By. Cabdiraxmaan Cadami

Caddami
“Nile Academy” In La Saaro Maxaa Loo Cuskanaya.?
Inkasta oo Wasiirka Arimaha Debida Somaliland jawaab diidmo ah ka bixiyey codsigii Qunsulka Turkigu u soo gudbiyey ee ku saabsana in Nile Academy dalka laga saaro ama la xidho dugsiga kaliya ee Hargeysa ka furan, hadana waxa dami waayey oo dhegaha dadweynaha ku soo noq noqonaya hadal haynta in la saarayo Nile Academy iyo in Madaxweynaha JSL cadaadis kaga imanayo Dawladda Turkiga iyo shikhsiyaad gaar ah oo olole xoogan ugu jira in Hay’adda Al-Khidma laga joojiyo hawlaha samo falka ee ay ka wado Wadamo tiro badan oo dunida daafaheeda ah, markii maamulaheeda guud Fadxullah Gulen lagu tuhmay in uu lug ku lahaa Inqilabkii Milatariga ee dhicisoobay.
Hadaba Nile Academy in la saaro maxaa loo cuskanayaa ? mise ma la aqbali karaa codsi aan waafaqsanayn qeynuunka dalka iyo xeerarka caalamka ama haba yaraatee wax maslaxad ahi ugu jirin Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee Dawladda Soamliland kuma qasbana inay ka jawaabto codsiga Dawladda Turkiga sababahan awgood.
1. Codsigu wuxuu kaga yimi diblumaasi derejo hoose oo ah Wakiilka Safiirka Muqdisho Fadhiya
2. Somaliland iyo Turkigu ma laha xidhiidh sokeeye oo gaar ah ( Especial Relationship )
3. Hay’addu may jabin heshiiskii ay la gashay Somaliland, wax dambi ahna dalka kamay gelin
4. Hay’addu kuma jirto liiska Argagaxisada caalamiga
5. Turkigu Dawladda Somaliland uma ay soo bandhigin wax maslaxad ah oo lagu bedesho in hay’adda laga saaro dalka
6. Dugsiga Nile Academy waxa wax ka barta ilaa 250 arday sidaa daraaded macquul ma aha in si fudud layskaga yidhaahdo ha la xidho.

Hadaba inta aanu Madaxweynuhu go’aan ka gaadhin waxa loo baahan yahay in mid mid laysku dul taago qodobada kor ku xusan iyo in uu la tashi kala sameeyo diblumaasiyiinta ruug-cadaaga ah iyo raga aqoonta dururgsan u leh xidhiidhada caalamka.

Si Kastaba ha ahaatee haddiiba ay dhacdo in Madaxweyne Siilaanyo u debco cadaadiska iyo xod-xodashada dawladda turkiga oo uu beeneeyo dhawaaqii wasiirkiisa arrimaha debida, maxaa loo arki karaa siyaasadda arrimaha debida ee xukuumadda madaxweyne siilaanyo ?
In xukuumadu ku kala qeybsan tahay aragtida siyaasadda debida .
In Madaxweynaha JSL ku go’aan qaato aragtidiisa shakhsiga ah sida digtaytarada isaga oo aan tix gelin talooyinka Wasaaradda Arrimaha Debida ama ra’ayul caamka dadweynaha.
Labada Dawladood wada xaajood rasmi ah kam ay yeelan in hay’adda laga caydhiyo Somaliland.
Waxaa lays waydiin doona Madaxweyne Siilaanyo muxuu ku bedeshay inuu aqblo codsi aan la aqbali karin.
Shaki la’aan dad badani waxay u qaadan karaan in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo fulinayso amarkii Dawladda Faderaalka Somaliya ku saartay Hay’adda .
Haddii ay sidaa u dhacdo su’aasha taagi waxay tahay maxay Xukuumaddu ugu talo gashay ardayda wax ka barata ama dugsigu howga u yahay.
Marka lasoo koobo dadweynaha reer somaliland iyo dawladdaha daneeya ama dusha kala socda geedi socodka siyaasadda dalka ma ay garowsan waxay somaliland ugu habranayso Dawladda Turkiga oo aanay waxba ku qabin balse si adag uga soo horjeeda jiri taanka Somaliland.

Ugu danbayn Xukuumadda waxaan usoo jeedin lahaa in fursada laga faaidaysto oo hay’adda Al-Khidma dalka lagu casuumo ama lagu soo dhaweeyo si mashaariicdii laga joojiyey ee Somaliya ka socday Somaliand loogu soo wareejiyo .

Cabdiraxmaan Cadami
abdirahmanadami22@gmail.com