Araweelo News Network. Addis Ababa(ANN)-Allah haw naxariistee Guddoomiyihii Telefishanka Horyaal24 Maxamed Cisaam Mire (Seyid) oo ka mid ahaa haldoorka Saxaafadda Somaliland, ayaa ku geeriyooday Cusbitaal ku yaal dalka Caasimadda Dalka Ethiopia, halkaas oo xaaladdiisa caafimaad ladula tacaalayay. Marxuumka oo hore usoo noqday Guddoomiyaha Wargeysyada Dawladda ee Dawan, wuxuu sannadihii u danbeeyay aasaasay Telefishanka Madaxa bannaan ee Horyaal24 Tv, kaas oo ka sokow inuu yagleelay kasii deyn jiray barnaamijyo iyo waraysiyo aad u kulul, kuwaas oo soo jiitay in baddan oo ka mid ah Bulshada. Marxuumka, ayaa sidoo kale daadihinayay barnaamijyo la xidhiidha dhacdooyinkii xasuuqa ee xukuumaddii Taliskii Millateri ee Maxamed Siyaad Barre ka geysatay goboladii waqooyi oo xilligan Jamhuuriyadda Somaliland. Baadhitaanada la xidhiidha arrimaha xasuuqa ayuu inta baddan kusoo bandhigi jiray waraysiyo qaar ka mid ah dadkii xog-ogaalka u ahaa dhacdooyinkaa iyo qaar ka mid ehelada dadkii ku waayay qoysaskooda iyo saaxiibadooda. Allah haw naxariiste Marxuum Maxamed Cismaan Mire, wuxuu door muuqda ku lahaa warbaahinta madaxa banaan ee Somaliland, isagoo juhdi baddan geliyay muddooyinkii u danbeeyay Telefshanka Horyaal ee xaruntiisu tahay Hargeysa. Marxuumka, ayaa sidoo kale kasoo qayb qaatay hawihii hubka dhigsita ee lagu yagleelau Ciidanka Booliska Somaliland sagaashanaadkii, isagoo markaa kaddib ku biiray saxaafadda. Tafaftiraha Shebekaddaha Araweelo News Network, Carraale Maxamuud Jaamac iyo bahda Araweelo News, waxay iyagoo ka tiiraanyaysan ka tacsiyaynayaan  Geerida Marxuum Maxamed Cismaan Mire,  Qoyskii, Ehelkii iyo asxaabtii, qaranka Somaliland iyo dhammaan bahda saxaafadda Somaliland, waxayna Allah uga baryayaan marxuumka inuu u denbidhaafo oo naxariistii janafardawsa ka waraabiyo dhammaanteena samir iyo Iimaan saadiqa Aamiin Aamiin Aamiin.

Dr.Ahmed Hasan Saalah.

.‎( إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ)
‎إن لله ما أخذ ، وله ما أعطى ، وكل شيء عنده بأجل مسمى

Waxaan Halkan Tacsi Uga Dirayaa Eheladii, Qaraabadii iyo asxaabtiisii iyo dhammaan bahda Saxaafadda JSL gaar ahaan Reer Horyaal TV Ee uu Ka baxay weriyihii Wayna ahaana Guddoomiyihii Horyaal TV Sayid Cismaan Mire oo goor dhoweyd ku geeryooday Magaalada Addis Ababa,

Waxaan Illaahay Uga Baryayaa Inuu Marxuumkaasi Naxariistiisa, Janoyinkiisana ku casuumo, ehelada iyo Qaraabada uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo.