaran oo madaxbannaan oo jaar ah oo walaalo ah, dad iyagaa ayaa isku xiga, dal iyo diin iyo codba way wadaagaan ma kala maarmaan, laakiin sidee bay u wada noolaanayaan baa taalla? Waxay u wada noolaanayaan iyaga oo laba qaran ah mar haddii midnimadii isku duntay, dabadeedna sida Yurub u midoobayso iyada oo dawlado ah ayey Soomaali iyo Afrikaba isku iman karayaan, laakiin suurtogal maaha sidan iminka dadka qaarkii u fikirayaan weliba walaalahayga Koonfurta jooga, u fiirso waxa la leeyahay Somaliland iyo Koonfurtu ha midoobaan, haddana waxa la kala qaybiyey Koonfurtii oo shan dawladood baa laga sameeyey, dawladda Kismaayo, dawladda Garoowe, dawladda Baydhabo, dawladda Muqdisho, madaxweyneyaal iyo wasiirro waa awood siman, maalin walba waxa la isku haystaa Afgooye, Shalambood iyo Marka xaggee xadku yahay, dhibaato kale ayaa la abuuray, markaa saw horta maaha inay iyagu mid noqdaan.”
“Annagu waxaannu u aragnaa inay mid noqdaan qoladii Talyaanigu oo waxooga dhistaan, annaguna qaran noqono oo is-ctiraafno, walaalowno oo ganacsiga, dhaqaalaha, horumarka iyo nabadaba ka wada shaqaynno,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Muuse Biixi.