Araweelo News Network

suhuurHargeysa(ANN)Haweenayda Guddoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga WADDANI ee Waqooyiga Maraykanka ahna Safiirka Wareega ee Xisbigaas Marwo Suhuur Xasan Abiib, ayaa Shaaca ka qaadday inay u sharraxan tahay Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga WADDANI oo dhawaan la filayo in la qabto Shirkiisii Golaha dhexe ee lagu dooranayo Musharrixiinta Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka.

Waxay Suhuur Xasan ka digtay dib-u-dhac mar kale ku yimaadda doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo aad loo hadal-hayo inay dib u dhacayaan. Waxay sidoo kale ku baaqday inay Haweenku Saami muuqda ku yeeshaan Kuraasta Golaha Wakiillada ee go’aan ka gaadhista Saamiyada gobollada Madaxweynaha laga sugayo oo aan Dumarka la dhayalsan doorkooda.
Suhuur Xasan Abiib oo soo bandhigtay hankeeda Siyaasadeed, waxay tidhi; “Waxaan u sharraxanay Murrashaxa Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga WADDANI,waxaanan ahay Haweenaydii ugu horreysay ee ku dhawaaqday inay u sharraxan tahay jagada Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga WADDANI, Sidaa daraadeed waxaan ka codsanayaa dhammaan reer Somaliland, gaar ahaan Haweenku inay i taageeraan, waxaanan si gaara uga codsanayaa Haweenka Xisbiga WADDANI inay codkooda i siiyaan si aan jagadaasi ugu soo baxo marka la gaadho Shirweynaha Golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI oo lagu dooranayo murashixiinta jagooyinka Madaxweynaha iyo Kuxigeenka”
Marwo Suhuur waxa kale oo ay ka hadashay, “Maalmihii u danbeeyey waxa Warbaahinta Somaliland qoreysay inay dib u dhacayaan doorashooyinka Madaxweynanimada iyo Golaha Wakiillada oo la filayo inay dalka ka qabsoomaan horraanta sannadka 2017-ka, waxaan ka digayaa inay mar labaad dib-u-dhacdo doorashooyinku, haddii ay dib-u-dhacaan waxay dhaawac Siyaasadeed ku keenaysaa Somaliland…” ayey tidhi Marwo Suhuur Xasan Abiib oo Xalay u waramaysay Shabakada Wararka ee Hayaannews, waxayna intaa ku dartay, “Waxay keeni kartaa hanaankii dimuqraadiyadeed ee Somaliland ka hano-qaadday inay fashilmaan, haddii doorashooyinku dib u dhacaan, markaa waxaan soo jeedinayaa inaanay doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladu wakhtiga hore loogu cayimay dib looga dhigin ee ay wakhtigooda dhacaan.” Sidaa ayey tidhi Marwo Suhuur.
Marwo Suhuur waxay farriin u dirtay Madaxweynaha Somaliland, “Waxaan Madaxweynaha u soo jeedinayaa arrinta Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiilalda ee laga sugayo inuu go’aan ka soo gaadho si qurux badan oo cid waliba ku qanacdo loo qorsheeyo, isla-markaana ay Haweenka Kuraas muuqata oo aan goordhow muran la gelin looga qoondeeyo oo aan Dumarka doorkooda la dhayalsan.” ayay tidhi Marwo Suhuur..