Araweelo News Network.

Washington(ANN)-Dhaxal sugaha Boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa go’aan ku gaadhay inuu ka aarsado Maraykanka iyo xulufadiisa reer Galbeedka ah, wuxuuna ku fekeray inuu xidhiidhka Boqortooyada u weeciyo dhankaa iyo Bariga.
Taasi oo ah in Boqortooyada Sucuudiga Carabiya ay la yeelato xidhiidh diblomasiyadeed, dhaqaale, iyo mid millateraba quwadaha Ruushka , shiinaha iyo xulufadooda reer Bariga ah.

Balse, Maxamed Bin Salmaan ayaan xisaabta ku darsan in Boqortooyada Sucuuidgu ay ahayd mid ku hoos noolayd ilaalinta Maraykanka 70 kii sano ee la soo dhaafay. Sidoo kale Maxmed Bin Salmaan ayaa illoobay in dhaqaalaha Boqortooyada Sucuudiga 98% ku tiirsan yahay shidaalka ay soo saarto shirkadda Maraykanku leeyahay ee Aramco.

Caalamka Carabta iyo islaamka waxaa ka dhacay is beddelo baddan o awoodda lagaga tuuray Boqortooyooyin iyo dowladdo baddan , halka ay Boqortooyada Sucuudi Carabiya ay ahayd mid Nabad iyo ammaan buuxa ku naaloonaysay, waxaana sabab u ahaa ilaalinta uu Maraykanku ilaalinayay.

Sidaa awgeed macquul maaha in Boqortooyada Sucuudiga ay colaad la Qaadato Maraykanka, taasi marnaba macquul maaha , waayo Boqortooyada Sucuudigu wax diyaar garoow ah uma sii yeelan siday uga dabbaalan lahayd Xaaladdan oo kale.

Dhibaatooyinka kale ee haysta Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa ah inay tahay Boqortooyo gaboowday oo aan la jaanqaadi Karin dunidan casriga ee Tiknoolijiyadda ku shaqaynaysa. 90% shacabka Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo u baddan dhalin yaro waxay rabaan isbeddel waxayna diidan yihiin Nidaamka Boqortooyadu ay ku shaqaynayso. Sidaa awgeed Maraykanka waxaa u fudud inuu talada si dhib yar uga tuuro reer aala-sacuud iyo inuu xukunka keensado madax isbeddel doon ah oo ku shaqaysa rabitaankiisa.

Sidoo kale, Maraykanka waxaa u fudud inuu Dilo Maxmaed Bin Salmaan, sidii sirdoonka yahudda iyo Maraykanku ay u dileen Boqor faysal 1979 kii.

Wargeeyska ( the world street ) ayaa sheegay in Maraykanku gebi ahaanba iskaga baxay heshiiskii uu kula jiray Boqortooyada Sucuudi Carabiya, kaasi oo ahaa inuu Millateri ahaan Maraykanku ILAALIYO Boqortooyada Sucuudi Carabiya.
Go’aankan dowladda Maraykanku Qaadatay ayaa imanaya kaddib markii uu Maxamed Bin Salmaan sheegay in Boqortooyada Sucuudi Carabiya aannay u sii dhibaatoon doonin si ay u ilaaliso masaaliixda maraykanka.

Wargeeyska ( the world street ) ayaa sidoo kale sheegay in wasiirka Tabarta ( Enegery secretary) ee Maraykanku uu dhambaal codsi ah usoo diray wasiirka Tamarta ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya Amiir Cabdulcaziiz, balse Amiir Cabdulcaziiz ayaa Iska dhega tiray codsiga uu usoo diray wasiirka Tamarta ee Maraykanka , kaasi oo ka dlabaday inay ku wada kulmaan dalka maraykanka.
Araweelo News Desk
By. Dr.Ahmed Hasan Saalah