Araweelo News Network

gwakiiladasomalilandHareysa(ANN)Wasaairka Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland Dr sacad cali Shire iyo wasiirka Madaxtooyada Md Maxamuud xaashi Cabdi oo ka mid ahaa gudigii saxiixay heshiiskii qabyada ahaa ee Dekedda Berbera oo hadal dheer ayaa dhinacyo badan taabanaaya mudanayaasha golaha wakiilada ugu sharaxay heshiiskii Somaliland la gashay Shirkada laga leeyahay Dalka imaaraatka Carabta ee Dubai World.

Heshiiskaas oo doodo ka taagan yihiin, balse xukuumaddu ku macnaysay inuu yahay mid balaadhinta iyo casriyaynta dekedda Berbera ku sabaabsan, aya saaka loo gudbiyay Gollaha Wakiiladda Somaliland.