Araweelo News Network

Kim Jong-un is shown signing-off on the rocket launch


Pyongyang(ANN)- Hoggaamiyaha Kuuriyada waqooyi Kim Jong-un, ayaa fariin hanbalyo ah u diray dhigiisa Madaxweynaha Suuriya Bishaar Al-asad. Sida lagu baahiyay wakaaladda wararka ee Kuuriyada Woqooyi Mr. Kim Jong-un wuxuu ku hambalyeeyay Bishaar Al-asad todobaatan guuradii kasoo wareegtay markii Suuriya ay ka xorowday gumeystihii Faransiiska.

Hoggaamiyaha Kuuriyada waqooyi ee Shuuciga ah Kim Jong-un, ayaa cambaareeyay weerarkii sawaariikhda loo adeegsaday ee todobaadkii hore uu Mareykanku ku qaaday saldhig melleteri oo ku yaal gobolka Homs ee badhtamaha dalka Suuriya.

“waa wax lala yaabo duullaankii gardarrada ahaa ee Mareykanku uu ku qaaday dalkaaga, tallaabadaas waan cambaaraynaynaa waana ku gagarab taaganahay difaca dalkaaga” ayuu yidhi Kim Jong-un oo la hadlayay Bishaar Al-asad.

Fariinta Hoggaamiyaha dowladda Shuuciga ah ee Waqooyiga Kuuriya, ayaa noqonaysa tii ugu horraysay ee jawaab celinta u ahayd Hambalyo uu todobaad ka hor Bishaar Al-asad u diray waqooyiga Kuuriya, isagoo ku hanbalyeeyay dabaaldega xuska 105 guuradii kasoo wareegtay aas-aasidda Jamhuuriyadda waqooyiga Gacanka Kuuriya.